Nabraha maqaarka Carruurta

Home » Cuddurada » Maqaarka » Nabraha maqaarka Carruurta

Nabraha maqaarka carruurta ka soo daata waa kuwa bilaaban kara dhalashada ilmaha ka dib ilaa noloshiisa. Sideedaba faruuracu(Rashes) waa jawaab-celin jirku ka bixinayo dhib ama kiimiko jirka dibada uga timid sida daawo ilmuhu xasaasiyad ka qaaday, cayayaan qaniinay ama jeermis(fayras, baakteeriya, fungus) soo gaaray maqaarka ilmaha.

Calaamadaha maqaarka carruurta kasoo muuqda waalidiinta waxaa u fiican inay fiiro u yeeshaan si ay u kala ogaadaan calaamadaha ama faruuraca muujiya jirrooyin khatar ah. Tusaale ahaan,  barar maqaarka ah oo xasaasiyad keentay oo saameeyay qayb badan oo maqaarka waxaa laga yaabaa inuu keeno shoog nolosha ilmaha khatar galin kara. Marka la arko calaamadaas bararka xajiinta leh ee barariyay maqaarka waxaa fiican in ilmaha la tuso dhaqtarkiisa.

Noocyada Farruuraca ama nabraha maqaarka carruurta

Nabraha ka yimaada xafaayada

Nabrahaani waa farruurac ka soo yaaca maqaarka dabada iyo agagaarka xubnaha taranka ee carruurta ka yar 2 sanno. Marka ilmuhu ku saxaroodo ama ku kaadsho xafaayada oo aan si degdeg ah looga badalin xafaayada halaysan waxaa imaanaysa in maqaarka iyo saxaradu isku xoqmaan oo markaas uu maqaarka gadduuto oo ay ka soo daataan nabraha yar yar ee xafaayadu keento.

Irritant_diaper_dermatitis

Nabraha xafaayada

Nabraha xafaayada waxaa kale oo keena xasaasiyad ilmuhu ka qaado saabuunta loogu qubeeyay ama kareemka ilmaha jirka loo mariyay. Sidoo kale waxaa keeni kara jeermiga Candida oo fungus yimaada marka ilmaha muddo dheer la siiyo daawooyinka Antibiyootiga.

Eksiimada

Eksiimada ama Atopic eczema waa faruurac ama nabro carruurta yar yar maqaarkooda ka soo baxa. Maqaarka ilmuhu wuu qalalaa, caabuqaa, cuncun yeeshaa, oo gadduud ayuu noqdaa. Inta badan ilmaha waxay eksiimadu kaga dhacdaa wajiga, suxulada, laalaabyda jirka iyo jilbaha. Ilaa hadda lama yaqaan waxa keena eksiimada,  laakiin waxaa loo aaneeyaa inay ku dhacdo ilmaha waalidkood qabaan neefta iyo xasaasiyadu.

Canbaarta

Canbaarta waxaa keena jeermiga Fangalka oo gala maqaarka, timaha iyo ciddiyaha. canbaartu waxay ku bilaabataa maqaarka oo gadduud yeesha, barar maqaarka ka sookacsan yeesha dabadeedna goobo ama wareeg u samaysma. canbaarta waxaa lagu daaweeyaa daawooyinka antifungalka.

Busbuska

Busbuska ama chickenpox waa cuddur aad u fida oo aad la isku qaadsiiyo. waxaa keena busbuska nooc jeermi ah oo fayras ah.waxaa dhamaan oogada ilmaha ka soo baxa nabro cuncun iyo xanuun leh.

Impetigo

Waa caabuq aad la iskugu gudbiyo oo ka samaysma maqaarka oo ay ka soo baxaan boog gadduudan oo aakhirka dilaacda oo dheecaan ka soo dareero. Inta badan nabrahaan impetigo waxay ka soo baxaan agagaarka sanka iyo afka.

Warts ama burrooyin Fayrus keeno

Burrada Warts oo Fayrusku keeno - Sawirka courtsy of webmd.com

Burrada Warts oo Fayrusku keeno – Sawirka courtsy of webmd.com

Burrooyinkaan la yiraahdo warts waa nabro ay keenaan noocyo fayrus ah oo la yiraahdo human papillomavirus. Burrooyinkaan waxaa lagu daawayn karaa iyadoo la jaro ama daawooyin anti-warts ah oo la dul mariyo burada.

Farruuraca kulaylka

Farruuraca xilliga kulaylaha ah ilmaha ka soo daata - sawirka courtesy of webmd.com

Farruuraca xilliga kulaylaha ah ilmaha ka soo daata – sawirka courtesy of webmd.com

Waa farruurac tiro badan oo aad u gadgaduudan oo ilmaha maqaarkiisa ka soo daata xilliyada kulaylaha ah. Nabrahaani waa marka ay xirmaan qanjirada dhiddidka oo ay tahay inay kasoo baxaan biyo badan oo dhiddid ah xilliyada kulaylaha ama marka ilmaha dhar culus loo galiyo iyada oo aan qaboow jirin.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.