Thursday, April 18
Shadow

SHUBANKA

mother and child
courtsey of UNICEF Somalia

 

Shubanka laatiinka waxaa lagu yiraahdaa Diarrhea oo ka yimid eray Giriig ah oo macnihiisu yahay Dareerid (Dia=”flow” iyo -rrhea =”through”).  Macnaha waxa weeye waa marka qofku dhigo saxaro jilicsan oo biyo u badan marar badan oo is-xiga.  Shubanka waxaa keena saamayn caabuq ama caabuq la’aan.

Sidee baan ku ogaan karaa in cunnugayga uu hayo shuban?

Ugu horayn waxaa muhiim ah inaad ogaato xaalada cunnugaaga gaarka u ah. Ilmaha yar-yari aad bay u saxaroodaan – weliba mar walba oo la quudiyo waxaa suuragal ah inay dhigaan saxaro jilicsan – waxaa kaloo taas sii dheer in saxarada jilicsan ee ilmaha yar ku xiran tahay waxa ay hooyadu cuntay iyo haddii ay nuujinaysay.  Haddii cunnugaaga mar mar uu shubmo oo dhigo saxaro jilicsan ma jirto wax laga welwelo,  laakiin haddii aad ku aragto shuban aan caadi ahayn oo tira badan oo haddana biyo u badan – waa kaas shubanka laguu sheegayo.

Shubanka saa’idka waa midka walaaca abuura,  waayo wuxuu ilmaha ku ridi karaa fuuq-bax dheecaanku  jirka ku yaraado,  haddana shubanada badankood waa lagula tacaali karaa guriga haddii waalidku xaqiijiyaan inay ilmaha shubmaya siiyaan cabitaan badan oo soo celiya biyihii ka baxay jirka.

Maxaa keena Shubanka?

Liiska sababaha keena shubanka aad buu dheer yahay. Shubanka carruurta waxaa laga yaabaa inay keenaan Jeermiyada baakteeriyada, Viruska iyo il-ma-aragtayga baarasaytka.  Waxaa kale oo keeni kara daawo anti-biotic ah oo cunnuga la siiyay ama cunto uu cunay oo uu xasaasiyad ka qaaday.

Noocyadda virusyada ah ee kala ah rotovirus, adenovirus, calicivirus, astrovirus, iyo influenza waxay keenaan shuban iyo weliba matag iyo qandho dhaxan wadata.  Sidoo kale,  baakteeriyada noocyadeeda ay ka midka yihiin salmonella, shigella, staphylococcus, campylobacter, iyo E. coli waxay ka masuul yihiin  shuban khatar ah oo wata calool majiir, qandho, iyo matag. Haddii ilmaha shubmaya ay ka muuqdaan calaamadahaan markiiba raadi gargaar caafimaad sida dhaqtar ama isbitaal.

Jeermiyada kale ee shubanka waxaa ka mid ah Parasiteka ay ka midka yihiin Giardia iyo Ameebaha oo ah dullino yar yar oo ilmo-aragtay ah oo ku nool habdhiska dheefshiidka.  Calaamadaha parasiteka waxaa ka mid ah dibiro, calool-majiir, saxaro axal leh oo qurmuun. Jeermiga parasiteka aad baa la isugu gudbiyaa,  waxaana muhiim ah in daawayn loo raadsado dhaqtar ama isbitaal.

Waxyaalaha kale ee keena shubanka carruurta waxaa ka mid ah xasaasiyada cuntada ama “food allergy”, oo ah in carruurta qaarkeed xasaasiyad ka qaadaan cunto ay cuneen ama caano ay cabeen. Tusaale ahaan, carruurta qaar ayaa xasaasiyad ama alleergik ku ah barootiinka ku jira caanaha lo’da oo ay tahay inaan la siin caano lo’aad ilaa inta uu ka gaarayo hal sanno. Tallada ugu wanaagsan waa in carruurta la nuujiyaa muddo 1-2 sanno ah. Waxaa kale oo jira noocyo cunto ah oo carruurta qaar xasaasiyad ka leeyihiin sida ukunta, loowska,  sarreenka iyo kalluunka.

Sumoowga carruurta ayaa isna keena shuban marka uu cunnugu  cuno daawo aan loo qorin,sun, kiimiko, Gaas IWM. Haddii aad ku aragto neef-qabatin ama miyir-beel ula carar ilmaha Isbitaalka kuugu dhaw.

Sidee baan ula tacaalaa shubanka ilmaha?    

Shubanku ilmahaaga wuxuu u diri karaa isbitaalka markaa waa inaad xaqiijisaa in ilmahaagu uusan fuuq-bixin inta uu hayo shubanku. Waxaa muhiim ah in loo wado nuujinta naaska. Haddii ay guriga taal  maadada ORS ugu qas biyo oo sii cunnuga. Haddii aysan oolin ORS guriga diyaari cabitaan ka kooban biyo, sonkor aad u yar iyo cusbo dabadeedna ku quudi ilmaha. Ha siin cabitaanada warshadaysan sida Soodhada IWM,  waayo cabitaanadaasi waxay wataan noocyo sonkor ah oo sii siyaadiya shubanka.

Haddii ilmuhu si kumeelgaar ah u diido cuntada haka welwelin waayo tartiib tartiib ayay u soo noqonaysaa cunto-qaadashadu, waxaad kaliya oo isha ku haysaa inuusan ilmuhu fuuq-bixin. Sii ilmaha shubmaya raxmad iyo koolkoolin joogto ah. Ka badal gogosha iyo labiska ama xafaayada ay saxaradu halaysay. Haddii aan si joogto ah dharka saxarada leh oo qoyan ama pamperka cunnuga looga badalin waxaa laga yaabaa in dabada cunnugu nuglaato/muruxdo oo nabro ka soo baxaan.  Markasta oo la badalo xafaayada ama dharka halaysan mari lugaha, dhabarka iyo dabada ilmaha kareem ama xayrta vaseline.

Difaaca ugu fiican ee shubanka looga hortago waa iyadoo la joogteeyo gacmo-dhaqista weliba markasta oo aad quudinayso ilmaha iyo markasta oo aad badasho dharka halaysan ama pamperka.

Ha siin wax daawo ah oo shubanka joojinaysa oo uusan kuu qorin dhaqtar, waayo daawooyinka shubanka joojiya waxay gaarsiin karaan ilmaha yaryar khatar caafimaad.

Goormaan u yeeri karaa dhaqtar ama isbitaal gayn karaa ilmaha shubmaya?

  • Haddii uu ilmaha ku soo kordho matag aad u tira badan.
  • Haddii ay soo kordhaan calaamadaha fuuq-baxa sida carrabka oo qalala, nush-nushleeyda oo hoos u degta, oohin aan lahayn ilmo(tears).
  • Haddii ilmuhu tabardhigo oo uusan jawaabayn haddii lala hadlo ama la toosiyo.
  • Haddii ay jirto saxaro madoow ah ama saxaro dhiig leh.
  • Haddii ay jirto qandho gaarsiisan 38.5C-39.5C.
  • Haddii uu jiro xannuun maroojis ah oo joogto ah.

 

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: