Friday, March 29
Shadow

XAFIILTANKA WALAALAHA

Haddii aad carruur leedahay waad garan kartaa sida mararka qaarkood ay u dhib badan tahay sidii gurigaaga ama reerkaaga aad u joogtayn lahayd nabadayntiisa.  Hal daqiiqo carruurtaadu waa heshiis oo si wanaagsan bay u wada macaamilmayaan ,  daqiiqada ku xigtana waxaad arkaysaa iyadoo midiba midka kale luqunta ugu jira.

Waa dabiici in carruurta walaalaha ah loolamaan ama xafiiltamaan inta ay ka korayaan oo dhan,  waayo waa qayb ka mid ah korriinka.  Laakiin,  waxaa muhiim ah in waalidiintu xirfad ahaan yaqaanaan goorta ay tahay inay faragalin sameeyaan si ay u xaliyaan khilaafaadka carruurta.

Xafiiltanka walaalaha  caadiyan wuxuu ka bilowdaa tartanka carruurtu u galaan xubiga iyo xushmada waalidkood u hayaan. Carruurtu waxay isku muujiyaan hinaase  iyo tartan ku aadan in mid walba kororsado jacaylka waalidkiis u qabo. Sidoo kale, waxay ku dagaalamaan agabka sida qalabka iyo boombalooyinka carruurtu ku ciyaaraan.

Dhibaatooyinka carruurta walaalaha ah isku gaystaan waxaa ka mid ah inay is-laadaan, is-dharbaaxaan, ama ay is caayaan. Mararka qaar waxaa suuragal ah inay isku gaysan karaan dhib intaas ka badan.
Loollanka iyo xafiiltanka carruurtu wuxuu bilowdaa wax yar ka dib marka ilmaha cusub reerka ku soo biiro oo uu ilmaha wayni dareemo in khayraadkii iyo xubigii waalidkiis lala qaybsanayo.

Tallooyin ku saabsan siyaabaha loo xalliyo khilaafka iyo loollanka carruurta walaalaha ah

Waalid lagu dayan karo noqo: carruurtu waxay koobigareeyaan sida waalidiintood u dhaqmaan. Haddii lamaanahaaga aad la muranto ama ku qayliso ama gacanqaadba aad samayso iyada oo ay goob joog yihiin carruurtaadu waxay noqonaysaa in carruurtaadu kugu dayato oo ay iyaguna markooda sameeyaan habdhaqankii xumaa ee aad samaysay.

Ha is-barbar-dhigin carruurta: Carruurtu way kala duwan yihiin marka la eego caqliga, kartida,dabeecada iyo waxbarashada markaa ma habboona in la qiyaaso inay kulligood isku mid ahaadaan. Ma aha in lagu caddaadiyo in cunnug u wanaagsanaado sida kan kale , waayo waxaa laga yaabaa inay is-cadaawadaystaan ama uu dareemo ilmaha la liidayaa in waalidkiis ka jecel yahay kan kale. Sidoo kale, waxaa wanaagsan in cunnug kasta dabeecadiisa iyo baahidiisa lagu tixgaliyo.

Ha kala-jeclaysan carruurtaada: Xitaa haddii labada ilmood midkood dhibloow yahay halka kan kale caadi yahay ha u muujin inaad kala jeceshahay waayo waxaa laga yaabaa in kan dhibloowga ahi dareemo cuqdad ah in waalidkiis neceb yahay. Sidoo kale, si gaar ha u wanaajin mid ka mid ah ilmaha tusaale ahaan, haddii aad hadiyad bixinayso si siman u sii ilmaha oo dhan hadiyado.

Ha dhex muquuran khilaafka: Ku dhiirigali carruurtaada inay iyagu naf ahaantooda khilaafkooda xalliyaan. Tusaale, ahaan haddii labo cunug isku qabsadaan xirmo shukulaato ah bar in midna inuu kala qaybiyo shukulaatada halka kan kale marka hore uu kala dooranayo labada xirmo ee shukulaatada.

Ka waani gardarada iyo maquuninta ay isku gaysan karaan: Haddii mid ka mid ah aad dareento inuu gardaran yahay una baahan yahay in la edbiyo gaar ula bax oo u sheeg khaladkiisa oo haku ceebayn iyadoo kuwa kale jooggaan. Ha koobigarayn hadalada cayda ah ama naanays bixinta ah oo ay carruurtu isku adeegsadaan.

Bar wada-xaajoodka iyo xeer-jajabka: Haddii ay carruurtu ku guuldaraystaan inay heshiiyaan markaa la imow qorshahaaga lagu xalinayo khilaafka. U deji reerka xeer degsan. Tusaale, ahaan bar carruurtaada in qof walba gacmihiisa uu dhawro oo uusan dagaal bilaabin. Haddii la isku qabsado isticmaalka TVga ama Game lagu ciyaaro deji jidwal maalmeed ama asbuuceed la kala isticmaalayo qalabkaas. Bar carruurtaada wada-xaajoodka iyo in dhexda la isagu imaan karo si loo gaaro xeer-jajab labada dhinacba qancin kara.

Ku dhiirigali dhaqanka wanaagsan: Haddii aad aragto carruurtaada oo wada ciyaaraya ama wadaagaya qalabka ciyaarta sida boombalooyinka ama sidii hal koox u wada shaqaynaya ku dul daadi amaan tira badan si ay dhaqankaas wallaaltinimada ah u sii wadaan.

Dhagayso carruurtaada una muuji inaad jeceshahay: mararka qaar haddii ilmuhu kaaga soo dacwoodo mid kale haku celin hadalka ee dhagayso oo u ogolow ilmaha inuu xanaaqiisa bannaanka u soo tuuro. U muuji inaad xalinayso dhibta jirta. Marmar qabo kulan qoyska oo dhan ah oo ilmuhu dareenkooda ku soo gudbistaan. Sidoo kale, u muuji ilmahagaa inaad mar walba garab taagan tahay oo aad jeceshahay.

Raadi talo dhaqtar : tiro yar ayaa jira qoysaska inay xallin waayaan khilaafka iyo xafiiltanka carruurta, haddii qaar ilmaha ka mid ah la yimaadaan dhibaatooyin joogta ah oo khatar galin kara qof ka mid qoyska raadso talo dhaqtarka maskaxda ama cilmi-nafsiga.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: