Saturday, September 30
Shadow

Month: March 2014

HURDADA IYO CARRUURTA

HURDADA IYO CARRUURTA

Ababinta
Hurdadu waa baahi muhiim ah oo u wanaagsan caafimaadka iyo korriinka ilmaha. Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha.  Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti waafi ah seexda.   Baahida hurdada iyo carruurta way kala duwanaan karaan qof qof ahaan. Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa shaxda sida caamka ah ilmuhu hurdo u baahan yihiin. Da’da ilmaha Saacadaha hurdo ee uu u baahan yahay 0 ilaa 2 bilood 11-18 saacadood 2 Bilood ilaa 12 bilood 14-15 saacadood 1 ilaa 3 sanno jir 12-14 saacadood 3 ilaa 5 sanno jir 11-13 saacadood 5 ilaa 12 sanno jir 10-11 saacadood   ...
DHAAWACA MADAXA

DHAAWACA MADAXA

Calaamadaha
   Carruurtu way ciyaarayaan, way boodboodayaan, way ordayaan. Waxay tijaabinayaan wax kasta ama shay kasta oo ay nolosha kula kulmaan. Markaa waxaa soo gaari kara shilal aysan qiyaasayn. Sidoo kale, waxay isku gaysan karaan dhaawacyo. Meelaha ugu khatarsan oo dhaawacuadu ka soo gaari karaan waxaa ka mid ah madaxa oo jug ama dhaawac ka gaari karo. Halkaan hadda waxaan doonaynaa inaan waalidiinta tusno hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada ilmaha madaxa ka soo gaara. Tilmaanta ugu horaysaa waa haddii cunugaaga jug ama dhaawac madaxa ka gaaray ula carar isbitaalka iyo dhaqtarka. Dhaawacyada madaxa carruurta ka soo gaara waxaa loo kala saaraa labo nooc : Dhaawac banaanka ah:  oo ah dhaawac fudud oo madaxa gaara, inta badan jugtu ma gaarto maskaxda. Waxaa imaa...

CAABUQA MITAJIIDADA

Dheef-shiidka
Xubin ahaan naaska mitajiidadu(Appendix) wuxuu ku yaalaa halka ay ku kulmaan mindhicirka wayn iyo mindhicirka yar. Waa tuubo yar oo khafiif ah oo dhererkeedu yahay 4 inch oo ka laalaada halka uu ku dhamaado mindhicirka wayn. Caadiyan mitajiidadu waxay fadhidaa qaybta midig hoose ee uur-ku-jirta. Shaqada ay qabato mitajiidadu ilaa hadda lama yaqaan. Qaar saynisyahanadu waxay aaminsan yihiin in ay u dhaqanto sidii kayd baakteeriyada dheefshiidka ka qaybqaadata oo marka qofka shuban ku dhaco dib looga soo saaro baakteeriyada saaxiibka ah. Qaar kale khubaradu waxay aaminsan yihiin inay xubintaani tahay mid aan waxtar lahayn oo ka hartay samayskii awaliga ahaa ee mindhicirada. Hal mid baa la isku raacsan yahay oo ah in mitajiidada la’aanteed la noolaan karo. Haddii laga jaro qofka wax dhibaa...