Qandhada Tiifoowga

Home » Cuddurada » Qandhada Tiifoowga

Erayga Tiifoow Soomaalidu waxay ka keentay magacbixinta afka qalaad oo lagu yiraahdo Typhoid fever. Cuddurkaan waxaa keena jeermiga baakteeriyada ee la yiraahdo Salmonella Typhi. Qandhada tiifoowga waa la daawayn karaa,  laakiin haddii aan la daawayn waxay horseedi  kartaa inay dhibaatooyin ama dhaawac gaarsiiso jirka.

Baakteeriyada keenta qandhada tiifoowga (Typhoid) waxay inta badan ku nooshahay jirka binu-aadamka,  oo ay la socoto saxarada iyo kaadida.  Waxay kale oo ay baakteeriyadu joogtaa dhuumaha ay maraan saxarada sida siiwayjka, bulaacadaha iyo meelaha lagu dabaasho.

Waxaa la isagu gudbiyaa marka qof qaba baakteeriyada tiifoowga uu saxaroodo, dabadeedna isagoon si fiican gacmaha isaga dhaqin uu cunto ama cabitaan diyaariyo,  markaasna qof fiyoow cuntadii ama cabitaankii isticmaalo.

Waxaa jira 3-5% dad ama bukaan ah oo ka buskooday qandhada tiifoowga,  laakiin noqda cuddur-sideyaal. Macnuhu waxa weeye dadkaasi iyagoon calaamadihii tiifowga dareemayn ayay baakteeriyada Salmonella Typhi jirkooda ku jirtaa. Cuddur-sideyaashaasi inta noloshooda ka dhiman way gudbin karaan tiifoowga.

Marka baakteeriyadu jirka qofka gasho waxay gaartaa gidaarka mindhicirada. Hal ama labo asbuuc ka dib waxay u dustaa wareegga dhiigga si dhamaan jirka oo dhan ay u gaarto. Markaas ayaa jirku bilaabaa inuu baakteeriyada iska difaaco oo ay timaadaa qandho kulul iyo calaamado kale.

Calaamadaha lagu garto qandhada tiifoowga

Baakteeriyada Qandhada tiifoowga waxuu ilmuhu qaadi karaa marka ay cunaan ama cabaan cunto wasakhaysan oo ay ku laran tahay baakteeriyada tiifoowga,  oo uu soo diyaariyay qof qaba ama sida Jeermiga. Waxaa kaloo ay ilmuhu qaadi karaan haddii ay cabaan biyo wasakhysan ama ay cabaan biyo ay ku  dabaalayaan oo jeermiga tiifowga haleeyay.

Calaamadaha caamka ah tiifoowga waa kuwaan:

  • Qandho sare oo gaarsiisan 40°C
  • Daal iyo tabardaro
  • Madax-xannuun
  • Callool-qalayl ama shuban
  • Farfariirac(nabro) yar yar oo gadgaduudan oo ka soo yaaca xabadka iyo caloosha
  • Callool-xannuun iyo appetite la’aan
  • Beerka(Liver) iyo beeryarada(spleen) oo barara

 

Haddii aan la daawayn qandhada Tiifoowga waxaa laga yaabaa inay ilmaha u horseedo dhibaatooyin caafimaad oo aad cul-culus oo ka mid yihiin:

  • Dhiig-bax ka yimaada mindhicirka yar
  • Shoog
  • Isku-dhex-yaac maskaxeed
  • Menengitis

 

Daawaynta qandhada Tiifoowga

Cuddurka tiifoowga way adag tahay in la xaqiijiyo iyadoon la isticmaalayn shaybaar. Dhaqaatiirtu inta badan waxay dhiigga iyo saxarada ka baaraan baakteeriyada Salmonella.  Haddii lagu xaqiijiyo ilmaha inuu qabo tiifoowga waxaa dhaqtarkaagu kuu qorayaa daawada antibiyootiga oo dilaysa baakteeriyada.

Marka daawada lagu bilaabo ilmaha 2-3 maalmood ka dib waxaa yaraada calaamadaha tiifoowga sida qandhada.  Waxaa muhiim ah inaad daawada ilmaha ku dhamaysid una siisid sida dhaqtarkaagu kugula taliyay. Haddii qandho jirto sii ilmaha daawada Paracetamol oo aad farmashiyaha ka heli karto.

Sidoo kale, ilmaha jirran waxaa ka baxay dheecaan badan oo ku lumay qandhada iyo shubanka markaa sii cabitaan badan si fuuqa loo soo celiyo. Maadada ORS waa cabitaan ka kooban macdanaha jirka oo fiican in ilmaha shubmay lagu fuuq-celiyo. Ilmaha yar yar waxaa muhiim ah in naas-nuujinta loo sii wado.

Ilmaha Tiifoowga qaba waxaa wanaagsan in la siiyo cunto nafaqo leh. Inta calaamaduhu jirraan waa in la siiyaa cunto fudud sida mushaali ama caano oo cuntada adag tartiib loogu soo celiyo. Carruurtaani sidoo kale, waxay u baahan yihiin nasasho.

Sida ugu wanaagsan oo looga hortago Tiifoowga

  • Dadka ka soo safraya meelaha aan laga aqoon Tiifoowga waxaa ilmaha la siiyaa tallaal ka hortaga tiifoowga.
  • Qof kasta diyaarinaya cunto ama cabitaan waa inuu laasimaa inuu gacmaha saabuun ku mayro inta uusan cuntada faraha la galin.
  • Biyaha la cabo ama cuntada lagu kariyo oo si fiican la karkariyo.
  • Dadka lagu xaqiijiyay inay tiifoow-sideyaal yihiin waa in laga mamnuucaa meelaha cuntada lagu diyaariyo sida makhaayadaha inay ka shaqeeyaan oo ay noqdaan adeegayaal(waiters) ama kuug(cooks)
  • Meelaha lagu dabaasho waa in carruurta la baraa inaysan cabin biyaha lagu dabaalanayo.
  • Carruurta lagu xaqiijiyay inay tiifoow qabaan waa in aan iskuulka ama dugsi quraanka loo dirin ilaa ay buksoonayaan si aysan u fidin cuddurka.
  • Mar walba si fiican waa in loo karkariyaa cuntada.
  • Carruurtaada uga dig inay cunaan cuntada jidadka hareerahooda lagu gado oo aan daboolnayn.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.