Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig. Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo.
Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa lagu yiraahdaa Hemorrhoids ama Piles. Soomaalidu waxay u taqaanaa magacyo badan oo aan ka xusi karo Baabasiir iyo qoor-maaley.
Baabasiirku wuxuu dadka ku keenaa xannuun badan, cuncun badan, welwel iyo mararka qaarkood dhiigbax. Dadka Soomaalida ahi Qaarkood waxay ka dhigaan baabasiirka calaamad ceeb ah oo hoosta loo sheego marka laga cabanayo. Xaqiiqduse waxay tahay in baabasiirka qofkasta uu leeyahay waayo ma jiro qof aan ku lahayn xiddido godka dabada iyo malawadka.
Noocyada Baabasiirka
- Baabasiirka banaanka ama External hemorrhoids: Noocani wuxuu ku dhacaa agagaarka godka dabada(Anus). Waxaa la dareemaa xilliyada saxarada haddii docosho jirto. Waxaad mararka qaar dareentaa xiddidada baabasiirka oo dhiiggu ka buuxo oo banaanka u soo baxay, oo aad ama taaban karto ama arki karto. Baabasiirka banaanka mararka qaar xinjir ayaa ku guntanta xiddidada dhexdooda oo la yiraahdo Thrombosis. Xinjirtu waxay keentaa xannuun badan ama dhiigbax, laakiin aad khatar uma ahan oo inta badan asbuuc bay iskeed isaga buskootaa.
- Baabasiirka Gudaha ama Internal Hemorrhoids: Noocan wuxuu ku dhacaa gudaha shishe ee xigta malawadka(Rectum). Noocan ma dareemi kartid mana arki kartid haddii uusan imaan dhiigbax gudaha ka yimid. Inta badan xannuun badan ma laha maadaama ay ku lug leeyihiin neerfayaal shishe. Baabasiirkaani haddii uu wayn yahay waxaa suuragal ah inuu bannaanka usoo baxo.

Maxaa keena Baabasiirka ama Qoor-maleyda
Sababta ugu wayn ee keenta baabasiirka waa calool-qalaylka(Constipation)oo saxarada adagi dhaawacdo xiddidada nugul ee dhiigga ee mara godka dabada iyo malawadka. Marka saxarada adag lagu qasbo inay xoog ku soo baxdo ama la docdo waxaa xoqma gidaarka dabada oo ay ku taxan yihiin xiddidada dhiigga. Caddaadiska fuula xiddidka wuxuu ku keenaa inuu lumiyo laastikadiisa oo markaas dhumucdiisu waynaato oo dhiig ku xayirmo dhumucdii balaaratay ee xiddidka.
Waxyaalaha kale ee sababi kara baabasiirka:
- Shubanka muddo dheer socda
- Cayilka saa’idka ah
- Docosho badan xilliga saxaroodka
- Musqusha oo muddo badan la fadhiyo
- Qaadista culays dheeraad ah.
Calaamadaha lagu garto Baabasiirka
- Xannuun iyo cuncun ka dib marka la saxaroodo
- Fadhiga oo qofka dhiba xannuunka awgiis
- Cuncun agagaarka dabada
- Dhiig soo raaca saxarada
- Dhiigbax haddii ay qarxaan xiddidada moqorada noqday.
- Mararka qaar xiddidada baabasiirka oo dabada ka soo muuqda.
Daawaynta Baabasiirka
Haddii aad isaga shakiso inaad baabasiir qabto booqo dhaqtar baaritaan kugu sameeya oo xaqiijiya inaad qabto baabasiirka. Ha isku dayin inaad u tagto dhaqaatiirka daawo-dhaqameedka. Waxaa jira kuwo sheegta inay gooyaan baabasiirka oo kuu gaysan kara dhib ka wayn dhibta uu kugu hayo baabasiirku. Dabada iyo hareeraheeda waxaa ku yaal shax neerfayaal ah oo xukuma xiritaanka iyo furitaanka malawadka saxarada lagu kaydiyo. Haddii neerfayaashaas qof aan khabiir ku hayn uu jeexjeexo waxaa laga yaabaa inuu gooyo mid ka mid ah neerfayaashaas.
Daawaynta ugu fiican ee baabasiirka waa ka-hortaga in saxaradaadu adkaato. Habka ugu wanaagsan oo aad uga hortagi kartid in saxaradaadu adkaato waa cunista cuntada buunshaha iyo qolofta leh sida sareenka, galeyda, digirta, khudaarta, khudrada cagaaran. Cabitaanka biyo badan isna wuxuu caawiyaa jilcinta saxaradaada. Waxaa jira daawooyin si fudud loo heli karo oo la yiraahdo Laxatives oo saxarada lagu jilciyo. Sidoo kale, waxaa jira boomaatooyin iyo suboostooyin kaalmaati ah oo joojiya xannuunka iyo cuncunka baabasiirku keeno.
Haddii dhaqtarkaagu kugu xaqiijiyo inaad baabasiir qabto wuxuu ku talin karaa dariiqooyinkaan :
- Durriin: Baabasiirka gudaha shishe waxaa bukaanka meesha baabasiirku ku yaal looga duraa daawo ka dhigaysa baabasiirka qolof soona xiraysa goobta.
- Sharootayn ama banding oo ah iyadoo la isticmaalayo qalab gaar ah oo loogu talagalay sharooto rabar ah lagu dhajinayo xididka baabasiirka ee soo laalaada si looga joojiyo xididada ku waraabinaya dhiigga. Asbuuc ka dib nudayaasha baabasiirka wataa waa soo dhacaan iyagoo dhintay.
- Cauterization oo ah hab la isticmaalayo aalada laysarka oo lagu xirayo/lagu aruurinayo goobta iyo baabasiirka dibada u soo baxay.
- Qalliin lagu samaynayo dabada oo lagu soo jarayo xididka baabasiirka.
Baabasiirku wuu soo noqon karaa haddii lagaaa daweeyo ama lagaa qalo. Sidoo kale dhamaan dariiqooyinka daawayn ee kor ku yaal ma shaqeeyaan haddii uusan qofku cuntadiisa wax ka badalin oo uusan saxankiisa ku darin cunto buunshe leh.
Waxaa igu yaaala nabar dabada afkeeda wax yar ujira, nabarkaas wuusoo kuusmay kadibna wuu dilaacay dheecaan ayaana kasocda illaa 20cisho, nabarka noocaas ah miyuu yahay baabasiir, mise baabasiirku miyuu kasoo bixi karaa meel aan ahayn afka dabada, mise miyuu yeelan karaa baabasiirku dheecaan malax ah, muddo intaas laeg miyuu jiri karaa dhaawaca baabasiirku?
Shukran.
Walaal nabarkaasi haddii uu malax leeyahay waa caabuq ama infection. Malax haddii aad aragto baa bacterial infection.
Nabarka wax kasta ayaa keeni karo dhiig baabasiir oo xidid ku guntamay oo dabadeed caabuqay ama nabar uu keenay, tusaale ahaan, saxaro adag oo gidaarka jilicsan ee malawadka Jeexday oo dabadeed infection keentay.
Waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar booqato si uu talo kuu siiyo.
Inta ka horaysa Nabarka nadiifi, xun cunto qolof leh sida khudrada oo kale, mar kasta oo musqusha booqato nabarka saabuun ku maydh.
Mahadssnid.
Asc walal same ayanahay wax call ah ma uheshay xanunkagaga ani wax culus ayaanqaday sidaada okale ayanoqday fadlan Gmail kaga iireeb walal thanks
Nabar ka fiiskule ladhahayo oo babasiirta shabaho daawo maleyahay mise qalin
Waa qalliin waayo waa dalool ay muhiim tahay in la xiro.
markan saxaronayo saxarda way adagthy,mida kale dhiig ayaa la socdo Iyo wx yaabo aad adag oo dhiig iskudhagan cml ah,Markan fadhiyo xanun ma daremo oo fadhiga ayan ba ku nafisaa,saxaradayda ma badno mar ayan digir cuni jiray haben wlbo saxarada way jilcanaa tay waqtiga an saxarodana wu batay,markasta oo saxaradayda yaraato marka ugu horeya een saxaronayo saxaradana way idhibtaa ayad adeg ah dhiigna wu yimada saaid ah. Wax culus ma qaadin Xanuun kaana 2020 ki ila hada ayan isku arkaa wagi hore xanun malehen kumana fikri jirin inu babasir yahay madax xanun dhabar xanuun iyo hurdo la an ayu leeyahay Iyo lafaha qaar oo xanuna,Dr babasir miya waxa ihayo mark?
Haah. Waa baabasiir. Qof kasta wuu leeyahay baabasiir oo baabasiir cuddur dadka ku dhaca ma aha ee waa cuddur samaysma oo ka yimaada hab-nololeedkaaga iyo cuntada aad cunto.
Cun cunto qolof leh sida khudaarta, digirta, galeyda buunshaha leh iyo cuntooyinka qashinka leh.
Marka aad cunyooyinkaan cunto waxaa badanaya qiyaasta saxarada sidoo kale jirku biyo badan buu ku daraa si jirka looga saaro oo saxaro jilicsan oo aan derbiga malawadka dhaawac u gaysan ayaa jirka ka baxaysa.
Haddii aad cunto hilib, baasto, bariis, rooti, canjeelo iyo caano wax qashin ah ma leh oo saalo aad u yar qashin ah ayaa kasoo baxaysa oo neerfayaasha malawadku ma dareemi karaan in saxaro badan jirka laga saarayo. Markaas jirku dhibicdii saalada ahayd inta biyaha ku jira ka dhuuqo ayuu gunta malawadka ku raseeyaa ilaa ay isgaaraan dhawr beri saalooyinkii. Markaas weeye marka saxaradii adkayd oo shan beri ka hor la dhigay malawadka jirku damco inuu xoog ku saaro. Ciic iyo docosho ayaa qofku ku waashaa ilaa derbiga malawadka saaladii dhagaxa ahayd ay jeexdo oo qofka dabada dhiig ka yimaado.
Waxaa kale oo dhacda xiddidada dhiigga ee malawadka waraabiyo ayaa saxaradu derbiga ku masaxdaa ilaa ay balaaranayaan oo ay noqonayaan kiish dhiig madoow oo jirka ku noqon waaya ay halkaas ku samaysmaan. Dabadeed infection, xannuun, carun iyo dhiigbax baa ka dhasha oo waa kaas baanbasiirku.
Baababbasiirka waxaa sababa Hab-dhaqanka iyo cunto-cunista qofka.