Cudurka Celiac

Home » Cuddurada » Cudurka Celiac

Cudurka Celiak (Seeliyaak) waa cuddur xasaasiyada jirku kiciso oo ku dhaca habdhiska dheefshiidka ee carruurta. Qofka qaba cudurkaan wuxuu dhibsadaa barootiinka la yiraahdo Gluten oo inta badan laga helo cuntooyinka laga sameeyo sareenka sida rootiga, baastada iyo pizza.

Carruurta qabta cudurkaan marka ay quutaan cunto uu ku jiro barootiinka Gluten ayaa barootiinkani gaaraa habdhisyo yar yar oo la yiraahdo Villi oo ku taxan mindhicirada.  Shaqada Villi waa inuu dhuuqo nafaqada cuntadii la shiiday,  si dhiiga loogu daro nafaqadii saafida ahayd.  Gluten marka uu soo gaaro Viilliga ayaa jirku ku furaa lid-jireedyo la dagaalamaya barootiinkaas Gluten.  Dabadeed dhaawac ayaa gaara habdhisyadii yar yaraa ee villi.  Waxaa dhacda in jirkii nafaqadii dheefsan waayo maadaama villigii la burburiyay.

Waxaa ku yimaada carruurta yar yar inay kori waayaan, halka kuwa roon roon lagu arko calaamadaha shubanka, dibiro, culayska cunnuga oo is-dhima, daal iyo tabardaro iyo maqaarka oo ay ka soo baxaan nabro yar yar oo xanuun badan.

Dhakhaatiirtu ilaa hadda ma hubaan sababta jirku ula dagaalo maadada Gluten, ilaa haddana looma hayo wax daawo ah oo lagu daaweeyo xasaasiyadaan.

Calaamadaha lagu garto cudurka Celiac 

Calaamadaha lagu garto cudurkaan waxay soo if-bixi karaan heer kasta oo nolosha ee carruurta. Qaar ka mida carruurta marka ilmaha lagu bilaabo cuntadaba way soo if-baxaan, halka kuwo kale goor danbe oo noloshooda ah ay dhibsadaan Glutenka.

  • Callaamada ugu horaysa ee cudurkaan lagu garto waa marka ilmaha cuntada adag lagu bilaabo ayaa cunnugu dhibsanaya glutenka,  oo uu bilaabaa shuban, calool xanuun iyo miisaanka ilmaha oo kordhi waaya.
  • Waxaa laga yaabaa nabro yar yar(skin rashes) inay ka soo baxaan suxulada, barrida iyo jilbaha ilmaha xasaasiga ku ah Gluten.
  • Nafaqo-darro.
  • Nabro afka ka soo baxa.
  • Waqti dheer ka dib waxaa laga yaabaa in cunnuga ay haleesho dhiig la’aan(Anemia)

 

Maxaa keena cudurka  Seeliyak

Sababaha keena cudurkaan ilaa hadda lama yaqaan laakiin waxaa lagu xiriiriyaa cuduro kale oo ay ka midka yimiin Down syndrome iyo  jirooyinka Thyroidka. cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in cudurkaan si dhaxal ah la isagu gudbiyo.

Diagnosis/xaqiijinta cudurka  

Xaqiijinta cudurkaan waxay ku bilaabataa in saami dhiig ah laga qaado ilmaha,  dabadeena la fiiriyo lid-jireedyada lidka ku ah Gluten ee joogga mindhicirka yar. Haddii la helo qadar badan oo lid-jireedyo waxaa la go’aansadaa in la isticmaalo Endoscope oo cad yar(Biopsy) laga soo gooyo mindhicirka si loo sii xaqiiqsado.

Sidee baan ula tacaalaa ilmaha lagu xaqiijiyay Cudurka Celiac.

Ilmaha qaba Seeliyak waxaa waalidiintiisa lagula taliyaa inay booqdaan dhaqtar ku taqaqusay nafaqada. Waxaa habboon in laga ilaaliyo ilmaha in la siiyo cuntada uu ku jiro barootiinka Gluten sida sarreenka iyo Parley.

Waalidiinta waxaa ku waajib inay akhriyaan cunto kasta baakadka ama gasaca ay ku jirto warqadda la socota oo sheegaysa waxa cuntadaasi ka kooban tahay. Cuntooyinka laga soo sifeeyay ama la xaqiijiyay inaysan ku jirin gluten waxaa lagu qoraa “Gluten-free”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.