Qallalka – Epilepsy

Home » Cuddurada » Maskaxda - Darreemayaasha » Qallalka – Epilepsy

Qallalka ama Epilepsy waa cuddur maskaxda ku dhaca, kaas oo ay maskaxdu si elektarik maanso ah u dirto fariimo badan oo aan caadi ahayn. Fariimahaasi waxay ku safraan neerfayaasha jirka,  kuwaas oo ruxa murqaha jirka oo dhan. Kadib, waxaa yimaada in qofku suuxo oo uu joogga ka dhaco.

Farriimahaas maansada wataa waxay joojiyaan darreenkii miisaanaa ee jirka. Waxaa qofka ku yimaada inuu miyirbeelo, suuxo, afka ubur ka sii daayo oo xitaa mararka qaarkood saxaro ama kaadi ka fakato.

Qalalku wuxuu socdaa muddo yar oo sekano ama daqiiqado ah, dadka qabana ma xukumi karaan jirkooda marka qalalku jiro. Haddii cunnugu hal mar oo kaliya uu qalalay ama suuxay lama oran karo waa qalalaa ilmahaasi, laakiin haddii ilmahu mar ka badan qalalay waa lagu tilmaami karaa qalaloow.

Inta badan qalalku wuxuu dhacaa iyada oo uusan bukaanku helin wax digniin ah oo sheegaya calaamad in qalal soo socdo, inkastoo dadka qaar darreemaan calaamado yaab leh sida callool xanuun, ur ama dhadhan yaab leh ka hor qalalka. Waxaa jira dad u saara in qalalkoodu yimaado marka ay muddo dheer aysan seexan.

Cuddurka Qalalku lama saadaalin karo,  waayo waxaa laga yaabaa in ilmaha muddo yar uu hayo, waxaa laga yaabaa markay koraan inuu ka guuro, waxaase kale oo suuragal ah inta ilmuhu noolyahay uu qabo qalalka.

Maxaa keena qalalka

10kii xaaladood ee qalal ah 7 ka mid ah lama yaqaano sababta keenta sidaas awgeed waxaa loo yaqaan idiopathic epilepsy. Waxaa jira cudduro iyo calaamado keena qalalka oo kala ah:

  • Qandho aad u saraysa sida tan malaariyada.
  • Menengitis.
  • Hoos u dhac degdeg ah ama miisaan-beel oo ku yimaada macdanaha dhecaanada jirka.
  • Jug ama shil madaxa kaga dhacay ilmaha.
  • Burro ka soo baxday maskaxda dhexdeeda.

 

Daawaynta qalalka

Waxaa jira daawooyin carruurta qalalka qabta ka caawisa inay ka hortagto inay qalalaan. Daawooyinkaas waxaa loo siiyaa carruurta qalasha si joogto ah. Muddo marka la qaato daawaooyinkaas waxaa suuragal in marka ilmuhu waynaado inay ka guurto suuxtintu.Waxaa la yiraahdaa daawooyinkaas        Anti-convulsants.

Gargaarka degdega ah marka suuxdini timaado

  • Ha muquunin qofka marka uu gariinayo oo dhulka ha ku riixin ama ha isku dayin inaad joojiso dhaqdhaqaaqiisa.
  • Ka aruuri agagaarka qofka suuxay walxaha dhaawici kara.
  • Ka debci dharka luqunta uga xiran si neefsashadu aysan u xayirmin.
  • Madaxa u dhig barkin.
  • Dhinac u jiifi si dheecaanada afka ka imaanayaa u xirin habdhiska neefta. Marna ha isku dayin in afka bukaanka aad xoog ku furto sida walax qalaad oo afka laga galiyo ama farahaaga oo aad galiso. Run maahan in qofka qalalaa laga yaabo inuu carabkiisa liqo.
  • La joog bukaanka inta qalalku socdo niyadana u dhis marka uu soo naaxo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.