Qaama-qashiir – Mumps

Home » Uncategorized » Qaama-qashiir – Mumps

Cudurkaan Qaama-qashiirka waxaa laatiinka lagu yiraahdaa Mumps. Af-soomaaliga wuxuu leeyahay magacyo badan, tusaale dadka qaar waxay ugu yeeraan Cuno-bacuuc. Qaama-qashiirka waxaa keena nooc fayras oo ah la yiraahdo Mumps virus.

Cuddurkaani waa cuddur aad la isku qaadsiiyo oo ku dhaca carruurta. Wuxuu fayruska keena cudurkaani weeraraa qanjirada candhuufta ee la yiraahdo Parotid Glands,  ee ku yaala luqunta weliba daamanka hoose meesha ugu danbaysa. Inta badan labada qanjir ee candhuufta wuu saameeyaa fayrusku. Waxaa kale oo uu qaama-qashiirku ku dhici karaa xanniinyaha iyo ugxan-sidaha.

Cuddurkaan waxaa la isagu gudbiyaa candhuuf ama dheecaan ka yimid qof qaba cuddurka oo u gudbay qof kale. Qufaca, hindhisada iyo cabitaanada/cuntada la wadaago waa la isagu gudbiyaa fayraska keena cuno-bacuuca.  Marka uu jirka soo galo iyo maalinta calaamaduhu soo baxaan waxay u dhaxayn kartaa 14-18 beri.

Cuddurkaani isagaa iskiis u taga iyadoon la qaadan daawo, wuxuuna ilmaha hayn karaa ilaa 10 beri.

Calaamadaha lagu garto

Carruur badan oo cuddurkaan ku dhacay ma muujiyaan wax calaamado ah, markaa waxaa laga yaabaa in ilmuhu isagoo aan is ogayn uu fidinayo cuddurka.
calaamadaha ugu badan ee qaama-qashiirka waa kuwaan:

  • Qandho aad u saraysa ee gaarta 39.4°C
  • Madax-xannuun iyo appetitka oo dhuma
  • Barar iyo xannuun ku yimaada qanjirka candhuufta ee ku yaala meesha ugu danbaysa ee daamanka hoose
  • Ilmaha oo dhibsada wax liqida iyo cabida iyo calaliska cuntada
  • Xannuunka oo aad u saa’ida marka ilmaha la siiyo cabitaanka oranjada ama liin dhanaanta
  • Dhego-xannuun
    Qaama-qashiirka oo barariyay qanjirada candhuufta - center for disease and prevention

    Qaama-qashiirka oo barariyay qanjirada candhuufta – center for disease and prevention.

Cuddurkaani iskiis ayaa ilmuhu uga daawoobaa,  laakiin waxaa laga yaabaa inuu horseedo dhib kale oo jirka ku dhacda sida isagoo maskaxda u gudba oo keena menengitis, baacuga(pancreas) oo caabuqa iyo tan ugu daran oo uu keeno xanniinyo-caabuq aakhirka laga yaabo wiilasha inuu ku keenta dhalmo la’aan, halka gabdha yaryarna uu waxyeelo gaarsiin karo ugxan-sidaha.

Daawaynta Qaama-qashiirka

Sida cuddurada kale ee fayrasku keeno,  qaama-qashiirku ma lahan daawo rasmi ah. Waxaa kaliya oo la samayn karaa in ilmaha la siiyo daawooyinka qandhada iyo xannuunka jabiya iyo kuwa bararka dhima.

Ka hortaga Qaama-qashiirka

Qaama-qashiirka waxaa looga hortagi karaa ilmaha oo la siiyo tallaalka qaama-qashiirka. Tallaalkaan waxaa lagu dhexdaray tallaalada kale ee jadeecada iyo rubeela oo isku mar la siiyo ilmaha. Tallaalkaan waxaa la yiraahdaa MMR oo laga helo dhamaan isbitaalada iyo MCHyada. Inta badan tallaalkaan waxaa la siiyaa carruurta marka da’doodu u dhexayso 12-15 bilood gudahood. Marka kale ayaa la siiyaa ilmaha talaalka marka da’doodu gaarto 4-6 sanno.

Si looga hortago in cuddurkaan dilaaco waalidiinta inta badan ku nool dunida waxaa lagu xiraa inay keenaan shahaado muujinaysa in ilmaha loo dhamaystiray tallaalada inta aan loo ogolaan in ilmuhu ku biiro iskuulada xannaanada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.