Xiiq-dheer – Whooping Cough

Home » Cuddurada » Cuddurada dilaaga ah » Xiiq-dheer – Whooping Cough

Cuddurkaan Xiiq-dheertu wuxuu ku jiraa cuddurada dilaaga ah, gaar ahaan carruurta ka yar 5 sanno. Sannad walba dunida waxaa qaada in ka badan 48 million oo qof,  halka uu dilo ku dhawaad 300,000 oo qof,  oo intooda badan ku nool dunida soo koroysa oo Soomaaliya ka midka tahay.

Cuddurkaan waxaa keena baakteeriya lagu magaacabo Bordetella Pertussis, oo si degdeg ah la isagu gudbiyo marka la qufaco ama la hindhiso. Cudurkaan waxaa la helay 1906dii,  markaas oo ay labo saynisyahan oo Faransiis ahi ogaadeen. saynisyahanadaasi waxay markaas u sameeyeen tallaal lagaga hortago xiiq-dheerta.

Baakteeriyada xiiq-dheerta keentaa waxay weerartaa habdhiska neefsashada oo ay ku jiraan Sanbabada iyo tuubooyinka hawadu marto. Waxay ku caan tahay nooca qufaca ah ee xiiqda oo ah marka qufacu isku xigxigo,  oo uusan kala go’ayn. Xiiqdu waa marka ay soo baxdo shanqarta qiriricda ah marka ilmuhu hawada si dhib ah ku qaadanayo.

Waa maxay calaamadaha Xiiq-dheertu?

Xiiqdu marka hore waxay ku bilaabataa calaamadaha hargabka oo kale sida sanka oo duufa, hindhiso, cabur sanka ah iyo qufac yar yar. Calaamadahaan hargab-u-ekaha ahi waxay socdaan muddo labo asbuuc ah inta uusan bilaaban qufaca khatarta ah. Sidoo kale ilmuhu wuxuu yeelan karaa qandho.

Ilmaha xiiqdu haysaa caadiyan wuxuu  qufaca oo aan kala joogsi lahayn u wadaa 20-30 ilbiriqsi oo xiriira halkii wareeg oo quficid ah. Inta badan qufaca xiiqdu wuxuu dhacaa habeenimada.  Marka qufaca xiiqdu socdo ilmuhu way harjadayaan oo waxay raadinayaan ogsijiinta jirka ku yaraatay, oo keenta in ciddiyaha iyo bishimahu baluug u ekaadaan. Aakhirka ilmuhu qiixda dheer ka dib wuxuu matagaa xab iyo ubur is jiidanaya, dabadeedna wuu yara nafisaa.

Inta badan calaamadaha xiiq-dheertu waxay iskood u yaraadaan 3 ilaa 6 asbuuc ka dib. Xiiq-dheertu mar labaad ilmaha way ku dhici kartaa inkastoo calaamadahu sidii hore ka ladifnaan karaan.

Daawaynta Xiiq-dheerta

Carruurta la xaqiijiyay inay qabaan xiiq-dheerta dhaqaatiirtu waxay siiyaan daawooyinka Antibiotiga ah ee lagula dagaalamo baakteeriyada. Haddii ilmaha mar horaba la siiyo daawada anti-biyootiga ah waxaa laga yaabaa inay yarayso calaamadaha xiiqdu ugu horayso, laakiin haddii goor danbe la siiyo waxay ka caawinaysaa in la yareeyo fursada bukaanku ku fidinayo cuddurka oo calaamaduhu way iska soconayaan ilaa si dabiici ah uu jirku isku daawaynayo.

Carruurta qabta xiiqdu waxay u baahan yihiin:

  • In la nasiyo carruurta lana siiyo cunto nafaqo leh.
  • Carruurta qabta xiiqda ka karantiil carruurta kale ee caafimaadka qabta waayo xiiqdu waa u khatar ilmaha aadka u yar yar ee aan weli la tallaalin.
  • Ha siin daawooyinka qufaca lagu joojiyo haddaan dhaqtar ku talin waayo qufacu waa hab difaac ah oo uu jirku isaga soo saarayo jeermiska.

 

Ka hortaga Xiiq-dheerta

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karaan waa in ilmaha yar yar loo dhamaystiro tallaalka,  gaar ahaan nooca la yiraahdo DPT,  oo ah tallaal la isku daray oo looga hortago cuddurada Gaowracatada, xiiq-dheerta iyo teetanada.

Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.  Talaalkaan dhamaan waa laga heli karaa Goobaha caafimaadka ee sida isbitaalada iyo MCHyada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Daadah on Twitter

Nagala Soo Xiriir

Mowduucyada ku jira daadah® waxaa loo isticmaali karaa wacyigalin caafimaad oo kaliya. Haddii jirro ama shiddo caafimaad jirto la tasho dhakhtarkaaga.