Boog callooleedka ama gaastariko waa boogo furan oo ku samaysma gidaarada moqorka cuntadu marto ilaa hunguriga madow ilaa mindhicirka yar qaybtiisa hore. Calaamada ugu muhiimsan oo ay nabrahaani dadka ku keenaan waa xannuun badan oo ka imaanaya uurku-jirta.

Boog caloodku waxay u qaybsamaan saddex nooc oo kala ah:
- Boog moqoreed ama gastric ulcer oo ku dhaca caloosha cuntada.
- Boog hunguriyeed ama Esophageal ulcer oo ku dhacda tuubada ama hunguriga madow oo ay cuntadu sii marto marka ay calloosha u socoto.
- Boog mindhicireed ama Duodenal ulcer oo ku dhacda qaybta hore ee mindhicirka yar.
Berigii hore waxaa la sheegi jiray sheeko-bareley dhahaysay in gaastarikada ay keenaan cuntooyin suugo basbaas leh, welwelka iyo hawlaha faraha badan, laakiin waxaa dhawaan la ogaaday in boog callooleedka ama gaastariiga ay keeni karto nooc baakteeriya ah.
SABABAHA KEENA BOOG CALLOOLEEDKA
Gaastarikadu waxay timaadaa marka habdhiska dheefshiidka gaar ahaan gidaarka calloosha, hunguriga madoow iyo mindhicirka yar ay ku badato aashitada cuntada shiida. Marka aashitadu badato waxaa gubta ama xoqma gidaarka calloosha ama mindhicirka. Haddii la waayo wax barxa ama yareeya aashitada waxaa imaanaysa in gidaarkii dhaawacmo oo halkaas nabar furan ay noqoto, oo xitaa uu yimaado dhiig-bax calloosha ku yimaado.
Habdhiska dheefshiidka ee jirkeena waxaa si dabiici ah uga difaaca aashitada xab is jiidanaya oo ku dahaaran nudayaasha gidaarka. Haddii uu yaraado xabkaasi ama ay badato aashitada ayay timaadaa gaastarikadu.
Sababaha kale ee keeni kara boog callooleedka waa kuwaan:
- Helicobacter pylori oo ah nooc Baakteeriya ah.
- Si joogta ah oo loo isticmaalo noocyo xannuun baabi’yeyaal ah oo ay ka midka yihiin aspirin, ibuprofen, naproxen, ketoprofen iyo kuwo kale.
- Daawooyin kale oo lagu daaweeyo lafo-dareerka (Osteoporosis) oo ay ka midka yihiin Actonel, Fosamax iyo daawooyinka lagu daray Potassiumka.
CALAAMADAHA LAGU GARTO GAASTARIKADA
Calaamada ugu wayn ee boog callooleedka lagu garto waa xannuun olol camal ah oo sii siyaada marka aashitada callooshu taabato meesha nabarku ku samaysmay. Qaabka xannuunka gaastarikadu waa sidaan:
- Xannuun laga dareemo laga bilaabo xuddunta ilaa lafta naaska.
- Xannuunka oo kordha marka callooshu maran tahay.
- Xannuunka oo holca habeenkii.
- Xannuunka oo debca marka qofku cuno cuntooyin gaar ah oo barxa aashitada ama daawooyinka Anti-acidka ah ee aashitada calloosha yareeya.
- Xannuunka oo baaba’a oo haddana soo noqda maalmo ama asbuucyo ka dib.
Calaamadaha kale, oo inta badan naadir ah waxaa ka mid ah:
- Qofka oo mataga dhiig gadduudan ama madoow u eg .
- Qofka oo dhiga saxaro madoow ama u eg kafeega oo macnaheedu tahay in dhiigbax calloosha ah uu jiro.
- Appetite la’aan iyo lalabo.
- Miisaanka qofka oo si aan la qeexin hoos ugu dhaca.
Waxyaalaha kacsha ama kor u sii qaada calaamadaha gaastarikada waxaa ka mid cabida khamrada, cabida sigaarka iyo cunista qaadka. Haddii aan qofka gaastarikada qaba la daawayn waxaa ku dhici kara dhibaato caafimaad oo khatar ah oo ay ka midka yihiin in callooshu hoos u furanto oo caabuq yimaado iyo in dhiigbax ku yimaado calloosha. Waxaa kale oo laga yaabaa in nabraha callooshu tahar(scar) yeeshaan dhib ku keena shiidida cuntada.
DAAWAYNTA BOOG CALLOOLEEDKA
Haddii calaamadaha gaastarikada aad dareento waxaad u baahan tahay inaad booqato dhaqtarkaaga si laguugu sameeyo baaritaan sababta saxda ah ee keentay gaastarikadaada. Dhaqtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu baaritaano badan kugu sameeyo. Wuxuu dhaqtarku kaa qaadi karaa saxaro ama dhiig si xaqiijiyo in Gaaskaaga ay keentay baakteeriyada H Paylori iyo inkale.
Waxaa jira daawooyin kaalmaati ah oo meel kasta lagu gado oo barxa aashitada saa’idka ah ee calloosha joogta. Anti-acidku waxay kaa caawin karaan inay si degdeg ah aashitada u barxaan si xannuunku u yaraado laakiin ma daaweeyaan boog callooleedka.
Haddii dhaqtarkaagu kugu xaqiijiyo in gaaskaaga ay keentay baakteeriya wuxuu kuu qorayaa daawooyin Antibiyootig ah iyo kuwo aashitada calloosha hoos u dhigaya.