Posts in the ‘Maqaalo Caafimaad’ Category

Bilhaarsiya

Kaadi-dhiig waa calaamad cuddur. Waa marka ay kaadida dhiig soo raaco. In kaadida dhiig soo raaco waxaa keeni kara cudduro badan oo ay ka midka yihiin infectionka habdhiska kaadi-mareenka,  kansarka iyo Bilharsiyada. Maadaama dadka Soomaaliyeed in badan ka aqoon cudurada kale ayay bilhaarsiyada ula baxeen magaca ah kaadi-dhiig. Kaadi-dhiigga ama bilhaarsiya waxaa keena nooc gooryaan

Baabasiirka

Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig.  Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo. Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa

Boog calooleedka

Boog callooleedka ama gaastariko waa boogo furan oo ku samaysma gidaarada moqorka cuntadu marto ilaa hunguriga madow ilaa mindhicirka yar qaybtiisa hore. Calaamada ugu muhiimsan oo ay nabrahaani dadka ku keenaan waa xannuun badan oo ka imaanaya uurku-jirta. Boog caloodku waxay u qaybsamaan saddex nooc oo kala ah: Boog moqoreed ama gastric ulcer oo ku

Saabuunta Antibiotiga ah ma dhaantaa saabuunta caadiga ah

Dhawaan waxaa qarxay muran ku aadan in saabuunaha antibiyootiga ah sida Dettol iyo Protex ay dhaamaan saabuunta caadiga ah ee ama lagu qubaysto ama lagu gacmo-dhaqdo. Sida caadiga ah saabuuntu waxay aadamiga u qabataa labo shaqo oo muhiim ah oo kala ah inay jirka ka nadiifiso wasakhda iyo inay jeermiga halista ah ka hortagto inuu

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.