Posts in the ‘Calaamadaha’ Category

DHAAWACA MADAXA

   Carruurtu way ciyaarayaan, way boodboodayaan, way ordayaan. Waxay tijaabinayaan wax kasta ama shay kasta oo ay nolosha kula kulmaan. Markaa waxaa soo gaari kara shilal aysan qiyaasayn. Sidoo kale, waxay isku gaysan karaan dhaawacyo. Meelaha ugu khatarsan oo dhaawacuadu ka soo gaari karaan waxaa ka mid ah madaxa oo jug ama dhaawac ka gaari

Xabeebta

Xabeebta waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa hoarseness,  waxaana ay timaadaa marka caabuq ku dhaco santuukha codka ama Larynx. Santuukha codka(voice box) waxa uu ku yaalaa waxyar meel ka horaysa hunguriga cad(Trachea) oo ah tuubada ay hawadu marto. Santuukha codku wuxuu ka kooban yahay labo muruq oo lagu magacaabo vocal cords ama carabyada hadalka. Marka qofku

Fuuq-baxa

Fuuq-baxa waxaa luuqada caafimaad  lagu yiraahdaa Dehydration oo macnaheedu yahay marka jirka uu ku yaraado dheecaanka ama biyahu. Culayska jirka carruurta waxaa  lagu qiyaasaa in 70% ay yihiin biyaha jirka ku jira. Sida caadiga ah qofka aadamiga ah wuxuu lumiyaa biyaha jirka ku jira marka uu kaadinayo, saxaroonayo iyo marka uu dhididayo. Waxaa kale oo

Callool-maroojiska carruurta

Callool-maroojiska carruurta(infantile colic) waxaa lagu tilmaamaa oohin carruureed aan kala joogsi lahayn ee ilmo caafimaad qaba. Haddii ilmahaagu ka yar yahay 5 billood oo maalintii 3 saac oo xiriir ah uu ooyo, saddex beri asbicii muddo 3 asbuuc ah waxaa la yiraahdaa ilmahaasi wuxuu qabaa maroojiska calloosha. Callool-maroojisku ma ahan jiro mana ahan dhib wayn

Callool-qalayl – Constipation

Jamaal wuxuu dareemayaa inuu musqusha tago si uu u soo saxaroodo,  waayo muddo 4 beri ah ma saxaroon. Wuxuu galay musqushooda,  Laakiin saxankii musqusha markii uu ku fariistay ayuu sameeyay docosho badan iyo inuu saxarada xoog isaga soo saaro. Cabaar markuu xarbiyay ayuu soo tuuray dhawr qurub oo adag oo qalalan. Jamaal dabadeed saxaradii ayuu

Neef-qabatinka

Marka qofka caadiga ah ama ilmaha yar ay ku yaraato oksijiinta uu jirku u baahan yahay ayaa la dareemaa neef-qabatinka,  oo ah in naftii la harjadayso inay hesho hawo oksijiin ah oo la neefsado.  Sanka oo cabur owgiis xirma iyo jimicsi badan waxay keenaan in cunugu neefta boobo,   laakiin haddii ay muuqato in ilmuhu

Mataga

Matagu ama hunqaacadu waa calaamad caam ah oo ay carruurtu leedahay.  Matagu wuxuu yimaadaa marka cuntada iyo cabitaanka ku jira caloosha ilmaha banaanka si xoog ah uga soo baxaan oo ka boodaan afka iyo sanka.   Matagu waa hab ama dariiqo jirku isaga soo saaro waxyaalo ama jeermisyo dhib ku ah jirka.   Mararka qaarkood

Shubanka

  Shubanka laatiinka waxaa lagu yiraahdaa Diarrhea oo ka yimid eray Giriig ah oo macnihiisu yahay Dareerid (Dia=”flow” iyo -rrhea =”through”).  Macnaha waxa weeye waa marka qofku dhigo saxaro jilicsan oo biyo u badan marar badan oo is-xiga.  Shubanka waxaa keena saamayn caabuq ama caabuq la’aan. Sidee baan ku ogaan karaa in cunnugayga uu hayo

Qufaca

Qufacu waa calaamad muujisa in jirro ama caabuq ka jiro habdhiska neef-mareenka ee Carruurta. Qufacu waa darreen xoog leh oo sanbabka, sanka iyo hunguriga cad isaga soo saaraan wax ka kasta oo jirka dhib u keeni kara. Waa calaamad guud ah oo ku caan ah carruurta qabta neefta iyo qaar-jeexa(pneumonia), hargabka iyo wixii la mid

Qandho

Ka soo qaad cunnugaagii dugsigii ama iskuulkii buu ka soo noqday isagoo daalan ama xumadi hayso. Hooyadu markiiba gacanteeda ayay ilmaha wajigiisa saartaa bal  heerkulka jirka cunnugu inuu koreeyo iyo in kale. Amaba waxaa la isticmaali karaa thermometer si loo ogaado heerka heerkulka jirka. Waxaa la is-waydiiyaa dhowr su’aalood oo kala ah:- Waa maxay Qandho?

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.