Thursday, April 18
Shadow

MENENGITIS

Menengitis waa marka caabuq baakteeriyaad ama fayras uu ku dhaco xuubka Menenjes, ee ku dahaaran maskaxda iyo laf-dhabarta(spinal Cord).  Caabuqa waxaa keena marka baakteeriya ama fayras u gudbo maskaxda iyo darreen-wadayaasha joogga laf-dhabarta.

Menengitis marka ay keento Baakteeriyadu waa dhif,  waana cuddur halis ah oo khatar galin kara nolosha qofka haddii aan si degdeg ah loo daawayn markiiba, Haddii uu keeno menengitiska fayraska inta badan waxay u muuqdaan calaamaduhu sida hargabka oo kale, sida kan baakteeriyadana khatar uma ahan.

Menengitisku wuxuu ku gudbaa marka qof qaba jeermiska uu qufaco ama hindhiso oo ay hawada galaan dhibco uu ku laran yahay jeermigii. Haddii qof caafimaad qabaa neefsado hawadaas wasakhaysan wuxuu qaadi karaa Menengitis.

Noocyada jeermiyada ee keeni kara menengitiska sida baakteeriyada iyo fayrasyadu waa kuwa keena jirrooyinka caadiga ah ee ay ka midka yihiin caabuqa dhegaha, caabuqa habdhiska kaadi-mareenka, maqaarka iyo dheefshiidka.  Haddii jeermiyada jirka qaybiisa kale joogga u gudbaan dhiigga baakteeriyadii iyo fayruskii waxay u gudbayaan maskaxda iyo laf-dhabarka.

Nooca Menengitiska ee baakteeriyadu keento waxaa laga yaabaa inay baakteeriyadu kasoo gudubto marka infekshin ku dhaco bartamaha dhegta(otitis media) ama  Godadka sanka(sinusitis).

Calaamadaha Menengitiska

Calaamadaha menengitisku way kala duwanaan karaan marka loo eego cumriga bukaanka iyo nooca jeermi ee keenay.
Inta badan calaamadahaan ayaa lagu arkaa ilmo qaba Menengitiska:

  • Qandho aad u saraysa
  • Madax-xannuun saa’id ah
  • Oohin dheer oo aan kala joogsi lahayn
  • Quudsiga ilmaha oo xumaata
  • Qoorta oo toganta
  • Qallal
  • Qofka ama ilmaha oo dhibsada iftiinka
  • Nush-nushleyda oo kor u soo taaganta
  • Isku-dhexyaac xagga miyirka inta badan carruurta waawayn.
  • Matag

 

Menengitiska uu keeno fayrusku inta badan waxay shabahdaa calaamadaha hargabka,  oo waxaaba suuragal ah in aanba la dareemin in menengitis jiro. Inta badan iyada oo aan la qaadan daawayn ayaa ilmuhu ka buskoodaan ilaa asbuuc ka dib.

Daawaynta menengitiska

Qofka ama carruurta ay ka muuqdaan ama lagu xaqiijiyo menengitisku waxay u baahan yihiin seexin isbitaal oo degdeg ah iyo daawayn degdeg ah.
Haddii la ogaado in menengitiska ay keentay baakteeriya markiiba dhakhaatiirtu waxay siiyaan bukaanka daawo anti-biyootig ah oo xiddidka laga siinayo. Isla xiddidka waxaa laga siinayaa faleembo soo celisa dheecaankii ku lumay qandhada ama mataga.

Ilmuhu haddii uu leeyahay qallal wuxuu u baahan yahay in la siiyo daawooyinka qallalka ee la yiraahdo Anti-convulsants.   Sidoo kale, qaar ka mid ah bukaanadu waxay u baahan karaan hawo ogsijiin ah in sanka laga siiyo.

Menengitiska baakteeriyadu keento waxaa laga yaabaa inay ka tagto raadad caafimaad oo dhib ku keena nolosha ilmaha sida dhego-beel, aragtida oo laciifta, iyo dhaawac gaara maskaxda oo ilmaha waxbarashadu ku adkaato mustaqbalka.

Ha hortaga menengitiska

Sida ugu wanaagsan oo looga hortago waa in carruurta yar yar la siiyo tallaalka ka hortga cuddurada dilaaga ah. Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.

 

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: