Lafo-Khafiif – Rickets

Home » Cuddurada » Lafaha - Murqaha - Xubnaha » Lafo-Khafiif – Rickets

Cuddurka lafo-khafiifka ama laatiinka lagu yiraahdo Rickets waa cuddur ku dhaca lafaha carruurta oo ka dhiga lafaha khafiif horseeda inay jilcaan,  oo ay qalloocsamaan ama qaabdarro ku dhacdo.  Cuddurkaani wuxuu yimaadaa marka jirka ilmaha ay ku yaraadaan Fitamiin D iyo macdahaha  kaalsiyamta(calcium) iyo Fosfaytka(phosphate).  Macdanahaan iyo Fitamiin D waxaa laga helaa cuntooyinka ukunta, kalluunka, loowska, subaga  iyo caanaha.  Fitamiin D wuxuu jirka ka caawiyaa in la dheefsado macdaha lafaha laga sameeyo  ee Kaalsiyum iyo Phosfayt.

Marka ay timaado nafaqo-darro iyo shuban ama matag muddo dheer socda,  waxaa jirka ku yaraada macdanahaas muhiimka u ah dhismaha lafaha carruurta koraysa.  Fitamiin D waxaa si dabiici ah loogu sameeyaa  maqaarka ama oogada jirka. Marka falaaraha qoraxdu ku dhacaan jirkeena ayaa fitamiin D loo badalaa nooc macdan ah oo jirka ka samaysto macdanihii lafaha lagu xoojinayay.

Carruurta uu haleelo laf-khafiifku waxaa ku dhaca inaysoo baxaan callaamado lafaha qalqaloociya ama qaabka lafta badala sida hogfaha, dalbaha, gacmaha lafahooda oo qalloocsama, laf-dhabarta oo jalleec yeelata iyo lafta naaska oo soo taaganta.

Lafo-khafiif horseeday Hogfo - courtesy of wikipedia.com

Raajo muujinaysa Lafo-khafiif horseeday Hogfo – courtesy of wikipedia.com

Maxaa keena lafo-khafiifka

  • Nafaqo-darro keenta in la waayo macdanaha lafaha dhisa iyo Fitamiin D
  • Jirrooyin ku dhaca habka sifaynta kelyaha oo keena in macdanihii Kaalsiyum iyo phosphate kaadida la raaciyo.
  • Jirro la iska dhaxlo oo keenta in kelyuhu miisaami waayaan macdanta foosfaytka oo kaadi ahaan loo saaro.

 

Calaamadaha lagu garto Lafo-qallooca

  • Korriinka ilmaha oo hoos u dhaca
  • Xannuun lafaha dhabarka, miskaha iyo lugaha
  • Kala-goysyada gacmaha iyo cirbaha oo xajmigoodu waynaado
  • Murqaha oo wiiqma ama debca
  • Lugaha ilmaha oo hogfo yeesha sida qaansada oo gudaha u godma ama dalbo laguhu kala leexdaan
  • Lafta dhabarka oo leexo yeelata iyo lafta naaska oo soo buurata.
  • Soo bixida ilkaha ilmaha oo baaqata ama ilkuhu si qaabdaro ah u soo baxaan.

 

Sidee loo daaweeyaa lafo-qallooca

Daawaynta lafo-khafiifidu waxay ku xiran tahay sababta keentay in lafuhu khafiifaan in la ogaado . Tusaale ahaan, haddii cilladu ka timid kelyaha oo macdanihii lafaha xoojinayay kaadi ahaan u saaraya waxay u baahan tahay in la daaweeyo dhibta kelyaha ka jirta. Sidoo kale, haddii ay ka timid lafo-khafiifku nafaqada ilmaha oo ay ku yar tahay Vitamiin D , kaalsiyumta iyo fosfaytka waxaa loo baahan yahay in ilmaha la siiyo cuntooyinka laga helo Fitamain D iyo macdanaha kale. Waxaa cuntooyinkaas ka mid ah kalluunka, ukunta, sallida Cod liver, loowska, subaga iyo caanaha.

Haddii xaaladu degdeg tahay waxay carruurtu u baahan yihiin daawayn Fitamiin D ah oo ilmaha la siiyo. Daawooyinka Sharoobooyinka ama Kiniinada la yiraahdo Multivitamins waxay ka kooban yihiin inta badan Fitamiino badan iyo macdano jirku u baahan yahay sida Vitamin D iyo macdaha Kaalsiyum iyo foosfayt,

Waxaa kale oo muhiim ah in carruurtu hesho iftiinka qoraxda, oo jirkooda qoraxda la tuso cabaar maalintii,  si jirku si dabiici ah ugu samaysto Fitamiin D.

Carruurta lafahu qallocsameen ama qaabdarro ku dhacday lafaha  waxay u baahan karaan in qalliin lafaha lagaga sameeyo si loo saxo hab-dhismeedka lafaha ee qaldamay.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.