Hadda ilmahaagu wuxuu soo gaaray 11 billood jir. Waxaa kuu soo carfaysa damaashaadkii sannad-guuradii koowaad ee dhalashada ilmahaaga oo ay kaaga harsan tahay hal bil oo kaliya. Waxaan shaki ku jirin xilligaan inaad mashquulsan tahay oo aad ilmaha socod-baradka ah ka celcelinayso inuu dhib ama khatar la kulmo inta uu durdurinayo ama sida xawliga ah u guurguuranayo guriga dhexdiisa.
11 Bilood jirku xilligaan wuxuu cuskanayaa derbiyada ama qalabka guriga yaal. Waxay mararka qaarkood qaadayaan tillaabooyin taxadar leh oo socosho ah. Haddii la daadaheeyo waxay ilmahu socon karaan cabaar. Qaar ka mid ka mid ah carruurtu waxay tijaabinayaan inay ama faraha foodooda ku istaagaan amaba hal lug ku istaagi karaan.

Da’daan carruurtu waa kuwo dunidu u cusub tahay oo qaxar-doon ah, waayo waxay doonaan inay wax kasta tijaabiyaan. Waxay iska soo laalaadiyaan sarriirtooda, waxay isku dayayaan inay fuulaan kuraasta iyo miisaanta. Waxay raadiyaan jaranjaro kasta oo ay meel u fuuli karaan.
Waxaa wanaagsan in guriga laga ilaaliyo wax kasta oo ay carruurtu u istcicmaali karaan inay ku fuulaan meel ka koraysa, si aysan isagu soo daadin waxyaalaha ama dareerayaasha saaran meelaha ay tiigsan karaan carruurtu.
Sidoo kale, carruurta da’daan soo gaarta waxay jecel yihiin inay furaan khaanadaha iyo maqalada oo ay baaraan waxa ku jira, markaa waxaa muhiim ah in dhamaan khaanadaha iyo armaajooyinka la xiro ama la qufulo.
Ilmuhu marka ay gaaraan 11 Billood jir waxay awoodaan inay ilaa xad in is-quudin karaan, tusaale ahaan haddii masaasad ama koob gaar ah wax lagu siiyo ilmuhu wuu qabsan karaa weelka wax lagu siinayo. Sidoo kale, haddii qaado loo dhiibo wuu awoodaa ilaa xad inuu wax ku qaato oo afka gashado cuntada. Gacmaha ama faraha iyana ilmuhu cuntada qandaca ah wuu ku qaadan karaan oo waa is quudin karaa.
Maadaama uu ilmuhu awoodo inuu farahiisa cuntada ku qaadan karo bishaan, u siyaadi cuntooyinka kala duwan oo uu qaadan karo sida khudaarta, miraha beeraha, noocyada caanaha sida Youghurt, iyo hilibka.
Sida waayo-aragnimo lagu ogaaday carruurtu waxaa laga yaabaa inay waalidiintood ku diidaan inay wax cunnaan ugu yaraan 5 jeer, laakiin aakhirka ay ka ogolaadaan inay cunnaan cuntadii loo guray. U ogoloow ilmuhu inuu cuno xaddiga appetitekiisa, oo ha ku qasbin cunto ka badan inta uu u baahan yahay.
Carruurta 11 bilood jirka ahi xilligaan waxay awoodaan inay la wada hadlaan waalidiintood inkastoo ay adag tahay in la fahmo erayadooda. Waxay awoodaan inay fahmaan amarada sida “Maya” oo kale oo muhiim ah in waalidku baro carruurtooda inay ku yiraahdaan marka waalidku dareemo inuu ilmuhu faraha kula jiro ama u socdo ficil khatar ku keeni kara noloshooda. Haddii waalidiintu si joogto ah u isticmaasho erayga “maya” waxay ahaanaysaa billow wanaagsan oo eedaabta ilmaha lagu dejinayo.
Ilmuhu xilligaan wuxuu samaystaa aasaaska dabeecadiisa oo wuxuu muujiyaa waxa uu jecel yahay iyo waxa uusan la dhacsanayn. Waxay shacuurtooda ku muujiyaan xanaaq iyo suure marka laga qaado ama loo diido shay ama boonbalo ay jecel yihiin.
Xiliigaan carruurtu waxay jecel yihiin in waalidiintu u sheekeeyaan oo wadahadal la yeeshaan. Waxaa kale oo muhiim ah in buugta looga aqriyo sheeko carruureed oo weliba ilmuhu baalalka buugga ay rogrogaan.
Tallooyinka ilmaha ee bisha 11aad
- Hadda oo ilmuhu socod bilaabayo u ogoloow in ilmuhu ku socdo ama ku guurguurto meelo kala duwan sida cawska banaanka guriga, kaarbetka ama mushamaca iyo sagxada guriga.
- La sheekayso ilmaha ama u tilmaan ashyaada iyo dadka. Mararka qaar tus sawiro dad ama xayawaan si ilmuhu dareenkooda uga muujiyaan. Sidoo kale, u dhiib buug ay baalashiisa rogi karaan ama boombalooyin ay rasayn karaan.
- Ku dhiirigali ilmaha inay bilaabaan inay noloshooda ku filaadaan sida labiska, cunto cunista iyo isku diyaarinta jiifka.
- Maadaama uu ilmuhu socod bilaabay u gali sharabaado dun ka samaysan iyo joog kabo ah oo le’eg marka bannaanka loo saarayo. Laakiin, ku adkayso marka ilmuhu guriga joogo inuu caga-cadaado si cagta ilmuhu u barato inay miisaamanto.