Sunday, October 1
Shadow

6 Billood jir

Hambalyo!  Waxaa ilmahaagu soo gaaray bartamihii ama nuskii ugu horeeyay ee cimriga ilmahaaga sannadka ugu horeeya. Waqtigaan dhallaanka lixda billood jiraa way fariisan karaan inkastoo ay dhinac u guddoomi karaan wax yar kadib, waxay bilaabeen inay cunaan cuntada adag, waxay muujinayaan iligii ugu horeeyay ee curidkiisa dulaakhnaa ka soo baxa. Ilkaha ugu horeeya ee ilmaha u soo baxa waa ilkaha hoose ee dhexda ku yaal daanka hoose.

Ilmo bilaabay inuu guurguurto

Jir ahaan, lixda billood ilmaha jiraa waxay awoodaan inay dhinacyada isku rogaan. Waxay u durkaan horay iyo gadaalba iyagoo isticmaalaya afarta addinba. Caadiyaan ilmuhu hadda waxay bilaabaan inay guurguurtaan. Guurguurashada sida xawaaraha ah leh waxay bilaabataa bisha todobaad ama sideedaad.

Haddii aad isku daydo inaad ilmaha lugaha ku istaajiso adiga oo haya qaarka hore ama gacmahaba, ilmuhu wuxuu dareemayaa inuu lugaha dhulka ama ku dhejiyo ama kala soo boodo. habkaasi waa jimicsi aad u fiican oo carruurtu jeceshahay,  oo sahlaya murqaha lugaha iyo seeduhu inay u tababarmaan in aakhirka ilmuhu socdo.

Bisha lixaad waa bisha ilmuhu wax kasta oo gacantooda ay qabato ay afka galiyaan. Hooyooyinka Soomaaliyeed waa marka carruurta ay ugu yeeraan Abeeso-xanbaar,  waayo ilmuhu wixii gacantiisu gaartaba wuu xanbaartaa. Waalidiintu waa in aysan welwelin in marka ilmuhu afka shay qalaad galiyo,  waayo waa marka ilmuhu dareemo in dheefshiidkiisu diyaar yahay oo ay tahay inuu cuno cuntada adag.

Waxaa muhiim ah in agagaarka ilmaha laga ilaaliyo ashyaada ilmuhu liqi karo ama khatarta ku ah sida sunta iyo bacaha ilmuhu ku neef-qabatoobaan. Waalidiintu waa inay hubiyaan in boonbalooyinka ilmaha lagu ciyaarsiinayo ay  nadiif yihiin.

Xagga cuntada adag ilmuhu inta badan nafaqada waxuu ka helaa caanaha naaska ama Caanaha la diyaariyay ee carruurta,  laakiin wuxuu u baahan yahay in loo diyaariyo cunto-cunista.

Caanaha naaska waxaa hadda ku yaraada maadada birta ama iron waana sababta ilmaha cuntada lagu bilaabo laga dhigo bariis lagu laray bir. Cabitaanada qudaarta ee ay ku jiraan Vitamin C waxay caawiyaan dheefsiga birta.  Haka welwelin in ilmuhu intii loo baahnaa oo cunto ah cunay, hana ku qasbin cunto uu ilmuhu diiday oo uu soo tufay.

Ilmaha yari maalintii wuxuu u baahan yahay saddex xilli oo hurdo ah 1-3 saac markiiba. Sidoo kale, habbeenkii ilmaha caadiga ah waxay seexdaan 10 saac.

Xirfada luuqadeed ee ilmuhu hadda aad buu u korayaa. dhallaanku hada waxay jecel yihiin inay ku celceliyaan erayada ay ka maqlaan hooyadood ama waalidiintood.

Bishaan lixaad sida qaalibka ah ilmuhu waxay marayaan wareegii sadexaad ee tallaalka cudurada dilaaga ah. U sii wad tallaalka ilmaha oo ka qaado Isbitaalka aakhirka shahaadada tallaalka.

Waxaa laga yaabaa bishaan in ilmuhu hargabkii ugu horeeyay qaado. Waalidiintu way welwelaan markay arkaan ilmaha yar oo qufacaya ama hindhisaya amaba xumadaysan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: