Fuuq-baxa

Home » Calaamadaha » Fuuq-baxa

Fuuq-baxa waxaa luuqada caafimaad  lagu yiraahdaa Dehydration oo macnaheedu yahay marka jirka uu ku yaraado dheecaanka ama biyahu. Culayska jirka carruurta waxaa  lagu qiyaasaa in 70% ay yihiin biyaha jirka ku jira. Sida caadiga ah qofka aadamiga ah wuxuu lumiyaa biyaha jirka ku jira marka uu kaadinayo, saxaroonayo iyo marka uu dhididayo. Waxaa kale oo biyaha jirka lagu lumiyaa marka maqaarka jirka biyuhu si uumi-bax ah uga baxaan iyo marka dadku neefsanayaan oo hawada ay raacaan biyo si uumibixid ah jirka uga baxa.

Biyaha iyo macdanaha jirka sida dabiiciga ah uga baxa waxay jirka ku soo noqdaan marka dadku cabaan dareere ama cunto cunaan oo ay helaan biyuhii jirku u baahnaa iyo cusbooyinka muhiimka u ah shaqada jirka.

Si kastaba ha ahaatee, carruurta yar yar marka ay shubmaan, matagaan ama qandho kulul qabato waxay si degdeg ah u lumiyaan dheecaanaddii iyo cusbooyinkii muhiimka u ahaa jirkooda. Marka jirka ilmaha ay ku yaraadaan macdanaha iyo biyaha jirka ayaa waxaa yimaada Fuuq-baxa ama dehaydrationka. Fuuq-baxa haddii aan si degdeg loo daawayn wuxuu keeni karaa geeri degdeg ah. Waxaa jira jirrooyin ilmaha ku keena inay diidaan inay cabaan ama cunaan oo horseeda in fuuq-bax yimaado. Sidoo kale, marka carruurtu muddo dheer ciyaaraan xilli kulayle ah waxaa laga yaabaa inay fuuq-baxaan.

Maxaa keena fuuq-baxa

Markasta oo ay carruurtu shubanto ama matag badan yeelato amaba ay qandho yeelato waxaa jirta dhib caafimaad oo keenaysa calaamadahaas. Shubanka, mataga iyo qandhada waxaa keeni kara jeermiyada baakteeriyada, Fayraska iyo baarasaytka. Nooca fayruska ah ee la yiraahdo Rotavirus ayaa lagu tilmaamaa kan ugu badan ee carruurta ku keena mataga iyo shubanka horseeda fuuq-baxa. Mararka qaar nabro yar yar oo noocyo fayras ahi keenaan ayaa carruurta ka soo baxa afka oo ku keena inay xanuunaan marka ay wax cunayaan ama wax liqayaan kuwaasi waxay carruurta ku keenaan inay joojiyaan dheefsiga cuntada.

Noocyada baakteeriyada ee kala ah Kalooraha, Salmonella, E coli, Campylobacter iyaguna waxay carruurta ku keenaan shubanka iyo mataga horseeda fuuq-baxa. Sidoo kale baarasaytka la kala yiraahda Ameebaha iyo Giardia lambila iyaguna waxay keenaan shubanka iyo mataga sababa fuuq-baxa. Waxaa kale oo fuuqbaxa keena marka carruurtu ciyaarto ama tartamo isboorti sameeyaan xilliga cadceedu kulushahay oo biyo badan jirka dhidid ahaan uga baxaan.

Calaamamadaha lagu garto fuuq-baxa

Haddii ilmahaagu shubmayo, matagayo, qandho hayso ama uu aad dhididay xilliga kulaylaha ah waxaa habboon inaad aad ula socoto inay yimaadeen calaamadaha fuuq-bixida oo aan hoos ku taxayno:

  • Afka, bishimaha, qawlalada iyo carrabka oo qalayl noqda halka candhuuftu adkaato
  • Oohin la’aan ama yaraan marka ilmuhu booyayo(ooyayo)
  • Indhaha ilmaha oo god galay
  • Nush-nushleyda madaxa kore ee ilmaha oo hoos u degta
  • Carruurta yaryar oo aan muddo 6-8 saac aan lahayn kaadi ama ay ka timaado kaadi aad u yar oo jaalle-madoow ah
  • Carruurta roon roon oo aan kaadshin muddo 12 saac ah ama leh kaadi yar oo jaalle-madoow ah
  • Ilmaha yar yar oo yeesha xanaaq badan iyo oohin, mararka qaar aan lahayn wax dareen ah
  • Carruurta roon roon oo leh daal iyo tabardarro.
  • Maqaarka oo qalayl noqda oo haddana duuduub yeesha gaar ahaan caloosha.

 

Daawaynta fuuq-baxa

Waalidiinta waxaa mar walba habboon inay xasuusnaadaan in carruurtu si dhaqso ah u fuuqbaxaan,  oo markaa ay muhiim tahay in ilmaha fuuq-buxu hayo la fuuq-celiyo . Haddii ilmahaaga ay ka soo muuqdaan calaamadihii fuuq-baxu oo haddana shubankii iyo matagii weli hayo degdeg ilmaha u gaarsii dhaqtar ama goob caafimaad.
Yoolka daawaynta fuuq-baxa waa iyadoo laga hortago in ilmuhu uusan lumin biyaha jirka, waa in la soo celiyaa biyihii ka baxay jirka iyadoo ilmaha la siinayo cabitaan wata macdanaha muhiimka ah. Daawaynta ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo fuuq-baxa waa cabitaan la qaso ee la yiraahdo ORS ama Oral Rehydration Salts oo ah cusbo, macdano iyo sonkor si miisaaman loo diyaariyay oo biyo lagu qaso. Halkii xirmo oo ORS ah waxaa lagu qasaa hal ama nus liitar biyo nadiif ah oo la karkariyay.

Ilmaha marka uu shubmo ama matago sii hal ama labo qaado(5-10 ml) oo cabitaanka ORS ah dhawr daqiiqo ka diba. Haddii waalidiintu dulqaad sameeyaan inay dhawr daqiiqo ka diba la siiyo qadar yar oo ORS ah waxaa halkii saac ilmuhu cabay galaas(230ml) oo ORS ah. Carruurta naaska nuugaysa waa in loo sii wadaa naas-nuujinta iyadoo la siinayo ORSta marka naaska la nuujiyo ka dib.

Cabitaanada guryaha laga helo sida soodhada, shaaha, vimto,lucozade iyo cabitaanada aan dabiiciga ahayn ee la qaso uma fiicna in la siiyo ilmo fuuqbaxaya,  waayo cabitaanadaasi kama koobna noocyada sonkoraha iyo cusbooyinka fuuqa celiya,  oo waxaa laga yaabaa inay sii kordhiyaan shubanka iyo mataga.

Waxaa jira sheeko-baraleey Soomaalidu sheegto oo ah ilmaha shubmaya waxaa ka soo baxay ilko-dawaco ama waxaa ilmaha ku dhacay il ama ileeco. Mararka qaarkood waalidiinta aan aqoonta lahayn waxay carruurta u geeyaan dad khuraafaadkaas ku shaqaysta oo ilmaha dhaawac iyo dhib hor leh u gaysta. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in ilmaha ilkihiisii dabiiciga ahaa ee u soo baxayay laga baxsho iyadoo la isticmaalayo qalab aan nadiif ahayn oo ku keeni kara ilmaha teetano ama HIV/AIDS. Waalidiintu waa inay ka digtoonaadaan in sheeka-baraydaas lagu jaha-wareeriyo.  Ilmaha shubmaya ama matagaya waa inaan la siin daawooyin shubanka iyo mataga joojiya ee uusan dhaqtar qorin.

Carruur aad u fuuq-baxsan oo haddana aysan caawinayn ORStu maadaama ilmuhu aad u matagayo ama u shubmayo waxaa habboon in ilmaha loola cararo isbitaalka ama MCHka,  halkaas oo uu ka helayo daawayn faleembo ah oo ilmaha xiddidka laga siinayo dheecaanadii iyo macdanihii ka lumay. Sidoo kale, ilmaha shubankiisa ama matagiisu socdo in ka badan 24 saac waxaa habboon in la tuso dhaqtarkiisa si loo baaro jeermiga keenaya shubanka iyo mataga oo markaas daawo habboon loogu qoro.

Ka hortaga fuuq-baxa

Sida ugu habboon ee fuuq-baxa looga hortago waa in la sameeyo fuuq-celin oo macnaheedu yahay in ilmaha la siiyo in la mid ah dheecaankii ka baxay oo cabitaan ah. Cabitaanka ugu habboon oo ugu miisaaman waa maadada ORS oo laga helo dhamaan farmashiyeyaasha iyo goobaha caafimaad iyadoo bilaa rijeeto lagu heli karo.

Nadaafada guud oo la hagaajiyo iyo gacmaha si fiican loo mayro inta ka horaysa inta aan la quudin carruurta ama cuntada aan la maamulin iyana waxay ka hortagaysaa inay fidaan jeermiyada keena shubanka, qandhada iyo mataga.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.