Friday, April 19
Shadow

21 Billood jir

Wiilkaaga ama gabadhaadu waxaa u soo bidhaamaya xaflada iyo dabaaldega sanad-guuradii labaad ee markii ilmahaagu dhashay. Si kalsooni leh ayuu hadda ilmagaau u socon karaa, u fuuli karaa qalabka guriga yaal sida kuraasta fadhiga. Waxay riixaan oo jiidjiidaan wax kasta oo ay awoodaan sida boombalooyinka, handaraabyada guriga oo ay furaan oo xiraan.  Carruurta da’doodu u dhaxayso 19 billood jir ilaa 21 billood jir waxay bilaabeen mar horaba inay gartaan inay yihiin qof gaara oo xor ah.

Waxay carruurtu markay marxaladaan soo gaaraan bilaabaan suuraha oo ah dabeecad xoriyad-doon ah oo ay ku muujinayaan in loo yeelo waxay madaxooda ka damcaan. Waxay carruurta qaar bilaabaan qaylo, oohin badan, inay wax laadaan ama wax qaniinaan haddii aan loo samayn ama la siin waxa ay doonayaan.  Dhibtaan suuraha waxaa la sheegaa inay inta badan bilaabato sannadka labaad ilaa sanadka afraad marka ilmuhu jiro.

Tallooyinka ilmaha 21 billood jirka ah

  • U samee jidwal xannaanada ilmaha,  tusaale ahaan xilli mucayin ah ama maalin walba xilligaas oo kale sii ilmaha cuntada ama sarriirta jiifka gee.
  • Maadaama ilmuhu aad u dhaqdhaqaaqayo ka dhig gurigaaga mid amaan u ah ilmaha. Xir ama ka durji ilmaha meel kasta ama shay kasta oo khatar kaga imaan karto.
  • Haddii ilmuhu la soo baxo calaamadaha suuraha is deji oo dulqaad u yeelo dabeecada ilmaha. Habka ugu fiican oo loo xaliyo ilmo suuraysan waa iyada oo lala jooggo ilmaha isla markaana la iska khaafiyo ilaa xanaaqa iyo suuraha ilmuhu iskiis u tagayo.
  • Haddii ilmuhu la yimaado oohin iyo suure isla socda sida ugu wanaagsan oo loo xallin karo waa iyadoo ilmaha kor loo qaado oo garabka ama xabbadka lagu qaado.
  • Ilmaha yar yar ha garaacin ama ha niyadjabin haddii ay wax haleeyaan waayo waa kuwo wax kasta tijaabinaya oo baranaya wax walba sida ay yihiin iyo waxa ka imaan kara.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: