Saturday, September 30
Shadow

5 Billood jir

Bisha shanaad ee cumriga ilmaha waxaa lagu tilmaamaa bishii fadhiga. Ugu yaraan bishaan cunnugaagu wuxuu awoodaa inuu fariisto isagoo kaalmo ka helaya marka barkimo dhinacyada lagaga tiiriyo. Sidoo kale, wuxuu awoodaa inuu xukumo madaxiisa ilaa xad.

Waxaa suuragal ah in dhallaanka yar yari xilligaan magacooda yaqaanaan,  oo marka magacooda loogu yeero ku soo eegaan iyaga oo dhoolo-cadayn kuugu jawaabaya.
Dhallaanku waxay gaaraan inay siday doonaan isku rogaan. Waxaa dareemaysaa marka uu is rogayo inuu ka shaqaysiinayo lugaha iyo gacmaha. Wuxuu ilmuhu u diyaargaroobayaa inuu guurguurto isagoo isticmaalaya afartiisa addinba. Guurguurashada dhabta ah waxaa laga yaabaa inay bilaabato bisha lixaad ama todobaad.

2012-12-11 23.16.12

Bishaan waxaa kale oo laga yaabaa in ilmaha ay u soo baxaan ilkiha  ugu horeeya ee la yiraahdo ilko-caanoodka. Caadiyan carruurta waxay ilkaha ugu horeeyaa u soo baxaan inta u dhexaysa bisha afraad iyo bisha todobaad. Carruurta qaar madax fudud bishaan horayba way ugu soo baxaan ilka-caanoodku.

Bisha shanaad ilmuhu wuxuu khabiir ku noqdaa wax qabsashada oo waxaad arkaysaa inuu si dhab ah uu cunnugu shay u qabsanayo, ugu dhaygagayo, u darsayo,  dabadeedna uu gacanta kale si xirfadaysan ugu wareejinayo. Qaar carruurta ka mid ahi waxay awoodaan inay masaasada caanaha gacantooda ku qabsadaan.

Inta badan ilmaha shanta billood jiraa waxay seexdaan habbeenkii inta badan. Hooyooyinka waa inay carruurta u tababaraan in carruurta jidwalka hurdada bartaan. Waxaa la samayn karaa in ilmaha habeenkii loogu tirtiro biyo qandac ah, dabadeed la koolkooliyo oo loo heeso ilaa aakhirka uu hurdo la dhaco.

Talooyinka bisha Shanaad

  • Ka furfur xargaha moobaylada iyo fiilooyinka sarriirta ilmaha waxaa laga yaabaa in ilmuhu taagsado oo soo jiito.
  • Maadaama xilligii guurguurashada uu soo dhaw yahay ka hagaaji gurigaaga waxyaalaha khatarta ku ah carruurta sida in kaawiyad ama feero, tarmuuska biyaha kulul ku jiraan la saaro meel ka saraysa sarriirta ilmaha.
  • dabool oo amaan u samee meelaha godadka korontada ilmuhu faraha la gali karaan ama waayirada soo jiidi karaan.
  • Maadaama carruurtu galgalasho bilowday haku dahaarin buste iyo go’ culus marka ay jiifaan,  waayo waxaa laga yaabaa inay intay is rogaan ay ku neef-qabatoomaan.
  • Waxaa lagu jiraa bilihii tallaalka ilmaha ee hubi inaad tallaasho ilmaha
  • U dhiib ilmaha boombalooyinka ay ku ciyaari karaan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: