Friday, March 29
Shadow

MATAGA

Matagu ama hunqaacadu waa calaamad caam ah oo ay carruurtu leedahay.  Matagu wuxuu yimaadaa marka cuntada iyo cabitaanka ku jira caloosha ilmaha banaanka si xoog ah uga soo baxaan oo ka boodaan afka iyo sanka.   Matagu waa hab ama dariiqo jirku isaga soo saaro waxyaalo ama jeermisyo dhib ku ah jirka.   Mararka qaarkood marka carruurta si saa’id ah loo quudiyo way iska soo saaraan cuntada ama cabitaanka dheeraadka ku ah calooshooda yar.

Matagu wuxuu u horseedi karaa ilmaha khatar wayn,  mar haddii dheecaan,biyo iyo macdano badan sida cusbada oo kale ay jirka banaanka uga baxayaan. Marka  jirku lumiyo dheecaanka iyo macdanahaas waxaa la yiraahdaa Fuuq-bax ama dehydration. Marka uu yimaado fuuq-bax,  ilmuhu wuxuu khatar ugu jiraa in xitaa wadnahu istaago oo markaas geeeri timaado.  Waxaa muhiim ah inaad ka hortagto inuusan ilmuhu fuuqbixin adigoo siinaya cabitaan ku filan oo soo celiya biyahii matag ahaanta uga baxay jirka.

Maxaa keena Mataga/hunqaacada

Mataga sababo badan ayaa ku keena carruurta, bal aan si kooban u eegno.

  • Gastroenteritis. Waa xaalad caafimaad oo ku dhacda caloosha iyo mindhicirada, oo jeermisyadda Baakteeriyada, Viruska, iyo parasaytku weeraraan gidaarada caloosha iyo mindhicirada.   Taasi jirka waxay ku kaliftaa in iyadoo la isticmaalayo biyaha iyo dheecaanada jirka ku jira banaanka la isku dayo in jeermiska la iskaga soo saaro.
  • Cunto-ku-sumoow. Cunto-ku-sumoow ama food poisioning waxay timaadaa marka ilmuhu quuto cunto wasakhaysan oo ay ku laran tahay Baakteeriya.
  • Dhib ka jirta Jirka ilmaha. Tusaale ahaan, cunnugu waa matagi karaa haddii ay jiraan caabaqyo ka jira dhegaha, sanbabka, iyo kaadi-haysta.   Haddii ilmaha madaxa jug culusi kaga dhacday iyana waa matagi karaa. Metajiido ama appendicitis oo ah marka qabsinka meesha ay iska galaan mindhicirka wayn iyo kan yar uu bararo oo infection ku dhaco, waxaa carruurta la soo dersa matag iyo xanuun.
  • Sumoow. Haddii ilmuhu liqo sun, gaas ama daawo aan loo qorin wuxuu la kulmi karaa matag badan.  Haddii ay jiraan neef-qabatin ama miyir-beel ula carar ilmaha Isbitaal ama dhaqtar.

Sidee ula tacaalaa ilmaha matagaya

  1. Ugu horayn ku dadaal inaad ka hortagto in ilmuhu fuuq-baxo. Sii cabitaan uu cabi karo sida cabitaanka maadada ORS. Sii qaado ama labo qaado oo ORS ah 5tii daqiiqo ka diba, ku dhiirigali ilmaha inay qaataan cabitaanka laakiin si xoog ah ha ugu qasbin inuu wax cabo.
  2. Usii wad cunuga naas-nuujinta ama caanaha kale ee la siiyo. Haddii ay suuragal tahay u bilow cunto fudud sida mushaali ama bariis la shiiday.
  3. U jiifi ilmaha matagaya calool-calool ama dhinac-dhinac waayo taasi waxay ka hortagaysaa in ilmuhu neesado matagii caloosha ka yimid oo matagii u gudbo dhinaca sanbabka.
  4. Ku mayr gacmahaaga iyo kuwa cunnugaba saabuun iyo biyo qandac ah mar kasta oo ilmaha la quudinayo ama cunto la diyaarinayo. Waxaa qaacido ah in qof walba oo qoyska ka mid ahi marka musqusha la isticmaalo ka dib gacmaha lagu dhaqo saabuun.

Goormaan raadiyaa gargaar caafimaad ama Isbitaal geeyaa ilmaha matagaya

  • Haddii mataga uu istaagi waayo,  uuna ku darsamo qandho.
  • Haddii ay soo kordhaan calaamadaha fuuqbaxa sida carrabka oo qalala,daal,tabardaro iyo nush-nushleyda oo diisanta.
  • Haddii mataga ilmaha uu la socdo dhiig,ama walxo madoow oo sida kafeega u eg.
  • Haddii qoorta cunnugu ay taaganto(stiffness), qalal jiro- Waa calaamad muujinayso inay jirto Menengitis.
  • Haddii uu jiro xanuun caloosha ah ka dib mataga.
  • Haddii uu soo kordho neef-qabatin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: