Xabeebta

Home » Calaamadaha » Xabeebta

Xabeebta waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa hoarseness,  waxaana ay timaadaa marka caabuq ku dhaco santuukha codka ama Larynx. Santuukha codka(voice box) waxa uu ku yaalaa waxyar meel ka horaysa hunguriga cad(Trachea) oo ah tuubada ay hawadu marto.

Santuukha codku wuxuu ka kooban yahay labo muruq oo lagu magacaabo vocal cords ama carabyada hadalka. Marka qofku neefsanayo labada muruq ee carabyada hadalku way furmaan si hawada u socota sanbabadu ay u gudubto.
Marka qofku rabo inuu hadlo ayay labada carrab isku yimaadaan, isla markaas ayaa hawada kaarboonka ah ee ka soo noqota sanbabada waxay ku dhexmartaa si ciriiri ah labada carrab-hadaleed. Waxaa halkaas ka samaysma gariir ay sameeyaan murqaha santuukha hadalku. Sharqanta ka timaada gariirkaas ayaa hunguriga ka soo baxda oo ka sii baxda afka oo noqota hadalka aan ku hadlayno.

Xabeebta waa calaamad ka timaada marka caabuq ku dhaco santuukha hadalka ama larynx oo caafimaad ahaan lagu magacaabo Laryngitis. Waxaa ilmaha ku yimaada inay xabeeb yeeshaan, inay qufacaan ama in hadalku si dhib ah kaga soo baxo. ilmaha waxaa laga yaabaa in muddo yar ka hor uu ku dhacay hargab caabuq ku keenay hunguriga iyo santuukha codka.

Muuqaalka santuukha codka Photo courtesy of Healthwise

Muuqaalka santuukha codka Photo courtesy of Healthwise

Calaamadaha xabeebtu maahan kuwo joogto ah oo maalmo yar gudahood ayaa iskood looga buskoodaa. Laakiin ilmaha yeesha qandho, xannuun, dhib ka timaada wax-liqida, dhiig soo raaca xaakada iyo neef-qabatin waxay u baahan yihiin in markiiba lala xiriirsiiyo dhaqtarka ama isbitaalka.

Sababaha keena Xabeebta (laryngitis)

  • Upper respiratory Infection: oo ah infection ku dhaca qaybta sare ee habdhiska neefsashada,  oo uu inta badan keeno viruska hargabka keena. Wuxuu wadan karaa cabur iyo duuf badan oo xira dulalka sanka oo ku maaxa hunguriga iyo qolka codka.
  • Stomach acids: oo ah marka aashitada caloosha oo cuntada burburisaa ay dib ugu soo butaacdo hunguriga oo dhaawac gaarsiiso santuukha codka. Inta badan marka dhibtaan ay timaado qofku wuxuu ka cawdaa laab-jeex badan.
  • Xasaasiyada: marka qofku jiido boor, qiic sigaar ama wax uu aleerjig ku yahay waxaa cabur ku yimaada sanka iyo cunaha, taas oo keenta in dheecaano ku soo dareeraan(Post-nasal drip) hunguriga cad iyo santuukha codka.
  • Qaylo badan: marka qofku muddo dheer aad u qayliyo ama ilmuhu muddo ooyo ama taageerayaasha isboortigu qaylo taageero ah sameeyaan waxaa imaan kara in codku badalmo ama xabeebi timaado.

 

Daawaynta xabeebta

Mar mar dhif ah ayaa xabeebta ay keentaa baakteeriya,  haddii dhaqtarku xaqiijiyo waxaa loo qori karaa ilmaha anti-biyootic. Sidoo kale,  sida caadiga ah xabeebta ama laryngitiska waxaa keena Virus. Ilmaha waxaa lagula taliyaa inay nastaan iyo cabitaan badan oo la siiyo.

Haddii dhaqtarka ilmuhu dareemo in xabeebta ilmuhu ka timid aashitada caloosha oo dib u soo noqotay waxaa laga yaabaa in ilmaha daawooyin kale loo qoro. Waalidiinta waxaa lagula taliyaa inay badalaan cuntada ilmuhu cuno oo ay ka saaraan cuntooyinka gaaska iyo dibarada ilmaha ku keena.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.