Billahaan ilmuhu aad bay u korayaan xag jir ama xagga maskaxdaba. Jir ahaan carruurta da’doodu gaarto 15 billood jir waxay ku mashquulsan yihiin dunida ay ku cusub yihiin inay daah-furaan oo ay koraan, riixaan, furfuraan shay kasta oo ay haleelaan, oo xitaa mararka qaar goddodka korantada farta galiyaan. Xilligaan carruurta qorshaha uguma jirtaba inay cabsadaan, oo waxaa Soomaalidu tiraahdaa ilmuhu wuxuu noqday “abeeso-xanbaar”, oo macnaheedu yahay xitaa haddii uu la kulmo abeeso afka soo kala haysa waa xanbaarsanayaa.
Sidoo kale, xilligaan ilmuhu waxay ku jiraan xilli maskaxdoodu doonayso inay waxkasta ogaadaan(curiosity).
Waalidiintu xilligaan waxay dareemaan labo darran mid dooro ah inay ilmaha siiyaan madax-banaani buuxda oo ay guriga ku mushaaxaan iyo inay caabiyaan suuraha ilmaha oo ka xanaaqaya haddii laga hortago doonistiisa. Muhiimada xilligaan waa in la isku wado labada hawloodba oo ilmaha amaankoodana la dhawro lana siiyo fursad ay wax ku daah-furaan.
Ilmaha gaaray 15 billood jir hadda si fiican bay u socon karaan, waxay awoodaan inay jaranjarta guriga fuulaan iyagoo xamaaranaya. Waxay hadda isticmaali karaan ilaa 5 eray oo luuqada hooyada iyo aabuhu ku hadlaan, laakiin waxay awoodaan inay fahmaan amarada fud-fudud sida “Kaalay” oo kale.
Callaamado kale oo heerarka korriinka ilmaha 15 billood jirka ah:
- Ilmuhu wuu is-quudin karaa isagoo isticmaalaya gacmihiisa iyo farihiisa
- Haddii muraayad la hordhigo wuu garan karaa muuqaalkiisa
- Wuxuu baari karaa ashyaada laga qariyay sida boombalooyinka
- Wuxuu ilmuhu tilmaami karaa ugu yaraan labo ka mid ah xubnaha jirkiisa
Carruurta 15 billod jirka ahi waxay u baahan yihiin in loo cadayo ugu yaraan labo jeer maalintii. Waxaa la isticmaali karaa cadaygeenii ama cadayga caagga ah ee ilmaha. Carruurtu waxay u baahan yihiin in qadar yar oo Fluoride ah loogu cadayo. Cabitaanka sonkorta badan iyo nacnaca waxay waxyeeleeyaan ilka-caanoodka ilmaha, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in aad loo yareeyo isticmaalkooda si aysan ilkaha ilmuhu u suusin.
Ilmaha xilligaan waa caadi inay ku dhacaan cudurada neef-mareenka sida hargabka, caabuqa dhegaha, iyo gododka sanka.
Tallooyinka carruurta 15 billood jirka ah
- Ilmaha yari marka uu sameeyo wanaag u muuji amaanid, dhiirigalin iyo jacayl
- Ha garaacin hana canaanan ilmaha haddii ay wax haleeyaan xilligaan, ka fakar oo kaliya amaankooda
- Edbinta carruurtu waa inay joogto noqotaa iyadoo la isticmaalyo hab naxariiseed oo jacayl wata. Carruurtu haddii ay la yimaadaan suure iyo dhib waxba ha cinqaabin oo is-dhaafi.
- Xilligaan yaree ilmaha inaad ku maaweelisid TVga.
- Xilliga qoysku cuntada cunayo ilmaha ku dhiirigali inuu isagu naftisa quudiyo. Waxaa laga yaabaa inuu miiska ama gogosha wax lagu cunayo haleeyo, laakiin taasi waa tababar wanaagsan oo isku-filaansho ah.
- Xaqiiji in ilmaha cuntada uu cunayo ay aad u jarjaran tahay si uusan ugu sixan ama cuntadu dhuunta u joogsan.
- Haddii ilmuhu masaasad isticmaalayo waa xilligii laga fakari lahaa sidii looga goyn lahaa.
- Ka taxadar bacaha iyo baluuniska, waayo waxaa laga yaabaa in ilmuhu madaxa intuu gashado uu ku neef-qabatimo.