DHAAWACA MADAXA

Home » Calaamadaha » DHAAWACA MADAXA

 

 Carruurtu way ciyaarayaan, way boodboodayaan, way ordayaan. Waxay tijaabinayaan wax kasta ama shay kasta oo ay nolosha kula kulmaan. Markaa waxaa soo gaari kara shilal aysan qiyaasayn. Sidoo kale, waxay isku gaysan karaan dhaawacyo. Meelaha ugu khatarsan oo dhaawacuadu ka soo gaari karaan waxaa ka mid ah madaxa oo jug ama dhaawac ka gaari karo. Halkaan hadda waxaan doonaynaa inaan waalidiinta tusno hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada ilmaha madaxa ka soo gaara. Tilmaanta ugu horaysaa waa haddii cunugaaga jug ama dhaawac madaxa ka gaaray ula carar isbitaalka iyo dhaqtarka.

Dhaawacyada madaxa carruurta ka soo gaara waxaa loo kala saaraa labo nooc :

  1. Dhaawac banaanka ah:  oo ah dhaawac fudud oo madaxa gaara, inta badan jugtu ma gaarto maskaxda. Waxaa imaan kara dhiigbax banaanka u soo baxa ama dhiig fariista maqaarka iyo lafta madaxa.
  2. Dhaawac gudaha ah:  oo waxyeeleeya maskaxda. Waxaa laga yaabaa in dhiigbax gudaha ah dhiig  maskaxda ku furmo.

 

GARGAARKA LA SIINAYO ILMAHA DHAAWACA MADAXA KAGA DHACDAY

Raadi gargaar caafimaad haddii calaamadahaan ilmuhu yeesho:

  • Miyir beel
  • Matag joogto ah
  • Oohin joogto ah
  • Xannuun madaxa iyo qoorta
  • Hurdo ilmuhu toosi waayo
  • Socodka oo ilmuhu awoodi waayo.

 

Dhamaan calaamadahaan kore waxay muujinayaan in dhaawaca ama jugta madaxa soo gaartay ay gaartay maskaxda oo laga yaabo in dhiigbax cadaadis saaro qaybaha maskaxda ee nugul , sidaas awgeed si degdeg ah ilmaha u gee isbitaalka ama dhaqtarka.

Haddii ilmuhu jugta madaxa kaga dhacday ay fududahay, dareenka ilmuhu joogo waxay u egtahay in dhaawaca madaxu uusan waynayn laakiin waxaad u baahan tahay inaad isha ku hayso xaalada ilmaha 24 saac ee soo socota. Haddii ilmaha dhaawaca madaxa kadib dhiigbax yimid waa in nabarka yimid la daaweeyaa oo la dhayaa. Haddii ay jug kaliya ay tahay oo barar yar leh waxaa maro lagu duubaa qurub yar oo baraf ah oo la saaro meesha barartay 4 jeer maalintii.

Haddii ilmuhu sheegto in madax-xannuun hayo sii daawada Paracetamol 3 jeer maalintii. Ha u diidin ilmuhu inuu nasto ama seexdo jugta madaxa ka gaartay ka dib laakiin xaqiiji inay hurdadu caadi tahay iyo inkale waayo waxaa dhacda in hurdadaasi uu ilmuhu dhawac maskaxda gaaray awgiis oo la toosi waayay. Xooggaa marka ilmuhu jiifo toosi, kormeer dareenkiisa maskaxeed iyo jirreed. Waydii su’aalo ay ka mid yihiin:

  • Magacaa?
  • Xaggee joogtaa?
  • Maanta waa maalintee?
  • Ma garanaysaa wajiyada dadkaan?

 

Haddii ilmuhu aad u da’ yar yihiin fiiri inay matag badan leeyihiin, oohin saa’id ah iyo inay si caadi ah ula qabsanayaan xaalada , Tusaale ahaan haddii ay laacayaan boobbalooyinka uu ku ciyaari jiray.

KA HORTAGA DHAAWACA MADAXA CARRUURTA

Suuragal maahan in laga hortago dhaawaca soo gaari kara madaxa carruurta laakiin waxaa jira habab deegaanka carruurtu joogto looga dhigi karo amaan.

Xaqiiji in:

  • Gurigaagu amaan u yahay carruurta oo aysan oolin wax kasta oo ilmaha dhaawici kara.
  • In carruurta ku ciyaaraysa baaskiilada, skiing, xeegada iyo ciyaaraha la midka ah ay xirtaan helmet ama koofiyad loogu talagalay xirfadahaas.
  • Xilliyada safarada baabuurta yar yar carruurta in loo xiro suunka fadhiga kursiga.
  • In carruurta laga waaniyo dagaalka iyo rabshadaha inta guriga ay ka maqan yihiin.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.