Thursday, April 18
Shadow

10 billood jir

Carruurta jirsata 10ka billood ee cimrigooda way hadaaqayaan, guurguurnayaan, mararka qaar waxay isku dayayaan inay istaagaan iyagoo cuskanaya miis ama derbiga. Marka ay hadaaqayaan waxay isticmaalayaan erayo badan oo intooda badan waalidiintu fahmi karin. Markaan ilmuhu waxay istaahilaan in lala sheekaysto si awoodooda luuqadeed u korto.   Ilmuhu xilligaan dhaqdhaqaaqoodu waa mid xawli ku socda oo xitaa waxay isku dayaan inay socdaan iyagoo derbiga cuskanaya.

Carruurta la daadihiyaa waxay awoodaan inay socod tilaabooyin ah qaadaan. Waalidiinta oo gacanta haya ilmaha ayaa ilmuhu isku dayaa inay foorarsadaan si ay u soo qabsadaan boombalo dhulka taal.  Saacadihii mucjisada ahaa ee aad ilmaha oo kaligood soconaya aad arki lahayd waxaa kaa xigta labo billood oo kaliya.

Bisha tobnaad ilmuhu waxaa horumar ku yimid habka isgaarsiintooda,  waayo waxay awoodaan gacanta sidii biinsada oo kale inay wax ku soo qabsadaan. Aad uga taxadar inaad agagaarka ilmaha dhaqaaqaya dhigta walxo yar yar oo uu ilmuhu afka galin karo kadibna ku keeni karta in ilmuhu margado ama neef mareenku xirmo. Ilmuhu hadda waxay awoodaan inay gacana shay ku qabtaan gacanta kalana shaqo kale ku qabsadaan. Carruurtu xilligaan waxay jecel yihiin inay ashyaada raseeyaan ama is-dhexgaliyaan.

10 billood jirka ilmaha ah waxay ku soo uruuraan inay maalinimada u baahdaan hal saac oo hurdo ah. Waxaa fiican in laga hortago inay saacadaas ku aado subaxnimada waayo waxaa fiican inuu yara seexdo galabnimada qadada ka dib si looga hortago hurdo-xanaaqa ka hor hurdada habbeenkii.

Xagga cuntada ilmaha 10 bilood jirka waxay u baahan yihiin in loo kordhiyo dhamaan cuntooyinka sida khudaarta, caanaha garoorka ah, iyo hilibkaba. Bishaan waa bisha ilmuhu ka gudbaan cuntadii shiidnayd oo ay u gudbaan cuntada loo jarjaray. Hadda ilmaha u ogolow inay miiska cuntada ee dadka waawayn ku soo biiraan. Sii qaadadiisa yar iyo baaquli uu maamuli karo. Bar ilmaha inay iskood isku quudin karaan. Marka ugu horaysa ilmuhu cuntada wuu isku daadin doonaa oo qaar badan oo cuntada ah qubi doonaa,  laakiin maalmo tababar ah iyo hawl nadiifin ah ilmuhu wuxuu awoodi doonaa inuu ku filaado inuu isagu is-quudiyo.

Bishaan tobnaad waxaa aad u kordha shaqsiyada ilmaha. Carruurtu waxay u muujiyaan dhoola-cadayn baaxad leh qof kasta oo ay la kulmaan.  Qaarkood waxay muujiyaan qajilaad markay la kulmaan qof ku cusub.

Talooyinka bishaan

  • Inkastoo weli carruurtu wada sheekaysi aysan gaari oo weli hadaaqayaan,  laakiin ilmaha waa in lala sheekaysato si luuqadoodu u korto.
  •  Ciyaarsii ilmaha adoo boombalo ka qaraniya si ay u baaraan meesha ay jirto boombaladaas, taasi waxay kordhisaa garaadka ilmaha in ashyaadu qarsoomaan laakiin ay jiraan.
  • Ka dhig gurigaaga mid badbaado u ah ilmaha sida ka hortaga gubashada, liqida ashyaada ama waxkasta oo dhaawac ku keeni kara ilmaha socod-baradka ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: