Labo sanno jir
Hanbalyo.. Hanbalyo hooyo iyo aabbe, waayo ilmahaagu wuxuu u dabaaldegayaa sannad-guuradii labaad ee cimrigiisa. Wiilkaaga ama gabadhaadu hadda waxay awoodaan inay socdaan, hadlaan, ciyaaraan. Sannadka labaad jirka ilmaha caafimaadka qabaa wuxuu sameeyay hurumar badan oo ay ka mid yihiin in ilmuhu ordi karo, jaranjarada guriga ku taagsan karo, bannooniga laadi karo, labadiisa gacmoodba isticmaali karo.