Waa haggaag! waxaad ka soo gudubtay hawshii adkayd ee labadii bilood ee la soo dhaafay. Ilmuhu wuxuu soo gaaray heer korriin oo cusub oo ah labo billood jir ah. Laakiin, weli wuu yar yahay ilmuhu oo weli howshii inteedii badnayd way ku hortaal.
Xilligaan ilmuhu caadiyan waxay indhaha la raacaan ilayska dhalaalaya, waxay in badan ku dhaygagaan wajiga waalidka markaa dhabta ku haya. Dhallaanku waxay dhegaha u jeediyaan meesha sharqan cusubi ka soo yeerto. Waxay ka bardadaan sharqan ama jug wayn oo ay dareemaan dhegahoodu.
Haddii ilmaha loo seexiyo callool-callool cabaar ayay madaxooda kor u hayaan. Waxay dhinacyada u dhaqaajin karaan qoorta. Marka kor loo qaado ilmaha waxay celin karaan madaxooda wax yar isagoo ruxmanaya. U kaadi weli ma gaarin heer uu madaxiisa si siman oo miisaaman u hayn karo. Lugaha iyo gacmaha ayay dhinacyada iyo horay iyo gadaal u dhaqaajiyaan.
Quudinta bishaan waxaad dareemaysaa in baahi ku soo biirto ilmaha, waayo waa xilli ilmuhu aad u korayo. Miisaanka ilmaha asbuucii 150-200gr ayaa ku darmada. Sii fursad uu ilmuhu ugu tababarmayo inuu dalbado in la quudiyo. Haddii aad naaska nuujiso waa markii hal mar labada naasba la siin lahaa. Weli cunnugaagu wuxuu u baahan yahay quudinta habeenkii, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ilmuhu seexdo 4-5 saac oo xiriir ah.
Isha ku hay bishaan hurdada dhallaanka waayo waxaa laga yaabaa inay is badasho jidwalka hurdada. maalinwaynta waxay inta badan hurdaan 1-3 saac markiiba. Carruurta caafimaadka qabtaa hadda 24kii saac waxay hurdaan 10-18 saac.
Oohinta ilmaha 2da billood jirta aad bay u korortaa, taas oo ku keenta waalidiintu inay ka welwelaan caafimaadka ilmaha yar. Waxaa jira sababo badan oo loo aaneeyo kororka oohinta marka xitaa lala kulmay baahida ilmaha. Habdhiska neerfayaasha maskaxda iyo dareenka oo qaan-gaaraya ayaa la aaminsan yahay inuu dirayo fariimo ilmaha ku keena maskax-ka-daal ama ilmuhu wuxuu rabaa in la koolkooliyo oo la welwel-tiro.
Bishaan waa bisha uu bilaabmo tallaalka carruurta ka difaaca cudurada dillaaga ah ee laaya carruurta 5ta sanno ka yar. Gee ilmaha MCHka ama isbitaalka si loo qiimeeyo koritaanka loona siiyo tallaalka iyo jidwalka tallaalka ilmaha.