Bronchiolitis waa caabuq ama infection ku dhaca tuubooyinka yar yar(Bronchioles) ee sanbabka ee hawadu marto. Inta badan caabuqaan waxaa keena jeermiga Viruska, wuxuuna haleelaa carruurta ka yar labo sanno. Sidoo kale, inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta aan naaska la nuujin ama ku nool meelaha isku-raranta ah. Caadiyan hawadu waxay jirka ka soo gashaa sanka, dabadeedna waxay sii martaa hunguriga cad ilaa ay u gudubto dhuumaha Bronches. Dhuumaha bronches waxaa ka sii farcama tuubooyinka bronchioles, aakhirka waxay hawadu tagtaa kiishashka yar yar ee malaayiinta ah ee la yiraahdo Alvioli.

Marka caabuqu yimaado ayaa tuubooyinkaas waxaa buuxiya xab iyo barar, taasoo ku keenta in ogsijiintu u gudbi waydo kiishahshka alvioli, waxaana ilmuhu dareemaa neef-qabatin iyo neef-tuur. Cuddurkaan waxaa inta badan keena nooca viruska ee la yiraahdo Respiratory syncytial virus (RSV). Noocan viruska ahi waa kan xitaa dadka waawayn ku keena hargabka. Ugu yaraan ilmaha oo dhan marka ay gaaraan 2 sanno waa ku soo dhacay cudurkaani.
Calaamadaha lagu garto Bronchiolitis
Calaamadaha ugu horeeya ee cudurkaani waa kuwa carruurta ku dhaca marka ay qaadaan hargabka ama durreyga. Waxaa ka mida calaamadahaas:
- Sanka oo cabur awgiis xirma
- Sanka oo dareera ama duufa
- Qufac yar
- Qandho ladifan
Calaamadahaani waxay hayaan ilaa labo beri cunnuga, waxaana ka danbeeya qufac iyo neefta si foori leh usoo baxda marka cunnugu hawada naqaska ah banaanka isaga soo saarayo. Waxaa soo siyaada calaamado laga yaabo inay cunnuga khatar naftiisa ku keenaan oo kala ah:
- Cunnuga oo neefta booba ama boobsiiya
- Wadne garaac
- Dulalka sanka oo balooshamaya
- Daal, xanaaq, oohin iyo tabardaro.
- Neef-qabatin
- Midabka jirka,carabka iyo ciddiyaha oo baluug isku badala.
Calaamadahaan haddii ay soo siyaadaan ilmuhu wuxuu u baahan yahay in la seexiyo isbitaal.
Ka hortaga Bronchiolitis
Sida ugu wanaagsan oo looga hortago cudurada ay keenaan Virusku waa gacmo-dhaqa oo la joogteeyo. Ilaa hadda ma jiro talaal ka hortaga Respiratory syncytial virus (RSV) oo la siiyo carruurta. waxaa wanaagsan in laga fogeeyo cunnuga carruurta kale ee hargabsan. Carruurta lagu ag-cabo sigaarka way u nugul yihiin inay qaadaan cuddurkaan.
Daawaynta Bronchiolitis
Nasiib wanaag, bronchiolitis inta badan maahan mid khatar badan ku keenta carruurta waayo waxaa laga yaabaa in ilmuhu iska buskoodo maalmo yar ka diba. Uma baahna in la siiyo ilmaha Antibiyootig waayo cudurkaan virus baa keena. Daawooyinka anti-biyootigu waxay daaweeyaan cudurada baakteeriyadu keento oo kaliya. Waxaa laga yaabaa in dhaqtarkaagu u qoro ilmaha daawo furta tuubooyinka sanbabka.
Carruurta yar yar ee neef-qabatinku hayo waxay u baahan yihiin in la seexsho isbitaal, si loola socda neef-qaadashadooda iyo fuuq-celintooda. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in ilmahaas la siiyo Ogsijiin oo sanka tuubo hawo siisa laga suro.
Marka guriga la joogo sii ilmaha cabitaan ku filan si uusan u fuuq-bixin. Haddii qandho timaado sii daawada Paracetamol. Haddii neef-qabatin jiro ilmaha fariisi si uu si fudud ugu neefsado. Haddii ay soo kordhaan calaamadaha khatarta ah ee aan ku sheegnay ula carar ilmaha isbitaalka.