Diisantariyo

Home » Cuddurada » Dheef-shiidka » Diisantariyo

Cuddurka diisantariyo waxaa lagu qeexaa shuban ama saxaro jilicsan oo ay la socdaan axal, dhiig, malax iyo callool-maroojis. Dadka Soomaaliyeed cuddurkaan waxay u yaqaanaan magacyo badan oo ay ka mid yihiin Axal-dhiig, shuban-dhiig, xundhur iyo kuwa kale. Diisantariyada waa cuddur ku dhaca mindhicirada oo ay keenaan jeermiyada baakteeriyada iyo baarasaytyada Ameebaha. Cuddurkaan wuxuu ka dilaacaa inta badan wadamada kulaalayaasha ah marka ay timaado inay hoos u dhacdo nadaafada iyo faya-dhawrka guud ee bulshadda. Sidoo kale marka jeermiyada keena diisantariyada ku fidaan cuntada iyo biyaha ayaa cuddurkaani dad badan safmar ah ugu dhacaa.

Maxaa sababa diisantariyada

Waxaa jira labo nooc oo diisantariyo ah oo ay kala keenaan labada nooc ee jeermiyada ee baakteeriyada iyo baarasaytka. Nooca baakteeriyadu keento waxaa la yiraahdaa bacillary dysentery halka nooca ay keento baarasaytka ameebadu loogu yeero Amoebic dysentery. Diisantariyada inta badan waxaa keena noocyada baakteeriyada oo ay ka midka yihiin Shigella, Campylobacter, E. coli, iyo Salmonella.   Noocyadaan baakteeriyada ahi waxay dhaawac gaarsiiyaan gidaarka mindhicirada oo ay ku keenaan inay barararaan, caabuqaan ilaa ay soo baxaan calaamadaha axalaha iyo dhiigga saxarada soo raaca. Marka goob nololeed ay kulansato faqriga iyo nadaafaddaro ayaa waxaa dhacda in ilmaha 1 ilaa 4 jir waxay noqdaan kuwo u nugul inay qaadaan diisantariyada.

Nooca diisantariyaad ee ay keento ilma-aragtayga baarasaytka protozoa ee la yiraahdo Entamoeba histolytica waxay haleeshaa mindhicirka wayn oo ay muddo dheer ku noolaan karto. Ameebuhu waxay ku fidaa marka biyaha la cabo iyo wasakhada isku milmaam. Haddii ay iyada oo aan gacmaha la dhaqin la kariyo cuntada waxaa cuntadii la cunayay ku halaaba baarasaydka cuddurka keena. Khudaarta ka baxda beeraha lagu nafaqeeyay saxarada binu-aadamka waxay keentaa iyo labadaas jeermiba ku dul noolaadaan khudaartii.

Calaamadaha lagu garto diisantariyada

Diisantariyo waxay caan ku tahay oo lagu gartaa waa saxaro axal iyo dhiig leh iyo callool maroojis. Ilmaha yar yar marka diisantariyada ay keento baakteeriyada waxaa markiiba ku bilaabma shuban, qandho iyo matag laga yaabo inuu fuuqbax ku rido. Waa kuwaan calaamado kale oo diisantariyadu leedahay:

  • Qandho degdeg ah oo dhaxan leh
  • Callool xannuun iyo callool maroojis
  • Dibiro iyo daaco iyo hawo gadaal ka baxda
  • Ilmaha oo dareema degdeg inuu u saxaroodo isaga oo docanaya
  • Shuban iyo matag
  • Appetiteka oo luma
  • Fuuqbax aakhirka keena in ilmuhu maliilo
  • Madax xannuun
  • Haraad iyo daal

 

Diisantariyada haddii uusan ilmuhu helin daawayn waxaa laga yaabaa inay horseedo dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah amaba geeri. Bacillary diisantariyo markay jirto waxaa imaan kara qallal, shoog iyo in ilmuhu koomo galo. Haddii Ameebo keento diisantariyada iyana haddii aan daawayn la siin ilmaha waxay horseedi kartaa in ameebuhu u gudbo beerka oo halkaas ay ka samaysanto boog(amoebic abscess). Waxaa kale oo laga yaabaa inay dilaaciso derbiga mindhicirka . Mar mar dhif ayay baarasaytyada ameebuhu dhiigga raacaan oo ay caabuq gaarsiyaan maskaxda iyo sanbabada.

Haddii dhaqtarkaagu ka shakiyo in ilmuhu qabo diisantariyo wuxuu amraa in saxarada ilmaha lagu baaro shaybaar. Baakteeriyada iyo baarasaytka labada waxaa lagu ogaadaa marka shaybaarka lagu baaro saxarada.

Daawaynta diisantariyada

Daawaynta diisantariyada waxay ku xiran tahay in la ogaado nooca jeermi ee keenay diisantariyada. Haddii dhaqtarkaagu xaqiiqasado inay keentay baakteeriya waxaa loo qori karaa ilmaha daawo antibiyootig ah oo dilaysa baakteeriyada. Sidoo kale,  haddii la xaqiijiyo axal-dhiigga inuu keenay nooca baaraystka protozoa ee Ameebuhu waxaa dhaqtarkaagu ku talinayaa in la siiyo daawo anti-protozoa ah. Daawaynta diisantariyadu inta badan waxay socotaa 5-ilaa 7 beri.

Ka-hortaga diisantariyada

  • Waalidiintu waa inay laasimtaan inay gacmahooda dhaqaan mar kasta oo ay ilmaha quudinayaan ama cuntada kariyaan
  • Biyaha ilmaha la siinayo ama dadka oo dhami cabayaan oo la karkariyo.
  • Cuntada oo heerkul fiican lagu kariyo
  • Ugu yaraan musqusha iyo ceelka biyaha waa in la isku jirsiiyaa 30 mitir
  • Carruurta waa in la baraa inay mar walba gacmaha mayrtaan inta aysan cuntada cunnin
  • Carruurta oo looga digo inay cunnaan cuntada jidadka lagu ag gado oo aan nadiifka ahayn.
  • Dadka oo la baro inay ku saxaroodaan musqulo
  • Nadaafada deegaanka oo la dhawro

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.