Sunday, October 1
Shadow

Busbus – Chickenpox

Cuddurka Busbus – Chickenpox waa cuddur ku dhaca maqaarka,  oo uu keeno nooc Fayras ah oo la yiraahdo Varicella zoster.  Inkastoo uu ku dhici karo dadka waawayn, haddana inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta ka yar 15ka sanno. Waxaa lagu kala qaadaa hawada oo uu galo fayraskii marka qof qaba busbuska uu qufaco ama hindiso, dabadeedna qof fiyoobi hawadii fayrasku la socday neefsado.

Cuddurka busbusku waa cuudur aad la isagu gudbiyo,  oo marka uu jirka soo galo labo maalmood ka dib calaamadihiisu ilmaha ka soo muuqdaan. Ilaa shan beri ka dibna waxaa ilmaha ka soo daata nabraha uu caanka ku yahay,  oo ah faruurac yar yar oo afka biyo ku wata, lehna cun cun saa’id ah.

Busbusku waa jirro iskeed u tagta oo difaaca jirku ku filan yahay, wuxuu ilmaha hayaa ilaa 10 cisho. Sida qaalibka ah hal mar haddii uu ilmaha ku dhaco cuddurku ma soo noqdo,  waayo jirku wuxuu u samaysataa tallaal dabiiciya oo ka difaaca in mar kale fayrasku jirro ku keeno jirka.

Nabraha busbuska - sawirka courtsy of webmd
Nabraha busbuska – sawirka courtsy of webmd

Calaamadaha lagu garto Busbuska

Sida caadigaa busbusku wuxuu ku bilaabmaa calaamadahaan:

  • Qandho gaarsiisan 38.3°-38.8°C
  • Cunto qaadashada oo hoos u dhacda iyo tabardaro
  • Madax-xannuun, cuno-xannuun iyo callool xannuun socda dhawr maalmood
  •  5 beri kadib Farruurac yar yar oo gad-gaduudan, cuncun leh afkana biyo ku wata oo ka soo daata jirka qaybihiisa madaxa, luqunta, gacmaha iyo dhabarka iyo calloosha
  • Nabruhu way dilaacaan aakhirka oo waxay yeeshaan qolof iyo malax
  • Nabruhu marka ugu danbaysa way iska bugsoodaan iyagoo midab haar madoow ah ku reeba maqaarka.

 

Daawaynta Busbuska

Sidaan horay u sheegnay cuddurkaan waxaa keena fayras oo aan lahayn daawayn qeexan. Ilmuhu haddii uu si xun jirka u xoqo oo markaas nabruhu caabuq baakteeriya ah qaadaan waxaa loo bahan yahay daawayn anti-biyootik ah.  Sidoo kale, cuncunka badan waxaa lagula tacaalaa in ilmaha biyo qandac ah loogu qubeeyo,  dabadeedna la mariyo jirkiisa kareemka Calamine lotion.

Ka hortaga Busbuska

Habka ugu wanaagsan waa iyadoo dadka u nugul busbuska la siiyo tallaalka busbuska, gaar ahaan ilmaha in la siiyo talaalka labo jeer marka ay jiraan 12 billood iyo 15 billood.

Carruurta Busbuska qabta waxay u baahan yihiin in aan loo dirin dugsiga iyo iskuulka si aysan cuddurka u fidin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: