Saturday, September 30
Shadow

3 billood jir

Cunnugaaga 3 billood jir ahi mar hore ayuu bilaabay dhaqdhaqaaqa uu rabo inuu ku socdo. Maadaama murqaha luqunta iyo qaarka hore ay koreen hadda cunnugaagu wuxuu isku dayayaa inuu dhinacyada u galgasho isaga oo is rog-rogaya,  waayo waxaa qaangaaray murqaha miskaha iyo kala-goysyada oo u sahlaya inuu is rog-rogo. Waa marka ilmuhu bilaabaan inay gacmaha iyo lugaha ruxaan oo wax laadaan.

Bishaan ilmuhu aad buu u xoogaysanayaa. Waxay awoodaan carruurtu inay dhawr daqiiqo madaxa kor u hayaan marka ay calloosha u jiifaan. Hadda waxaad siin kartaa dhiirigalin adiga oo ilmaha hor fariisanaya dabadeedna hor dhigaya boombalo bal inay u soo siqaan boombalada.

Moha

Bisha sadexaad ee cimriga ilmaha waxaa aad u qaangaaraya habdhiska neerfayaasha. Caloosha ilmuhu waxay qaadi kartaa caano badan oo macnaheedu yahay ilmuhu waxay hurdi karaan ilaa lix saac iyada oo aan la quudin. Taasi waxay farxad u tahay waalidiintii sadexdii bilood ee la soo dhaafay hurdo la’aantu ku dhacday.

Sidoo kale, hadda waxaa la soo gaaray markay bilaabaan hadaaqa,  markaa waalidiintu waa inay ku bilaabaan inay ilmuhu helaan  xirfada barashada  luuqada hooyo. Macnuhu waxa weeye in ilmaha la bilaabo hadda in lala sheekaysto oo lala hadlo maalintii oo dhan. Meeshii uu ooyi lahaa ilmuhu hadda waxay bilaabaan inay waalidiintood kula xiriiraan hab kale oo ah inay hadaaqaan oo erayo yar yar ku tiraabaan.

Horumarka bisha sadexaad

Koritaanka carruurtu waa kala duwan yahay oo ilmo kasta kan kale waa ka duwanaan karaa. Markaa haka welwelin haddii ilmahaagu uusan gaarin calaamadaha hoos ku qoran, gaar ahaan haddii ilmuhu ahaa mid aan bilo dhamaysan intii uu uurka ku jiray. Si kastaba ha ahaatee ilmaha 3da bilood jira ee aan horumaradaan samayn waa in la tusaa dhaqtarkiisa.

  • Ilmaha yari wuxuu ka jawaaba sharqanta
  • Wuxuu isha la raacaa ashyaada iyo dadka
  • Wuu dhoolo-cadeeyaa
  • Waxay gacanta la gaaraan ashyaada hortaala.
  • Waxay awoodaan inay dhawr daqiiqo madaxooda miisaamaan isagoon dhinac u liicin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: