San-Goror – Nose bleeding

Home » Cuddurada » Sanka-Cunnaha-Dhegaha » San-Goror – Nose bleeding

San-gororka carruurtu wuxuu waalidiinta ku keena welwel marka ay arkaan dhiig saafi ah oo ka soo dareeraya sanka ilmahooda. Waxaa laga yaabaa in san gororku ilmaha iyo waalidkiisba ku keeno cabsi,  laakiin runtii san gororku maahan xaalad khatar ah.

Waxaa suuragala cunnugu noloshiisa ugu yaraan hal mar inuu san gororo ama marar badan. Inta badan gororku wuxuu ka bilaabmaa mid ka mid ah labada dul ee sanka ama derbiga u dhexeeya labada dul.

Maxaa keena San-gororka?

Inta badan san gororadu waxay dhacaan marka xididada yar yar ee ku teedsan sanka ay qarxaan ama dilaacaan. Xididadaas yar yari waa kuwo aad u nugul oo aad ugu dhaw dusha sare, si fududna u dhaawacmi kara.
Sababaha inta badan soo jiida san garorka waa kuwaan:

  • Sanka oo la fareeyo ama walax ajnabi ah la galiyo.
  • Hargab ama allerji ilmaha hela dabadeedna sanka si aad ah loo fuufiyo.
  • Hawada oo qalasha sida xilliga jiilaalka oo sanka gudihiisu qallalo oo qolofi fuusho ka dibna dilaac ku imaan karo.
  • Dhaawac gaaray sanka ama madaxa ilmaha muddo yar ka hor gororka.
  • Marar dhif ah waxaa keena habka xinjiraynta dhiigga ilmaha oo dhib ka jirto.

 

Sidee loola tacaalaa San gororka marka uu dhaco.

  • Marka ugu horaysa is deji kuna qanci ilmaha inaysan welwelin uuna san gororku dhib wayn lahayn.
  • Ku fariisi ilamaha dhabtaada ama dhulka fariisi amaba istaaji iyadoo yara luquntiisa hoos loo jeedinayo.
  • Ilamaha jeeggo jeeggo ha u seexin marnaba waayo dhiigga sanka ka imaanaya ayaa ku noqonaya hungurigiisa.
  • Isticmaal faashad ama maro nadiif ah oo aad dhiiga kaga nadiifinaysid.
  • Tuuji qaybta jilicsan ee sanka ee ka hoosaysa lafta san-qaroorka. Muddo 10 daqiiqo ah oo xiriira  caddaadiska tuujiska ah ku hay sanka.
  • U sheeg ilmaha inuu ka neefsado afka inta tuujinta sanku socoto.
  • U sheeg ilmaha inuusan fuufsan sanka inta san gororku socdo ama ka diba waayo waxaa laga yaabaa in dhiig baxu sii socdo.
  • Ha ku gufayn sanka suuf IWM.
  •  Ka jooji isticmaalka haddii ilmuhu horay u qaadanayay daawooyinka dhiigga khafiifiya sida Ipubrufen iyo Warfarin.

 

Goormaan caawimaad dhaqtar raadiyaa?

  • Haddii aad dareentay in san gororka ilmahu uu yimid ka gadaal dhaawac sanka ama madaxa ka soo gaaray.
  • Haddii aad dareento in ilmuhu aad u dhiig-baxay.
  • Haddii ay jirto in ilmuhu dhawaan daawo uusan qaadan jirin oo uu qaatay.
  • Haddii ilmuhu si joogto ah u gororo oo uu sankiisu mar walba cabursan yahay.
  • Haddii si fudud ilmuhu u gororo oo uu haddana meelo kale ka dhiigbaxo sida dhiig ka yimaada cirridka.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maqaalada

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.