Posts in the ‘Maqaarka’ Category

Nabraha maqaarka Carruurta

Nabraha maqaarka carruurta ka soo daata waa kuwa bilaaban kara dhalashada ilmaha ka dib ilaa noloshiisa. Sideedaba faruuracu(Rashes) waa jawaab-celin jirku ka bixinayo dhib ama kiimiko jirka dibada uga timid sida daawo ilmuhu xasaasiyad ka qaaday, cayayaan qaniinay ama jeermis(fayras, baakteeriya, fungus) soo gaaray maqaarka ilmaha. Calaamadaha maqaarka carruurta kasoo muuqda waalidiinta waxaa u fiican

Injirta timaha gasha

Waalidiin badan ayaa ka qajila haddii ilmahooda madaxyadooda lagu arko in injiri gashay. Laakiin welwel badan in la qaado ma fiicna,  waayo injirtu ma gudbiso cudduro kale oo aan ka ahayn inay ilmaha ku rido cuncun madaxa ah oo laga yaabo in xoqitaanka badani u keeno in madaxu nabro yeesho ama infakshin ku dhaco dhalada

Gubashada iyo carruurta

Carruurtu dabiiciyan waa kuwo khabaar-doon ah,  oo sahaminaya wax kasta oo indhahooda ku dhaca. Doonista khabaardoonka ah waa mid dabiici ah oo binu-aadamka oo dhan dabeecad u ah,  ee kuma koobna carruurta oo kaliya. Shay kasta oo gacantoodu gaarto waxay jecelyihiin inay laacaan oo ka wardoonaan. Taas ayaa keenta in carruurtu xitaa dab qaxmaya ay

Busbus – Chickenpox

Cuddurka Busbus – Chickenpox waa cuddur ku dhaca maqaarka,  oo uu keeno nooc Fayras ah oo la yiraahdo Varicella zoster.  Inkastoo uu ku dhici karo dadka waawayn, haddana inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta ka yar 15ka sanno. Waxaa lagu kala qaadaa hawada oo uu galo fayraskii marka qof qaba busbuska uu qufaco ama hindiso, dabadeedna

Is-nadaamis – Scabies

Cuddurka is-nadaamiska waa cuddur aad la isagu gudbiyo oo leh cun-cun iyo xajiimood badan. Waxaa keena dullin yar oo boodada oo kale ah,  laakiin il-ma-aragtay ah,  lana yiraahdo Sarcoptes scabiei. Dullinka keena is-nadaamiska waxay ku nooshahay maqaarka aadamiga oo ay godod ka qodato meelaha laalaabka jirku ka yahay sida faraha dhexdooda iyo kil-kilaha. Is-nadaamisku waa dullin

Impetigo

Impetigo waa cuddur aad u fida oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan da’doodu u dhaxayso 2-6 sanno.  Inta badan wuxuu ku dhacaa agagaarka afka, sanka, qoorta iyo dusha sarre. Waxaa kale oo ay ku dhici kartaa gacmaha iyo lugaha. Cuddurkaan waxaa keena inta badan labo nooc oo baakteeriya ah oo la kala yiraahdo  streptococcus pyogenes  iyo Staphylococcus aureus.

Canbaarta – Ringworm

Canbaartu waa cuddur aad u faafa oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan ka wayn labo sanno. Cuddurkaan sida dad badani aaminsan yihiin ma keenaan gooryaamadu.  Magaca laatiiniga ah waxaa loogu yeeraa Ringworm oo macnaheedu yahay gooryaankii wareegsanaa. Magacaasi wuxuu ku yimid  marka canbaartu haleesho maqaarka ayay waxay ka  samaysataa ooggada qaab goobaabin oo kale

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.