Asbuuca labaad Jir

Home » Heerarka Korriinka » Asbuuca labaad Jir

Ilmuhu marka uu gaaro asbuuca labaad waxaa muhiim ah dhamaan dhaq-dhaqaaqa dabiiciga ah. Dhallaanku waxay ku mashquulsan yihiin naas-nuugista, wax-qabsashada, raadinta meesha uu ka jiro naaska hooyadiis iyo il-libiqsiga.
Carruurtu waxay daawanayaan wajiyada waalidkood marka dhabta la saaro,  waxay u baahan yihiin iyana in la daawado wajiyadooda, loo dhoolo-cadeeyo oo madaxa si waafaqaad ah loogu ruxo.

Ilmaha jira labo asbuuc waxay kala ogaan karaan urta hooyadood, waxay dareemi karaan dhadhanka macaanka, qaraarka iyo xaamuda.

Haddii ilmuhu u muuqdo mid si xiriir ah u ooyaya saacado badan waxaa laga yaabaa in ilmahaasi dareemayo callool majiir(Colic). Carruurta da’daan ah 20% ayaa callool-majiirku helaa. Asbuucyadaan ilmuhu wuu la sii ooyi doonaa callool majiirka,  laakiin ha welwelin si dabiici ah ayuu ku dhamaanayaa callool-majiirku.

Talooyinka Asbuucaan

labo asbuuc oo xiriir ah oo naas-nuujin ah hooyooyinku waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay ku noqdaan cunista cunnooyinkii ay jeclaayeen. Hooyadu way cuni kartaa cunto kasta oo nafaqo u leh,  laakiin waxaa fiican in laga taxadaro cuntooyin caanaha naaska u gudba oo ilmaha qaar ku keena callool-majiir iyo ladiidyo. Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas cuntooyinka caanaha laga sameeyo sida farmaajada, basasha, toonta,kaabajka  digirta, iyo kiimikooyinka suugada lagu carfiyo.

  • Yaree qaadashada kafeega iyo shaaha,  waayo waxaa laga yaabaa in caanaha naasaha u gudbaan oo qaar ilmaha ka mid ahi dhibsadaan ama uu hurdo yaraan ku keeno
  • Jooji ama is-dhaafi welwelka waayo waxaa laga yaabaa in uu qaldo jidwalka naas-nuujintaada. booqo dhaqtarkaaga ama umulisadaada haddii welwel ama stress aad dareemayso
  • Isku day inaad guriga bannaanka uga baxdo oo la kulan hooyooyinka kale si aad khabaar uga hesho ku saabsan ilmo korinta.
  • Dhiiggii umulnimada asbuucaan wuu madoobaanayaa marka hooyadu naaska nuujinaysana wuu soo burqanayaa,  waayo ilmo-galeenka ayaa ururaya marka naasaha caanuhu ku soo dhacayaan. haddii dhiiggu saafi yahay ama dhiig-bax badani jiro la xiriir dhaqtarkaaga ama umulisadaada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.