Hemofiliya

Jugta iyo xagtinka gaarta maqaarka carruurta waa mid caadi ah oo maalin walba carruurta koraysaa la kulmaan. Baaskiil laga dhaco, dhagax lagu dul kufo iyo lugta oo lala waayo banooniga waxay keenaan dhaawac ama dhiig-bax gudaha ah oo soo gaara jirka carruurta. Si kastaba ha ahaatee, carruurta qabta cuddurka hemofiliya(hemophilia) haddii ay ku dhacaan dhaawacyadaasi waxay la imaanayaan walwal in ilmuhu u dhinto dhiig-bax.

Hemofiliya waa jirro naadir ah oo ku timaada in dhiiggu xinjiroobi waayo marka dhaawac ama xagtin ay soo gaarto jirka. Waa dhib qofku ka dhiigbax badnaan karo qof aan qabin hemofiliya. Hemofiliya waa cuddur la iska dhaxlo oo waalidiinta qabtaa u gudbiyaan tafiirtooda.

Hemofilya inta badan waxay ku dhacdaa wiilasha.  5000-10,000kii wiil ee dhalata dunida hal cunnug ayaa qaba cuddurkaan hemofilya. Astaamaha cuddurku kama soo baxaan gabdhaha,  laakiin waxay noqdaan Hidde-cuddur-sidayaal ama carriers oo ah inay carruurtooda u gudbin karaa hidde- sidaha keena hemifiliya.  Aabayaasha qaba cuddurka uma gudbin karaan wiilashooda halka gabdhahoodu  hidde-sideyaasha hemofilya ay noqonayaan.

Sidee u dhacdaa Hemofiliya

Markasta oo jirka wax gooyaan waxaa soo dareera dhiigga oo ka imaanaya nudayaasha iyo xiddidada jirka.  Jirkeenu wuxuu samaysataa hab dabiici ah oo uu ku joojinayo dhiiggii soo dareeray. Waxaa markiiba meeshii dhiig-baxaysay ka soo baxa unugyada dhiigga nooca la yiraahdo Platelets oo ah kuwo is jiidanaya oo sida xabagta u samaysan.  Dabadeed unugyadaas xinjirta ahi waxay xiraan oo isku gooyaan daloolkii dhiiggu ka soo burqanayay. Xinjirtii dabadeed waxaa ku darsana borotiino kale oo la yiraahdo xinjireeyayaal (clotting factors) oo sameeya qolof adag oo xirta boogtii dhiig-baxaysay.

Jirarkeenu waxay leeyihiin 12 nooc oo xinjireeyayaal ah oo ka qaybqaata hannaanka xinjiraynta. Waxaa lagu kooxeeyaa ama lagu asteeyay tirada Roomaanka oo ah min Hal ilaa 12(Ι-XΙΙ).  Haddii uu maqan yahay ama naaqus yahay xinjireeyaha VΙΙΙ(8) ama xinjireeyaha kale ee ΙX(9) taas macnaheedu waxa weeye in cuddurka hemofiliya la qabo. Qofka qaba hemofilya waxaa maqan hal xinjireeye sida kan sagaalaad ama sideedaad ee ma dhacdo in labaduba maqnaadaan ama naaqus yihiin.

Waxaa jira labo nooc oo hemophilia ah oo kala ah hemofilia A oo ah marka uu maqan yahay xinjireeyaha sideedaad iyo hemophilia B oo ah marka uu maqan yahay xinjireeyaha sagaalaad.  80% dadka qaba hemophilia waxaa maqan xinjireeyaha sideedaad waana nooca Hemophilia A.

Khatarta hemofiliyadu waxay ku xiran tahay qofba xaddiga xinjireeye ee uu soo saaro. Tusaale ahaan,  haddii ilmuhu sameeyo xinjireeyaha maqan 1% waxaa loogu yeeraa hemofiliyada mid khatar ah oo ilmuhu dhiig-bax u dhiman karo. Haddii ilmuhu hemophiliyada qaba uu soo saaro 6%-50% xinjireeyaha waxaa loogu yeeraa hemofilya dabacsan oo xooggaa marka ilmuhu dhiig-baxo dhiiggu iskiis u xinjiroobo.

Calaamadaha lagu garto Hemofiliya

In la ogaado calaamadaha hemofiliyada waxay ku xiran tahay nooca xinjireeyaha maqan, heerka ay gaarsiisan tahay naaquska xinjireeyayaasha, iyo halka uu ka jiro dhiig-baxu. Carruurtu marka ay gaaraan inay xamaartaan ama guurguurtaan haddii lagu arko dhiig-bax gudaha maqaarka dushiisa buuxiya sida caloosha ama jilbaha waxaa laga shakin karaa cuddurkaan. Sidoo kale, wiilasha marka la gudo haddii dhiiggu istaagi waayo waa calaamad muuqata oo ah hemofiliya.

Calaamadaha kale ee hemofiliya:

  • San-goror muddo socda
  • Dhiig-bax ka yimaada ilmaha oo bashimaha ama carabka iska qaniina
  • Dhiig-bax ka yimaado marka ilmaha ilko laga baxsho ama ay ka dhacaan ilkuhu.
  • Dhiig-bax yimaada qalliin ka dib.
  • kaadida oo dhiig soo raaco.
  • Dhiig-bax gudaha u noqda oo ku dhaca murqaha iyo kala-goysyada.

 

Daawaynta hemophilia

Maadaama cuddurkaani uu yahay jirro la iska dhaxlo ma lahan daawayn ee waa jirro qofku la noolaado inta noloshiisa ka dhiman. Waxaa jira daawayn lagu joojiyo dhiig-baxa lana siiyo dadka qaba cuddurkaan. Daawooyinkaasi waxay ka samaysan yihiin barootiinada xinjireyayaasha ah oo la diyaariyay. Marka ilmuhu dhiig-baxo ama marka illig laga bixinayo ama qalliin lagu samaynayo ayaa la sii siiyaa xinjireeyaashii ka maqnaa hannaanka xinjiraynta.

Carruurta qabta hemofiliyada khatarta oo dhiig-bax badani ku dhacay waxay u baahan yihiin in isbitaalka la seexsho si dhiig loogu shubo.

Sida loola tacaalo ilmo qabo hemofiliya

  • Taxadar dheeraad ah sii sidii ilmaha looga ilaalin lahaa dhaawac dhiig-bax ku keeni kara.
  • U door ilmaha nooc isboorti ama jimicsi oo aan khatar ku keenayn sida banooniga . Dabaasha ayaa ugu fiican jimicsiga jirreed ee uu u baahan yahay ilmaha qaba hemofilia.
  • Ha siin ilmaha qaba hemophilia daawo aan dhaqtar qorin.
  • Waa mamnuuc in la siiyo ilmaha hemophilia qaba daawooyinka ay ka midka yihiin Aspirin iyo Ipubrufen oo ah kuwo dhiigga aadamiga khafiifiya.
  • Marku ilmuhu aad u cayilaan waxaa culays badan fuulaa xubnaha oo laga yaabo inay gudaha u dhiig-baxaan markaa ilaali miisaanka ilmaha inuusan aad u korin.
  • Ilmaha dhaawac ka gaaro madaxa, indhaha, afka ula carar isbitaalka.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.