Saturday, September 30
Shadow

18 Billood jir

Gabadhaada ama wiilkaagu hadda waa soconayaa oo waa ka gudbay heerkii guurguurashada. Ilmaha ah 18 billood jir waxay galeen waji cusub oo ay kaga gudbeen heerka fadhiga iyo guurguurashada oo ay u gudbeen heerka socodka iyo orodka. Carruurtu xilligaan waxay lumiyaan calaamadihii carruurnimada sida bucbucnimadii iyo camankii buur-buurnaa. Waxay carruurtu yeeshaan waji dhuuban iyo jir dhuubnaan xiga. Miisaanka iyo culayska ilmuhu sidii 12kii billood ee hore xawaare kuma socdo,  laakiin si degan ayuu u kobcaa.

Ilmo socday, fuulaya oo ordaya oo ka baxay heerkii guurguurshada
Ilmo socday, fuulaya oo ordaya oo ka baxay heerkii guurguurshada

Ilmuhu hadda waxay ka shaqaysiin karaan faraha iyo calaacasha oo ay awoodaa inay gacanta wax ku qabsan karaan sida qaadada cuntada oo ay qabsan karaan. Imika qaado-wax-ku-cunnida ilmaha natiijo fiican ma leh inay gogosha iyo miiska cuntada ku haleeyaan mooyee. Waxay kaloo gacantoodu awoodaa inay buugga baalashiisa hal hal u rogi karaan.

Xilligaan waxaa la filan karaa qaar ka mid ah ilmaha inay u soo baxaan gowskii iyo micigii ugu horeeyay ee ilko-caanoodka. Hadda waxaa istaagta hurdadii barqo-seexadka,  laakiin weli ilmuhu wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 13 saac oo hurdo 24kii saacadoodba. Dhinaca caqliga iyo horumarka maskaxda ilmaha 18 billood  jir ah waxay dareemaan inay yihiin qof gaar ah oo ka duwan dadka kale. Waxay carruurtaani dareemaan cabsida keenta inay ka qalloodaan dadka aysan aqoon. Marxaladaan ilmuhu waxay noqdaan kuwa daah-furka jecel oo raba inay wax kasta oo u dhaw ay ogaadaan waxa ay yihiin.

Cunnugu hadda wuxuu aad u fahmi karaa luuqada waalidkiis kula hadlayaan marka loo fiiriyo inuu ka jawaabo celiyo. Waxay carruurtu ku hadlaan luuqad u gaar ah ilmaha yar oo aan la fahmi karin. Waxay awoodaan in haddii la waydiiyo inuu tilmaamo qayb jirkiisa ka mid ah inuu farta ku fiiqo.

Tallooyinka bishaan ilmaha 18 billood jirka ah

  • Ugu dadaal amaanta iyo dhiirigalinta marka ilmuhu sameeyaan wax fiican
  • Ha cinqaabin ama ha canaanan ilmaha haddii ay wax haleeyaan ama khalad sameeyaan. U sheeg kaliya oo kaliya inaysan waxaas fiicnayn.
  • Xilligaan ilmuhu waxay doonayaan xornimo badan,  sidaas awgeed waxay la yimaadaan mucaaradnimo iyo gardaro badan. Mararka qaar waxay la yimaadaan inay carruurta ka waawayn qaniinaan ama dharbaaxaan marka shaygooda ay ka qaataan.
  • Xilligaan carruurtu way soconayaan waana ordayaan waxaa wanaagsan in la sugo amaanka guud ee guriga sida albaabada oo la xiro,  jikada oo ilmaha laga ilaaliyo,  gododka korantada oo amaan loo yeelo iyo waraha biyaha iyo meelaha lagu dabaasho oo laga ilaaliyo ilmaha inay u dhawaadaan.
  • Ugu yaraan labo jeer ilmaha maalintii ilkaha u caday adigoo isticmaalaya xaddi yar oo daawada ilkaha lagu cadaydo ah. Ka jooji sidoo kale in ilmuhu gogosha jiifka ay masaasad caano iyo cabitaan ku jiro la koraan oo ay markaas ku gam’aan waayo sonkorta ku jirta cabitaanka ayaa ku keenta ilkaha ilmaha inay bololaan.
  • Waqtigaan waa xilligii laga fakari lahaa in ilmaha laga jaro masaasada oo la bari lahaa inay koob wax ku cabaan.
  • Ogoow wax ka sta oo guriga yaal ilmaha sun ayay u noqon karaan. Dhamaan daawooyinka iyo sumaha u samee khaanado meel kore ku yaal oo aysan gaari karin ilmuhu.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: