Caabuqa dhegaha – Ear infection

Home » Cuddurada » Sanka-Cunnaha-Dhegaha » Caabuqa dhegaha – Ear infection

Caabuqa dhegaha ama infectionka ku dhaca waa marka dhegta dhexdeeda ay galaan jeermisyada baakteeriyada iyo fayrasyada,  oo ay ku keenaan calaamadaha xannuunka, qandhada iyo appetite la’aanta. Inta badan carruurta oo dhan hal mar ayuu soo maraa caabuqa dhegtu inta aysan gaarin labo sanno.

Sidee u dhacaa caabuqa dhegtu?

Caabuqa dheguhu waa jirrooyinka ugu badan ee ku dhaca carruurta, wuxuuna u dhacaa marka ilmaha dhegta uu jeermi ka galo. Dhegtu qaab ahaan waxay u qaybsantaa 3 qaybood oo kala ah dhegta banaanka, dhegta dhexe iyo dhegta shishe. Inta badan caabuqa dhegta bannaanka kuma badno carruurta. laakiin, waxaa aad ugu dhaca dhegaha waa caabuqa dhegta dhexe oo la yiraahdo Otitis Media.

Dhegta dhexe waxay ka danbaysaa durbaanka dhegta. Haddii baakteeriya ama virus gaaro dhegta dhexe waxay noqonaysaa in dhabarka danbe ee durbaanka dhegta ay fariistaan dheecaan ka kooban unugyada difaaca jirka, dheecaan iyo baakteeriya ama fayrus jirku dilay. Dheecaankaani waa waxa la yiraahdo malaxda. Caddaadiska dheecaankaas oo waaya meel uu ka baxo ayaa keena in ilmuhu dhegta xannuun badan ka darreemaan, aakhirkana keena in durbaanka dhegtu dilaaco oo malaxdii ka soo dareerto dhegta.

Waxaa jira marin la yiraahdo Eustachian tube oo isku xira dhegta dhexe iyo Hunguriga. Shaqada marinkaasi waa inuu miisaamo hawada joogta dhegta dhexe si caddaadiska looga qaado dhegta,  iyadoo hawada saa’idka ah dhinaca hunguriga loo saaro.

Carruurta marinka Eustachian aad buu u yar yahay oo haddii jeermi raaco way adag tahay in jirka jeermiga bannaanka isaga soo saaro. Marinkaan cirririga ah carruurta ka yar 3da sanno wuxuu ku keenaa infekshin badan oo dhegaha kaga dhaca. Carruurta marka xasaasiyada ama hargabku ku dhaco marinkaani wuxuu halis u yahay inuu xirmo oo halkaas caabuq ka dhaco keena dhego-dilaaca.

Waa maxay calaamadaha lagu garto caabuqa dhegaha?

Calaalamada ugu horaysa waa xannuun dhegta ilmaha ka qabta. Haddii ilmuhu uusan hadli karin waxaa lagu garan karaa ilmaha oo cabanaya oo haddana dhegta jirran farta galinaya. Waa kuwaan calaamado kale:

  • Cunto qaadashada ilmaha oo hoos u dhacda,  waayo ilmuhu wuxuu dhibsanayaa calaliska iyo liqitaanka.
  • Hurdada oo ilmaha dhibta,  waayo dhegta xannuunsan dhinaceeda uma seexan karo.
  • Shuban ama matag,  waayo jeermiga infekshinka keenay ayaa laga yaabaa inuu u gudbo habdhiska dheefshiidka.
  • Dheecaan jaalle ah oo ka soo darreera dhegta oo muujinaya in durbaankii dhegtu qarxay. Dhamaan carruurta oo dhan durbaanka dhegtu ma wada qarxo. Haddii uu qarxay ha welwelin dhegtu way buskoonaysaa haddaad ilmaha dhaqtar u gayso oo la daaweeyo.
  • Ur aan carfoonayn oo ka soo baxa dhegta jirran.
  • Miisaanka socodka ilmaha oo luma,  maadaama dheguhu caawiyaan qofka in jirku miisaanaado socodka iyo taagnaantaba.

 

Sidee loo daaweeyaa caabuqa dhegaha?

Mararka qaarkood waxaa jira in caabuqa dheguhu aysan u baahnayn in lagu daaweeyo Antibiyootig.  Laakiin, haddii ilmuhu aad u liito waxaa suuragal wayn ah dhaqtarkaagu kuu qoro daawayn antibiyootig ah.

Waxaad xaqiijisaa in haddii dhaqtarku u qoro ilmaha kuuro antibiyootig ah inaad ku dhamayso daawada ilmaha. Waxaa laga yaabaa 24ka saac ee soo socda in aysan joogsan calaamada xannuunka,  markaa ilmaha sii daawo xannuun baabi’iye ah sida Paracetamol ama haddii uu ka wayn yahay 6 billood Ipubrufen. Marna ilmaha ha siin Aspirinka. Sidoo kale ilmaha ku soo celi dhaqtarka hal ama labo asbuuc ka dib.

Haddii aan laga daawayn ilmaha caabuqa dhegaha waxaa laga yaabaa inuu qarxo durbaanka dhegta, caabuq ku dhaca lafaha madaxa, menengitis iyo dhego-beel.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.