Bilhaarsiya

Home » Maqaalo Caafimaad » Bilhaarsiya

Kaadi-dhiig waa calaamad cuddur. Waa marka ay kaadida dhiig soo raaco. In kaadida dhiig soo raaco waxaa keeni kara cudduro badan oo ay ka midka yihiin infectionka habdhiska kaadi-mareenka,  kansarka iyo Bilharsiyada. Maadaama dadka Soomaaliyeed in badan ka aqoon cudurada kale ayay bilhaarsiyada ula baxeen magaca ah kaadi-dhiig.

Kaadi-dhiigga ama bilhaarsiya waxaa keena nooc gooryaan baarasayt ah. Caabuqa noocyada Schistosoma mansoni, S. haematobium, and S. japonicum waxay binu-aadamka ku keenaan xannuuno. Sida ay sheegtay hay’ada Caafimaadka Adduunka in ka badan 200 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa sannad walba uu asiibaa cuddurka bilhaarsiyada ama kaadi-dhiiggu.

Sidee lagu qaadaa bilhaarsiyada ama kaadi-dhiigga

Caabuqa cuddurkaani wuxuu dhacaa marka maqaarka binu-aadamka ay duraan oo galaan ugxanta gooryaanka bilhaarsiyada oo ku nool biyo ay ku nooshahay noocyo ka mid xaaxeeyada gabaadka u ah baarasaytkaan.
Biyaha wabiyada ama baliyadu waxay halaabaan marka qof qaba cuddurka bilhaarsiya uu biyaha ama ku saxaroodo ama ku dhex kaadsho markaas oo ugxanta gooryaanka schistosoma ku dilaacaan biyaha. Haddii ay biyaha ku nooshahay xaaxeeyadu,  ugxantu waxay raadsadaan xaaxeeyo ay dhexgalaan, halkaas oo ay ugaxantu ku dhextaranto ilaa ay ka qaangaarto.

Dabadeed,  Baarasaytku waxay ka soo baxaan xaaxeeyada oo ay dib biyaha ugu soo noqdaan si ay u raadsadaan noole kale oo ay ku dhex noolaadaan.  Marka dadku biyaha wasakhaysan ku dhex dabaalanayaan, ku mayranayaan dharka amaba ku qubaysanayaan ayay caydiyada gooryaanku maqaarka dadka duraan si ay ku dhexgalaan jirka dadka oo ay dhiigga u raacaan. Dhawr asbuuc ka dib marka caydiyadu xiddidada dhiigga ku dhex noolaadaan ayay qaangaaraan. Dabadeed gooryaanka dhedig waxay dhashaa ugxamo cusub oo gaara mandhicirada iyo kaadi-haysta si saxarada iyo kaadida ay u raacaan oo ay meerto kale oo nololeed ay u bilaabaan.

Meerto nololeedka Bilhaarsiyada

Meerto nololeedka Bilhaarsiyada

Calaamadaha ay Bilhaarsiya ku keento bukaanka

Maalmo gudahood marka caydiyada gooryaanku jirka qofka galo maqaarka waxaa ka soo baxa nabro cuncun yeesha.  Bil ama labo bilood ka dib Wuxuu qofku yeelan karaa qandho dhaxan wadata, murqo-xannuun iyo qufac. Inta badan dadka wax calaamado jiro ah ma lahan wajigaan koowaad ee cuddurka.

Marka gooryaanadu qaangaar noqdaan waxay dhigaan ugxan farabadan oo gaarta mindhicirada, kaadi-haysta iyo beerka. Ugxantaasi waxay unugyadaan ku keentaa barar iyo tahar ku timaada nudayaasha iyo unugyada. Kaadida qofka qaba waxaa soo raaca dhiig.  Carruurta marar badan uu haleelo bilhaarsiyadu waxaa ku dhaca dhiig la’aan, nafaqo-daro iyo waxbarashada oo ku adkaata. Haddii aan qofka laga daawayn muddo dheer bilhaarsidana baarasayku waxay awoodaan inay dhaawacaan beerka, sanbabka iyo kaadi-haysta. Mar mar dhif ayay gaaraan baaraysayku maskaxda iyo laf-dhabarta oo ay ku keento dadka qalal iyo baaralays.

Sidee lagu xaqiijiyaa bilhaarsiya

Haddii aad dhawaan ku safartay meel uu ka jiro kaadi-dhiigu, sidoo kalana aad shaki ka qabto inaad qaaday bilhaarsiya booqo dhaqtarkaaga si baaritaan laguugu sameeyo. Dhaqtarkaagu wuxuu kugula talinayaa in saxaro, kaadi ama dhiig lagaa qaado oo shaybaarka loogu diro.

Daawaynta bilhaarsiya

Waxaa jira daawayn amaan ah oo lagu daaweeyo bilhaarsiya. Kaniiniga la yiraahdo Praziquantel ayaa lagula taliyaa in bukaanku qaato. Laakiin,  la xiriir dhaqtarkaaga si loo xaqiijiyo inaad qabto cuddurka oo daawadaas laguugu qoro.

Wadamada inta badan ay ka jirto Bilhaarsiya

Sida ay diiwaangalisay hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO waxaa cuddurkaan laga helay 78 wadan oo ka tirsan dunnida. Wadamadaas waxaa ku jira Soomaaliya oo inta badan laga helo cuddurkaan agagaarka dhulka ay maraan wabiyada Shabeele iyo Jubba. Meelaha kale ee laga helo cuddurkaan waxay kala yihiin Qaarada Afrika, bariga dhexe, jasiiradaha Kareebiyaanka, baraasiil, Shiinaha, Indooniisiya, Filibiin, laos, iyo kaamboodiya.

Sidee looga hortagaa fidista cuddurka bilhaarsiya

Habka ugu wanaagsan oo looga hortagi karo bilhaarsiayada waa dadka oo loo helo biyo nadiif ah, dabargoynta xaaxeeyada iyo daawayn guud oo la siiyo dadka ku nool meelaha uu ku badan yahay cuddurkaani.  Dadka u safraya meelaha uu ku badan yahay cuddurkaani waa inay ka taxadaraan isticmaalka biyaha webiyada iyo baliyada laga yaabo inay ku halaysan yihiin ugxanta gooryaanka. In carruurta iyo dadkaba loo helo musqulo ay ku saxaroodaan Iyana waa muhiim. Waxaa kale oo muhiim ah in loo sameeyo xayndaab wareegsan baliyada iyo berkadaha biyuhu galaan si aysan u soo gaarin saxarada laga yaabo inay wadato cudurada.

Ogow cabitaanka biyo ku wasakhysan gooryaan bilharsiya kuma gudbo kaadi-dhiiggu,  laakiin haddii ugxanta gooryaanku gaarto bishimaha waxay halkaas mudi kartaa maqaarka si ay dhiigga u gaarto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.