Tuesday, March 19
Shadow

Month: October 2013

Faruurnaanta

Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Faruurnaanta waa dhacdo caafimaad oo ilmaha inta ay uurka ku jiraan timaada,  ayna ku dhashaan iyadoo bishinta kore ama dhab-xanagu ay ka muuqato isku imaatin la'aan ay jeexnaani ka muuqato. Cunugaaga bishimihiisu waxay askunmaan asbuuca shanaad ee uurka,  halka dhabxanaga uu samaysmo asbuuca labo iyo tobnaad ee uurka hooyada. Nudayaasha bishimaha iyo dhab-xanagu si isle'eg ayay labo jiho isaga yimaadaan si dhexda ay ugu kulmaan nuduyaashu oo ay u samaysanto bishin ama dhab-xanag dhamaystiran.   Faruurnaantu waxay dhacdaa marka nudayaashu isku imaan waayaan oo markaas ay samaysanto dhanbalnaan oo u dhexeysa bishintii ama dhabxanagii. Sida bulshooyinka kale ee dunida carruur badan oo Soomaali ah ayaa ku dhalata faruurnaanta. Waxaa jira sheeko-baraley badan oo Soomaalidu ka qabto marka...

Xabeebta

Calaamadaha
Xabeebta waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa hoarseness,  waxaana ay timaadaa marka caabuq ku dhaco santuukha codka ama Larynx. Santuukha codka(voice box) waxa uu ku yaalaa waxyar meel ka horaysa hunguriga cad(Trachea) oo ah tuubada ay hawadu marto. Santuukha codku wuxuu ka kooban yahay labo muruq oo lagu magacaabo vocal cords ama carabyada hadalka. Marka qofku neefsanayo labada muruq ee carabyada hadalku way furmaan si hawada u socota sanbabadu ay u gudubto. Marka qofku rabo inuu hadlo ayay labada carrab isku yimaadaan, isla markaas ayaa hawada kaarboonka ah ee ka soo noqota sanbabada waxay ku dhexmartaa si ciriiri ah labada carrab-hadaleed. Waxaa halkaas ka samaysma gariir ay sameeyaan murqaha santuukha hadalku. Sharqanta ka timaada gariirkaas ayaa hunguriga ka soo baxda oo ka si...

Indho-habeeno

Indhaha
Calaamadaan caafimaad ee indho-habeeno ama Night blindness wuxuu ku dhacaa dadka waawayn iyo carruurtaba. Waxay indho-habeeno timaadaa marka qofku xilliga mugdiga ah sida habeenkii uu si quman wax u arki waayo amaba gorayooy gabal kuu dhac uu noqdo. Marka ilmuhu jooggaan meel iftiin leh ama maalin wayntaba aragtidu waa mid caadi ah,  laakiin haddii gabalku dhaco ayay timaadaa indho-habeeno. Indho-habeenadu sideedaba ma ahan cuddur,  laakiin waa calaamad soo baxda marka ay jirto cuddur ama jirro qarsoon oo qofka haysa. Waxay dhibtaan ka dhacdaa qaybta retiinaha isha oo si fiican u shaqayn wayday sababo badan awgood. Carruurta yar yar ee ay haleesho indho-habeenadu waxay ka cabsadaan inay socdaan waqtiga mugdigu jiro ama habeenkii ah. Waxay neceb yihiin in habeenkii qolka ay jiifaan na...

FUUQ-BAXA

Calaamadaha
Fuuq-baxa waxaa luuqada caafimaad  lagu yiraahdaa Dehydration oo macnaheedu yahay marka jirka uu ku yaraado dheecaanka ama biyahu. Culayska jirka carruurta waxaa  lagu qiyaasaa in 70% ay yihiin biyaha jirka ku jira. Sida caadiga ah qofka aadamiga ah wuxuu lumiyaa biyaha jirka ku jira marka uu kaadinayo, saxaroonayo iyo marka uu dhididayo. Waxaa kale oo biyaha jirka lagu lumiyaa marka maqaarka jirka biyuhu si uumi-bax ah uga baxaan iyo marka dadku neefsanayaan oo hawada ay raacaan biyo si uumibixid ah jirka uga baxa. Biyaha iyo macdanaha jirka sida dabiiciga ah uga baxa waxay jirka ku soo noqdaan marka dadku cabaan dareere ama cunto cunaan oo ay helaan biyuhii jirku u baahnaa iyo cusbooyinka muhiimka u ah shaqada jirka. Si kastaba ha ahaatee, carruurta yar yar marka ay shubmaan,...