Friday, March 29
Shadow

Naas-nuujinta

Go’aanka hooyanimada iyo naas-nuujintu waa mid waajib diini ah. Mawaadiicda diiniga ah iyo xirfadlayaasha caafimaadka carruurtu waxay isku raacsan yihiin in ilmaha naaska la nuujiyo ugu yaraan sannad. Diinta Islaamku in ka badan sannad in naas-nuujintu socoto ayayba qabtaa.

Maqaalkeena waxaan ku soo gudbinaynaa faa’iidooyinka naas-nuujinta iyo warbixin ku saabsan sida ugu wanaagsan oo si kalsooni leh loo naas-nuujin karo ilmahaaga.

Waa maxay faa’iidooyinka naas-nuujinta ilmaha?

Caanaha naasku waxay xanbaarsan yihiin nafaqo muhiim u ah ilmaha yar. Caanaha Naasku waxay ka kooban yihiin fitamiino, borootiino iyo dux muhiim u ah korritaanka dhallaanka – iyo wax kasta oo cunto ama cabitaan ah oo ilmuhu u baahan yahay. Caanaha naaska si mucjiso ah ayaa ilaah ugu diyaariyay naasaha hooyada,  waayo waxaa caanaha laga yeelay dareere miisaaman oo habdhiska dheefshiidka cusub ee ilmuhu uu dheefsan karo.

Caanaha naaska, gaar ahaan Danbarka, waxaa kale oo ku jira lid-jirreedyo(Antibodies) ka difaaca jirka ilmaha cuddurada ay keenaan baakteeriyada iyo fayrusyada. Naas-nuujintu waxay ka hortagtaa in ilmuhu qaadaan cuddurada neefta iyo xasaasiyada.
Carruurta lixda billood ee ugu horeeya si toosa loo siiyo naaska, iyadoon la siin caanaha gasaca, waxay uga adkaysi badan yihiin cudurada dhego-dillaaca, shubanka iyo jirrooyinka neef-mareenka kuwa  masaasada loogu qaso caano booraha(infant formula).

Naas-nuujinta waxaa lala xiriiriiyaa caqliga, waayo cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxay isku raaceen in ilmaha naaska si toos ah loo nuujiyay markay waynaadaan ay yeeshaan caqli iyo fahmad badan. Sidoo kale, Naas-nuujintu waxay horseedaa isku xirnaan, raxmad iyo naxariis dhexmarta hooyada iyo ilmaha.

Maxaa faa’iido ah oo hooyada ugu jirta naas-nuujinta?

Mindhaa jawaabta su’aashani fududaa haddii hooyo la waydiiyo?. Si fudud bay u dhahaysaa “Maxaa!  ilmahayga ayaanba quudinayaa”. Taas ka sakoow waxaa jira faa’iidooyin daahsoon oo naas-nuujintu u  leedahay hooyada.  Naas-nuujintu waxay gubtaa barruurta jirka fuushay berigii uurka, waxaa hooyada ka dhaca culayskii saa’idka ahaa ee saarmay xilligii uurka.

Marka hooyadu naaska ilmaha afka u galiso maskaxdu waxay amartaa in la sii daayo hoormoonka Oxytocin, oo caawiya in ilmo-galeenkii kala fiday intii uurka la lahaa uu ku noqdo cabirkiisii hore. Hormoonkaasi waxa kale oo uu caawiyaa inuu istaago dhiig-baxa khatarta ah ee yimaada foosha ka dib.
Naas-nuujintu waxay ka caawisaa hooyada ka hortaga kansarka ilmo-galleenka, dhuumaha ugxan-sidaha iyo kansarka naasaha.

Maadaama ay qiimo badan kuugu kacayso gadida caanaha carruurta ee masaasada iyo kululaynta iyo nadiifinta masaasadaha, naas-nuujintu waxay kuu baajisaa lacag iyo waqtiba.

Naasahaygu ma diyaarin karaan caano ku filan ilmaha?

Maalmaha ugu horeeya ka dib dhalashada ilmaha, naasahu waxay soo daayaan caanaha koowaad oo loo yaqaan Danbarka(Colostrum). Caanahaani waa caano culus oo is-jiidanaya, midabkoodu jaalle yahay. Danbarku labo faa’iido ayuu u leeyahay ilmaha  marka hore waxay habdhiska dheefshiidka cusub ee ilmaha u diyaariyaan dheefsiga caanaha caadiga ah ee dib ka yimaada, tan kale danbarka waxaa ku jira borotiino muhiim u ah difaaca jirka.

Waxaa jira xiriir dabiici ah oo isku xiran oo u dhexeeya baahida caaneed ee ilmaha iyo soo saarista caanaha. Taas macnaheedu waxa weeye marka baahida caanaha ee ilmuhu kororto, waa inay badataa nuujinta naaska ilmaha si maskaxdu naasaha ugu sheegto in caano badan la soo saaro. khabiiradu waxay isku raacsan yhiin in ilmaha naaska kaliya la siiyo lixda billood ee ugu horaysa. Haddii hooyadu naaska iyo caano-booraha ilmaha isagu darto waxaa suuragal ah in caanaha naasahu hoos u dhacaan.

Hooyadu ilmaha maalintii waxay nuujin kartaa 8 ilaa 12 jeer habeenkii iyo maalintiiba. Nuuji ilmaha marka uu baahiyoodo. Waxaa lagu gartaa ilmaha marka uu rabo in la nuujiyo inuu afka gacmaha la galo ama uu afka dhaqdhaqaajiyo sidii inuu naas nuugayo. Oohintu waa tilmaanta ugu danbaysa ee ku tusaysa in ilmuhu gaajaysan yahay.

Habka nuujinta ee ilmaha

Marka ugu horaysa ee umulisadu kuu dhiibto ilmahaaga ku biloow naas-nuujinta. Ilmaha u soo wareeji jirkiisa qaabka xabad ilaa xabad. Bishinta kore ee ilmaha taabsii ibta naaska. Marka ilmuhu afkiisa kala furo geli afka ilmaha ibta naaska ilaa goobada wareegsan ee ku teedsan ibta. Qaababka ugu wanaagsan ee naas-nuujintu waa kuwaan:

  • Habka xoolka(Cradle position): Ku seexi ilmaha xagasha gacantaada iyadoo jirka ilmuhu kaa soo horjeedo. Ku aadi caloosha ilmaha jirkaaga si uu ilmuhu u dareemo inuu meel amaan ah jiifo. Gacantaada  kale waxay caawin kartaa ku qabashada madaxa ilmaha ama lugaha iyo dhabarka. 
cradlehold
Courtesy of mayoclinic.com

 

  • Habka banooniga(football position):  Ilmaha dulseexi gacantaada adiga oo luqunta iyo madaxa duldhigaya calaacashaada. Inta badan qaabkaani wuxuu ku fiican yahay ilmaha miisaankoodu yar yahay markay dhashaan ama hooyooyinka ilmaha lagu soo qalay.
Courtesy Mayo clinic
Courtesy Mayo clinic
  • Habka is-dhinac yaalka(side-lying position): Habkaani wuxuu u fiican yahay naas-nuujinta carruurta ee habeenkii iyo marka hooyada fadhigu dhibayo kadib marka saxaaxa dhinacyada umulisadu u jeexdo si ilmaha loo siiyo baaxad marka la umulayo. Isticmaal barkimo madaxaaga aad hoos dhigayso, dabadeed u soo xaluulo dhinaca ilmaha. Isticmaal gacantaada xorta ah si aad kor ugu soo qaado naaska iyo ibta. Marka ilmuhu qabsado naaska isku habee habka ugu wanaagsan oo nuujintu ku socon karto.
Courtesy of Mayo clinic
Courtesy of Mayo clinic

 

 

Goormaanan naaska nuujin karin?

Waxaa jira marar dhif ah oo aysan habboonayn inaad ilmaha naas-nuujiso oo ilmaha khatar ku imaan karto. Ha naas-nuujin haddii:

  • Aad qabto cudurka HIV, waxaa laga yaabaa ilmaha caanaha inay u raacaan Fayrasku.
  • Aad qabto cuddurka qaaxada oo aadan qaadan wax daawayn ah
  • Ay kuu socoto daawaynta Kansarka

 

Dhibaatooyinka Naas-nuujinta

  • Ibta naaska oo danqata waa iska caadi inay dareemaan hooyooyinku, xaqiiji in ilmuhu si fiican afka ugu qabsado naasta marka nuujintu socoto. Ibta naasku waxay u baahan tahay hawo iyo qalayl ka dib nuujinta.
  • Ibta oo dilaac yeelata waxaa laga yaabaa inay keenaan kiimikooyinka iyo  saabuunaha ama barafuunada jirka la mariyo.
  • Tuubooyinka caanaha ee naaska oo xirma waxay timaadaa marka gobol ka mid ah naaska ay gaduudato oo kululaato xannuuna yeelato. Waxaa la sameeyaa in yara la kubeeyo naaska iyo in naas-nuujinta la sii wado ilaa tuubadu furmayso.
  • Mastitis waa marka baakteeriyo naaska dilaaca yeesha ay gasho,  dabadeedna caabuq ku yimaado naaska. Inta badan hooyada waxaa lagu daaweeyaa antibiyootik iyadoo naas-nuujintana la sii wadayo.
  • Welwelka ku yimaada hooyada wuxuu kalifaa in la soo dayn waayo hoormoonada oxytocin iyo prolactin oo sababa in naasahu godladaan. Waxaa muhiim ah in hooyadu deganaan iyo welwel la’aan hayso ka hor iyo kadiba naas-nuujinta. Hooyooyinka naaska nuujinaya ama umulaha ah waxay uga baahan yihiin xannaano, gargaar iyo niyad-dhisid ka timaado aabaha carruurta iyo qaybaha kale ee qoyska.

 

1 Comment

  • […] Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan ee quudinta carruurta waayo caanaha naasku waxay ka kooban yihiin nafaqada danbarka(colostrum) oo ka kooban barootiino badanoo muhiim u ah in ilmuhu jirooyinka iska difaaco. Hooyooyinka cusub waxaa laga yaabaa maalin ama labo in aysan caanuhu si fiican u dararin. Marka ugu horaysa oo ilmaha gacanta laguu galiyo ilmaha naaska afka u gali. Xilligaan waxaa bilaabma xiriirka sokeeye ee hooyada iyo ilmaha. Markiiba maskaxdu waxay soo daysaa hormoono amraya nudayaasha naasaha inay diyaariyaan caanaha. Ilmaha yar yar calooshoodu way mug yar tahay sidaas awgeed, waxay u baahan yihiin in la quudiyo 2-3 saac oo kasta 24tii saac. […]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: