Thursday, July 2
Shadow

Author: admin

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

Cuddurada dilaaga ah, Uncategorized
WAA MAXAY CUDURKA CORONA VIRUS . Corona fayrus waa nooc cusub oo ah noocyada fayrasyada ah ee Corona Viruses. Cudurkaan uu keeno Corona fayraska cusub markii ugu horaysay waxaa laga ogaaday gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Hay'ada Caafimaadka ee Adduunka ayaa u bixisay Corona Virus Disease 2019 ama cudurka fayruska karoona ee soo baxay 2019. Waxaa loo soo gaabshaa COVID-19. COVID-19 waa nooc cusub oo la qoys ah noocyo kale oo Corona Virus ah oo dunidu hore u taqaanay sida kuwo hargab ama nooca SARS la yiraahdo keena. Iyada oo tirada dadka uu cuddurku ku dhacayo dunida ay sii kordhayso ayaa waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin sidii ay carruurtooda kaga badbaadin lahaayeen in cuddurku ku dhaco, Laakiin arrin laab-qaboojin u ah waalidiinta ayaa jirta: in cuddurku ilaa hadda carruurta u ladi...
QAROWGA ILMAHA

QAROWGA ILMAHA

Ababinta
Soomaali ahaan erayga qarowga waxaa lagu macneeyaa riyo naxdin leh oo qofku hurdada kala soo bardado.  Carruurta yar yar qarowgu aad buu ugu badan yahay,  gaar ahaan kuwa jira 3-6 sanno.   Xilligaani waa marka ay carruurtu dareemaan cabsida iyo dunida inay jooggaan waxyaalo khatar galin gara naftooda. Sidaas awgeed, qarowga ilmaha iyo riyooyinka naxdinta lihi waa qayb ka mid ah korriinka maskaxda,  oo ay tahay in ilmo kastaa maro ee ma ahan cillad maskaxeed ama fulaynimo gaar ku ah ilmaha qarwa. Maxaa sababa qarowga carruurta Sababta saxda ah iyo habka uu u dhaco qarowga ama riyada naxdinta leh ilaa hadda lama oga.   Si kastaba ha ahaatee, waxyaalaha ugu badan ee sababi kara qarowga ilmaha waxaa ka mid ah ilmaha oo daalanaa, welwelka, reerka oo ka soo guuray guri...
SUUL-NUUGISTA

SUUL-NUUGISTA

Ababinta
Soomaalidu naynaas-bixinta dhib kalama kulmaan waayo markiiba qaabka,  iinta jirka ama dabeecada qofka ayay ka dhiraandhiriyaan markay qof naynaasayaan. Waxaan aqaan nin aabihiis la yiraahdo “Fara-nuug”.   Naynaastaasi sharaxaad uma baahna siday ku timid oo waa cadahay. Waa iyadoo Faranuug markii uu yaraa faraha ama suulka nuugi jiray. Nuugista faraha ama suulka waxay soo bilaabataa inta ilmuhu uurka ku jiro oo uu isku maaweeliyo. Suul-nuugistu waa dabeecad qaar ka mid ah ilmuhu u isticmaalaan inay isku mashquuliyaan marka ay daalan yihiin, marka ay hurdo soo hayso, marka ay jiran yihiin, marka ay xiiso-dhacsan yihiin iyo marka ay walwalsan yihiin. Sida khubaradu isku raacsan tahay Suul-nuugista wax dhib ah ilmaha uma keento inta ay ka yar yihiin shanta sanno.  Sid
XAFIILTANKA WALAALAHA

XAFIILTANKA WALAALAHA

Ababinta
Haddii aad carruur leedahay waad garan kartaa sida mararka qaarkood ay u dhib badan tahay sidii gurigaaga ama reerkaaga aad u joogtayn lahayd nabadayntiisa.  Hal daqiiqo carruurtaadu waa heshiis oo si wanaagsan bay u wada macaamilmayaan ,  daqiiqada ku xigtana waxaad arkaysaa iyadoo midiba midka kale luqunta ugu jira. Waa dabiici in carruurta walaalaha ah loolamaan ama xafiiltamaan inta ay ka korayaan oo dhan,  waayo waa qayb ka mid ah korriinka.  Laakiin,  waxaa muhiim ah in waalidiintu xirfad ahaan yaqaanaan goorta ay tahay inay faragalin sameeyaan si ay u xaliyaan khilaafaadka carruurta. Xafiiltanka walaalaha  caadiyan wuxuu ka bilowdaa tartanka carruurtu u galaan xubiga iyo xushmada waalidkood u hayaan. Carruurtu waxay isku muujiyaan hinaase  iyo ta...
HURDADA IYO CARRUURTA

HURDADA IYO CARRUURTA

Ababinta
Hurdadu waa baahi muhiim ah oo u wanaagsan caafimaadka iyo korriinka ilmaha. Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha.  Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti waafi ah seexda.   Baahida hurdada iyo carruurta way kala duwanaan karaan qof qof ahaan. Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa shaxda sida caamka ah ilmuhu hurdo u baahan yihiin. Da’da ilmaha Saacadaha hurdo ee uu u baahan yahay 0 ilaa 2 bilood 11-18 saacadood 2 Bilood ilaa 12 bilood 14-15 saacadood 1 ilaa 3 sanno jir 12-14 saacadood 3 ilaa 5 sanno jir 11-13 saacadood 5 ilaa 12 sanno jir 10-11 saacadood  
DHAAWACA MADAXA

DHAAWACA MADAXA

Calaamadaha
   Carruurtu way ciyaarayaan, way boodboodayaan, way ordayaan. Waxay tijaabinayaan wax kasta ama shay kasta oo ay nolosha kula kulmaan. Markaa waxaa soo gaari kara shilal aysan qiyaasayn. Sidoo kale, waxay isku gaysan karaan dhaawacyo. Meelaha ugu khatarsan oo dhaawacuadu ka soo gaari karaan waxaa ka mid ah madaxa oo jug ama dhaawac ka gaari karo. Halkaan hadda waxaan doonaynaa inaan waalidiinta tusno hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada ilmaha madaxa ka soo gaara. Tilmaanta ugu horaysaa waa haddii cunugaaga jug ama dhaawac madaxa ka gaaray ula carar isbitaalka iyo dhaqtarka. Dhaawacyada madaxa carruurta ka soo gaara waxaa loo kala saaraa labo nooc : Dhaawac banaanka ah:  oo ah dhaawac fudud oo madaxa gaara, inta badan jugtu ma gaarto maskaxda. Waxaa imaa...

CAABUQA MITAJIIDADA

Dheef-shiidka
Xubin ahaan naaska mitajiidadu(Appendix) wuxuu ku yaalaa halka ay ku kulmaan mindhicirka wayn iyo mindhicirka yar. Waa tuubo yar oo khafiif ah oo dhererkeedu yahay 4 inch oo ka laalaada halka uu ku dhamaado mindhicirka wayn. Caadiyan mitajiidadu waxay fadhidaa qaybta midig hoose ee uur-ku-jirta. Shaqada ay qabato mitajiidadu ilaa hadda lama yaqaan. Qaar saynisyahanadu waxay aaminsan yihiin in ay u dhaqanto sidii kayd baakteeriyada dheefshiidka ka qaybqaadata oo marka qofka shuban ku dhaco dib looga soo saaro baakteeriyada saaxiibka ah. Qaar kale khubaradu waxay aaminsan yihiin inay xubintaani tahay mid aan waxtar lahayn oo ka hartay samayskii awaliga ahaa ee mindhicirada. Hal mid baa la isku raacsan yahay oo ah in mitajiidada la’aanteed la noolaan karo. Haddii laga jaro qofka wax dhibaa

Bilhaarsiya

Maqaalo Caafimaad
Kaadi-dhiig waa calaamad cuddur. Waa marka ay kaadida dhiig soo raaco. In kaadida dhiig soo raaco waxaa keeni kara cudduro badan oo ay ka midka yihiin infectionka habdhiska kaadi-mareenka,  kansarka iyo Bilharsiyada. Maadaama dadka Soomaaliyeed in badan ka aqoon cudurada kale ayay bilhaarsiyada ula baxeen magaca ah kaadi-dhiig. Kaadi-dhiigga ama bilhaarsiya waxaa keena nooc gooryaan baarasayt ah. Caabuqa noocyada Schistosoma mansoni, S. haematobium, and S. japonicum waxay binu-aadamka ku keenaan xannuuno. Sida ay sheegtay hay’ada Caafimaadka Adduunka in ka badan 200 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa sannad walba uu asiibaa cuddurka bilhaarsiyada ama kaadi-dhiiggu. Sidee lagu qaadaa bilhaarsiyada ama kaadi-dhiigga Caabuqa cuddurkaani wuxuu dhacaa marka maqaarka binu-aadamka ay d

Baabasiirka

Maqaalo Caafimaad
Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig.  Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo. Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa lagu yiraahdaa Hemorrhoids ama Piles. Soomaalidu waxay u taqaanaa magacyo badan oo aan ka xusi karo Baabasiir iyo qoor-maaley. Baabasiirku wuxuu dadka ku keenaa xannuun badan, cuncun badan,  welwel iyo mararka qaarkood dhiigbax. Dadka Soomaalida ahi Qaarkood waxay ka dhigaan baabasiirka calaamad ceeb ah oo hoosta loo sheego marka laga cabanayo. Xaqiiqduse waxay tahay in baabasiirka qofkasta uu leeyahay waayo m

Boog calooleedka

Maqaalo Caafimaad
Boog callooleedka ama gaastariko waa boogo furan oo ku samaysma gidaarada moqorka cuntadu marto ilaa hunguriga madow ilaa mindhicirka yar qaybtiisa hore. Calaamada ugu muhiimsan oo ay nabrahaani dadka ku keenaan waa xannuun badan oo ka imaanaya uurku-jirta. Boog caloodku waxay u qaybsamaan saddex nooc oo kala ah: Boog moqoreed ama gastric ulcer oo ku dhaca caloosha cuntada. Boog hunguriyeed ama Esophageal ulcer oo ku dhacda tuubada ama hunguriga madow oo ay cuntadu sii marto marka ay calloosha u socoto. Boog mindhicireed ama Duodenal ulcer oo ku dhacda qaybta hore ee mindhicirka yar.   Berigii hore waxaa la sheegi jiray sheeko-bareley dhahaysay in gaastarikada ay keenaan cuntooyin suugo basbaas leh,  welwelka  iyo hawlaha faraha badan,  laakiin waxaa dhawaan la og