Faruurnaanta

Faruurnaanta waa dhacdo caafimaad oo ilmaha inta ay uurka ku jiraan timaada,  ayna ku dhashaan iyadoo bishinta kore ama dhab-xanagu ay ka muuqato isku imaatin la’aan ay jeexnaani ka muuqato. Cunugaaga bishimihiisu waxay askunmaan asbuuca shanaad ee uurka,  halka dhabxanaga uu samaysmo asbuuca labo iyo tobnaad ee uurka hooyada.

Nudayaasha bishimaha iyo dhab-xanagu si isle’eg ayay labo jiho isaga yimaadaan si dhexda ay ugu kulmaan nuduyaashu oo ay u samaysanto bishin ama dhab-xanag dhamaystiran.   Faruurnaantu waxay dhacdaa marka nudayaashu isku imaan waayaan oo markaas ay samaysanto dhanbalnaan oo u dhexeysa bishintii ama dhabxanagii.

Sida bulshooyinka kale ee dunida carruur badan oo Soomaali ah ayaa ku dhalata faruurnaanta. Waxaa jira sheeko-baraley badan oo Soomaalidu ka qabto marka reeraha uu ku soo biiro ilmo faruuran. Mararka qaar waxay aamini jireen Soomaalidii hore in marka ilmaha faruurani u dhasho ay soo korortay nasiibdaro.
Qaar ka mid ah Soomaalidu waxay aaminsanayeen haddii qof faruuran soo booqdo reerka ilmaha habeenkaas callool-galaa inuu faruurnaan ku dhalanayo.

Haddaba marka xaqiiqda loo gudbo oo caafimaad-sayniseedkana la cuskado waxaa laga qaadan karaa waxa soomaalidii hore ka qabtay farruurnaanta inay tahay oo kaliya inta badan faruurnaantu ku timaado hiddo-raac laga dhaxlo haddii waalidiintaa , awoowayshaa iyo ayeeyooyinkaa midkood qabay faruurnaanta.

Maxaa keena Faruurnaanta

Ilaa iyo hadda weli lama yaqaan sababta saxda ah ee keenta faruurnaanta,  laakiin waxaa la isku raacsan yahay inay keeni karaan dhaxalka iyo dhibaatooyin ka yimaada bii’ada.  Waxay u muuqataa in fursadu aad u wayn tahay haddii ilmo kale oo faruuran qoyska ka dhasho, haddii waalid ama qof qaraabada ka tirsan uu faruurnaa.

Waxaa kale oo jira daawooyin haddii hooyada uurka leh ay isticmaasho keeni kara in ilmaha uurka ku jiraa yeesho bishin khariban ama faruuran. Daawooyinkaas waxaa ka mid ah kuwa lagula dagaalamo qalalka, kansarka iyo fiin-doobka. Waxaa kale oo keeni kara faruurnaanta inta ilmuhu ku jiro ilmo-galleenka noocyo fayrasyo ah iyo kiimikooyin khatar galiya ilmaha uurka ku jira.

Cabitaanka sigaarka iyo khamrada xilliga uurka ayaa iyana loo aaneeyaa inay badiyaan fursada uu ku dhalan karo ilmo faruuran.  Haddii hooyada inta ay uurka leedahay ay ku dhacdo nafaqodaro ayaa iyana keeni karta faruurnaanta.

Noocyada Faruurnaanta

Xubin ahaan faruurnaantu waxay u dhacdaa labada xubnood ee kala ah bishinta kore iyo dhab-xanaga kore. Mararka qaar waxay ku dhacdaa faruurnaantu bishinta kore oo kaliya, marna waxay ku dhacdaa dhabxanaga kore oo kaliya halka marna bishinta iyo dhab-xanagaba labadaba ay faruurnaani ku timaado.

Sidoo kale faruurnaantu waxay ka dhici kartaa hal dhinac oo bishinta iyo dhabxanaga ah ama labada dhinac ee afka way saamayn kartaa.

Bishin faruuran-sawirka Mayo clinic

Bishin faruuran-sawirka Mayo clinic

Dhibaatooyinka faruurnaantu carruurta ku keento

  • Quudinta: carruurta faruurnaantoodu gaarsiisan tahay dhab-xanaga waxaa dhib ku ah in la quudiyo,  waayo waxaa meesha ka maqan xooggii ilmuhu naaska ama masaasada ku qabsanayay. Sidoo kale,  caanaha ama cuntadu waxay si sahlan u gali kartaa sanka haddii aan ilmaha si joog ah loo quudin.   Carruurta noocan ah oo kale waxaa loo sameeyaa masaasad si gaar ah loogu sameeyay. Carruurtaani maadaama afka meel ka mid ah daloosho waxay liqaan hawo badan xilliga naas-nuujinta.

 

  • Maqalka iyo dhegaha: waxaa jira marin la yiraahdo Eustachian oo xiriiriya dhegta dhexe iyo hunguriga.   Marinkaas shaqadiisu waa haddii dareere ama hawo dhextaalo dhegta dhexe inuu dhinaca hunguriga uga saaro. Carruurta ka faruuran ilaa dhabxanaga murqaha xukuma marinka eustachian tube si fiican uma shaqaynayaan. Carruurta faruuran waxaa suuragal ah in dareere fariisto dhegta dhexe iyo durbaanka dhegta, taasi waxay horseedi kartaa dhego-beel.

 

  • Qaabdaro ilkaha ah: ilmaha faruuran waxaa laga yaabaa inay ilkihii qaar u soo bixi waayaan, xajmiga iyo dhererka ilkuhu sida caadiga ah ka yaraadaan, ama ilkuhu si dheelitiran uga soo bixi waayaan lafta dhabxanaga.

 

  • Hadalka: Inta badan carruurta ka faruuran bishinta kaliya saamayn wayn oo xagga hadalka ah ma soo gaarto,  laakiin kuwa faruurnaantu gaarto ilaa dhab-xanaga waxaa soo gaara inay awoodi waayaan inay xarfha si fiican u yiraahdaan. Waxaa caam ku ah carruurta faruuran inay u muuqdaan marka ay hadlayaan inay sanka ka hadlayaan. Inta badan xarfaha ugu badan ee carruurta faruuran aysan sida fiican ugu dhawaaqi karin waxaa ka mid ah “s”,”sh”,”j” iyo “g”.

 

Daawaynta Faruurnaata

Carruurta faruuran waxay u baahan yihiin dhaqaatiir badan oo xirfado kala duwan leh oo daaweeya.  Tusaale ahaan, gargaarka ugu horeeya ee ilmaha faruuran la siinayo waa in qalliin lagu sameeyo oo maqaarka kala faruurmay la isku keeno. Faruurnaanta bashinta ee dhinac kaliya ah inta badan waa sahlan tahay,  laakiin faruurnaanta ilaa dhabxanaga jirta waxaa laga yaabaa in ilmaha loo balamiyo ugu yaraan labo jeer oo qalliin lagu samaynayo.

Carruurta faruuran ee kharibnaani ku dhacday ilkahooda waxay u baahan yihiin in ilkahooda uu hagaajiyo dhaqtarka ilkaha. Sidoo kale ilmuhu wuxuu u baahan yahay dhaqtar ka caawiya hadalka iyo niyad-u dhisida.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.