Autism – Sirgaxan

Home » Cuddurada » Autism – Sirgaxan
Ilmo qaba sirgaxan- courtesy of Wikipedia

Ilmo qaba sirgaxan- courtesy of Wikipedia

Cudurkaan afka qalaad lagu yiraahdo Autism waa mid ku cusub Soomaalida ama waxaa laga yaabaa inuu muddo jiray,  laakiin aan la xaqiijin jirin.  Sidaas awgeed, u malaynmaayo inuu jiray magac-bixin Soomaali ah oo uu leeyahay. Waxaan qiyaasayaa inaan ahay qofkii ugu horeeyay oo qoraal ahaan ku soo gudbiyay. Waxaan Qiyaasay maadaama uusan magac hore Soomaalida u lahayn inaan saaro magac-bixin cusub oo ah Sirgaxan.

Cudurkaan wuxuu ka bilaabmaa cillad xagga maskaxda ah,  oo niyuuroonada ama neerfayaasha maskaxdu si khariban ay u samaysmeen markii ilmuhu uurka hooyadiis ku jiray. Wuxuu cudurkaani  ilmaha uu halleelo ku keenaa cillad ku timaado xagga dhexgalka bulshada iyo xiriirka dadka. Cudurkaani wuxuu asiibaa halka maskaxda ee laga maamulo khabaaraadka,macaamilka iyo luuqada.

Cuddurkaan inkastoo la ogaan karo marka ilmuhu lix bilood jiro haddana waa adag tahay in la xaqiijiyo inta ilmuhu uusan gaarin 3 sanno.

Maalin walba maskaxdeenu waxay turjuntaa ama fahantaa waxa aan aragno, waxa aan maqlayno, waxa aan urinayno iyo waxa aan dhadhaminayno ama taabanayno, laakiin marka maskaxdu aysan samayn karin turjumaadaas waxa imaanaysa inuusan qofku si fiican wax u fahmi karin,  hadli karin,dhagaysan karin, taaban karin, urrin karin amaba uusan baran karin.

Calaamadaha lagu garto Autism ama Sirgaxanka

  • Go’doon bulsheed: Carruurta cudurkaan qabtaa waxay caan ku yihiin inay go’doon ka noqdaan bulshada. Waxay noqdaan kuwo gooni ah oo aan carruurta facood ah aan ka samaysan saaxiibo. Waxaa ku dhib ah inay celiyaan jawaab jirreedka sida dhoolo-cadaynta iyo dhaqdhaqaajinta indhaha. Ilmaha 3-5 jirka ah ee sirgaxani awood uma lahan inuu muujiyo fahan-bulsheed ah inuu bulshada dhexgalo, u jawaabo si isku dubaridan,  jawaab bixiyo isaga oo aan hadlin.

 

  • Xiriir la’aan iyo luuqad la’aan:  Kala bar carruurta sirgaxani ma hormariyaan barashada luuqada waalidiintood ku hadlayaan si ay ula qabsadaan nolol-maalmeedka caadiga ah. Waxay la soo daahaan hadaaqa. Marka ay gaaraan 3 sanno islama socodsiiyaan erayada iyo dhaqdhaqaaqa jirka ee dareenka lagu muujiyo. Waxaa suuragal ah in hal eray maanta oo dhan uu ku celcesho ilmaha sirgaxani.

 

  • Ficil lagu celceliyo: Carruurta sirgaxani waxay sameeyaan ku celcelis noocyo badan oo ay ka midka yihiin inay gacanta iyo qoorta war-wareejiyaan ama jirka ruxaan. Alaabta ay ku ciyaarayaan carruurtaani way raseeyaan ama waa is-dabagaliyaan si xiriir ah oo ku celcelis ah. Waxay jecelyihiin guriga ay ku nool yihiin maacuunta ama qalabka yaal in ay hal hab ama qaab u yaalaan haddii wax laga badalana ay ka xumaanayaan. Waxay ku dhegaan hal nooc oo boombalo ah ama hal barnaamij oo TVga ka socda.

 

  • Is-dhaawacid: Waxaa laga yaabaa carruurta sirgaxani inay is dhaawacaan marka laga horyimaado doonistooda sida isha oo ay farta iska galiyaan, gacantooda oo ay qaniinaan ama madaxa oo ay darbiga ku garaacaan.

 

Maxaa keena sirgaxnaanta?

Cilmi-baaris la sameeyay ayaa soo bandhigtay in 88dii cunnugba hal cunnug uu qabo cudurkaan sirgaxnaanta,  oo ah marka maskaxdu turjumi waydo darreen-maalmeedka joogtada ah. Ilaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee keenta cudurkaan Autismka waayo maskaxda aadamigu waxay ka kooban tahay in ka badan 100 bilyan oo niyuuroon oo ay weli adagthay in la fahmo sida ay u shaqeeyaan. Waxaa saynisyahanadu isku raacsan yihiin in cudurkaan la iska dhaxlo.

Sidee loola tacaalaa ilmo sirgaxan?

Marka hore waalidiinta waa inay ogaadaan waxa ka qaldan carruurtooda, ilmo aan hadaaqayn, ilmaha gaaray da’dii hadalka oo aan hadli karin iyo ilmo aan la macaamili karin dadka ama aan la ciyaari karin asaagiis- dhamaan waxay noqonayaan calaamadaha cudurka Autism.

Cudurkaani ma lahan daawo aan ka ahayn in dhaqaatiir iyo macalimiin gaar ahi ilmaha sirgaxan u tababaraan inuu barto luuqada iyo hab-dhaqanka. Mararka qaarkood waxaa wax lagu fahamsiyaa luuqada calaamadaha iyo sawiro. Qaar ka mid ah carruurtaani waxay ka baxaan ilaa dugsi sarre ama kuleej oo caadi bay noqdaan haddii goor hore la ogaado calaamadaha oo la siiyo tababar gaar ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.