Malaria – Malaariya

Home » Cuddurada » Malaria – Malaariya

Malaariya waa cuddur ama caabuq inta badan ka dhaca meelaha cimilada kulaalayaasha dhaca sida Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika. Waxaa gudbiya cayayaanka kaneecada oo qofka marka ay qaniinto uu ku dhici karo cuddurka malaariyadu. In ka badan hal milyan oo carruur ah oo ka yar da’da 5ta sanno ayuu sannad kasta ku dilaa Afrika.

300-500 Milyan oo qof ayay dunida sanadkii malaariyadu ku dhacdaa.
Soomaaliya sida ay sheegtay Unicef Somalia bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya cuddurada ciyaalka ka yar 5ta sanno ku dhaca 8% waxaa keena malaariyada,  oo ku badan gobolada wabiyadu maraan ama mar walba dhulka ay biyo fadhiyaan.

Young Mohammed suffering from Malaria recovers at an AMISOM run clinic in Mogadishu

Young Mohammed suffering from Malaria recovers at an AMISOM run clinic in Mogadishu

Maxaa keena Malaariyada?

Malaariyada waxaa keena ilma aragtayga jinsiyada Paarasaytka ah ee la yiraahdo  Plasmodium, oo la socda candhuufta kaneecada marka ay qofka qaniinto u gudba dhiiga. Noocyada Plasmodium ee inta badan keena malaariyada waxay kala yihiin:

  • Plasmodium falciparum
  • Plasmodium vivax
  • Plasmodium ovale
  • Plasmodium malariae

Parasaytka malaariyada ee Plasmodium waxaa gudbiya kaneecada dhedig ee la yiraahdo  Anopheles oo inta badan habeenkii wax qanniinta.  Nooca la yiraahdo Plasmodium falciparum ayaa inta badan keena malaariyada.

Calaamadaha lagu garto Malaariya

Calaamadaha ugu horeeya ee malaariyada waa iyada oo ay soo kordhaan wareer, fahmad-darro iyo dabeecad-badalan, Cunto-qaadashada oo hoos u dhacda iyo hurdo la’aan.  Calaamadahaas waxaa ku xiga qandho kulul iyo dhaxan is-wata oo ilmaha soo rita. Qandhadu waxay gaari kartaa 40.6° C, ka dibna qandhadu way dhacdaa, iyadoo uu soo kordho dhidid badan.

2-3 maalmood ka dib ayaa calaamadahaas aan sare ku aragnay ilmaha ku dhacaan mar kale,  iyadoo ay ku xiran tahay nooca Plasmodium ee markaas qofka haya.

Calaamadaha kale ee Malaariyadu yeelan karto:

  • lafaha iyo murqaha oo qofka xannuuna.
  • Matag iyo shuban.
  • Madax-xannuun
  • Indhaha oo uu aragtida cawl galo.

Malaariyada haddii aan la daawayn waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo soo gaarta ilmaha oo kala ah:

  • Dhiig la’aan ama Aneemiya xun.
  • Beer-yarada oo qaraxda.
  • Kelyaha oo fariista
  • Malaariyada oo maskaxda weerarta( cerebral malaria)

 

Sidee lagu xaqiijiyaa Malaariyada

Calaamadaha ugu horreeya ee Malaariyada waxay u ekaan karaan cudduro kale, markaas way adag tahay in markiiba la ogaado. Meelaha ay ku badan tahay kaneecadu sida gobolada koonfureed ee Soomaaliya inta badan carruurta qandhan waxaa laga fakaraa inay malaariyo qabaan. Baaritaanka jirka waxaa la arkaa dhinaca bidix ee caloosha (beer-yarada) ilmaha inay bararan tahay.

Sida ugu fiican ee lagu ogaado waa baaritaanka shaybaarka ee qofka dhiig laga qaado markaasna la ogaado in dhiigga ilmaha Parasiteka malaariyadu ku jiro.

Sidee looga hortagaa Malaariya?

Malaariyada dhawr hab oo fudud ayaa looga hortagi karaa. Habka ugu fiican waa in dadka deggan meelaha ay malaariyadu ku badan tahay lagu baraarujiyo ka hortagga Malaariyada.

  • U xir carruurta dhar jirkooda daboola habeenkii.
  •  dhex seexi carruurta maro kaneeco haddii la heli karo.
  • Agagaarka guriga haddii ay fadhiyaan biyo ka faaruqi.
  • Biyaha aan laga maarmayn mar walba dabool,  waayo kaneecadu biyaha ayay ku tarantaa.
  • Mararka qaar biyaha sida berkadaha waxaa lagu beeraa kalluun cuna caydiga kaneecadu ka abuuranto.
  • Marka safar lagu aadayo meelaha kaneecada badan isticmaal daawada malaariyada looga hortago.
  • Maxaa jira daawooyin jirka la mariyo oo kaneecada lagu cayriyo oo la yiraahdo Mosquito repellants.

 

Daawaynta Malaariyada

Malaariyadu waa cuddur la daawayn karo haddii markiiba ilmaha la siiyo daawooyinka malaariyada. Daawooyinka ugu caansan ee lagu daaweeyo Malaariyada waa Chloroquine iyo Quinine oo ama afka ama irbad ahaan loo qaato.

Sida dhawaan Unicef/Somalia shaacisay Soomaaliya waxaa laga bilaabay daawayn cusub oo ka kooban labo daawo oola isku daray oo la kala yiraahdo artesunate iyo sulfadoxine-pyramethamine. waxaa la ogaaday in daawooyinkii hore ee Malaariyada lagula diriri jiray uu adkaysi u yeeshay jeermiga Malaariyada keenaa,  markaa taas ayaa keentay in daawooyinkaan casriga ah la gaarsiiyo dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.