Inta aanaan sharaxin sida uu ku yimaado caabuqa kaadimareenka ee carruurta waxaan yara iftiiminaynaa qaybaha habdhiska kaadimareenka iyo shaqadooda. Habdhiskaani wuxuu ka mid yahay hannaanka qashin-saarka ee jirkeenu isaga saaro waxyaalaha haraaga ama wasakhda ah sida qashinka, sunta iyo kiimikooyinka khatarta ah ee jirka soo gala. Habdhiskaani wuxuu jirka bannaanka uga saaraa kaadida oo ah qashin ama wasakh laga soo miiray dhiigga oo ay tahay in laga sifeeyo jirka. Qofka aysan shaqaynayn habdhiska kelyuhu ma noolaan karo haddii uusan helin hab kale oo jirka kaadida looga sifeeyo.
Habdhiska kaadimareenku wuxuu ka kooban yahay qaybahaan:
- Labada kelyood(Kidneys): oo shaqadoodu tahay inay dhiigga ka sifeeyaan waxyaalaha wasakhda ama kiimikooyinka ah ee la socda cuntooyyinka la dheefsado iyo haraaga wasakhada ka soo baxda nudayaasha jirka.
- Labada lise(Ureters): oo ah labo tuubo oo kasoo kala baxa labada kelyood oo ku shuba kaadida, dhiigga kalyuhu ka soo sifeeyeen, kaadi-haysta.
- Kaadi-haysta(Bladder): oo ah kiish ama weel lagu kaydiyo kaadida laga soo miiray kelyaha. Kaadi-haystu marka ay buuxsanto ayaa maskaxdu ku amartaa inay furanto si kaadida jirka bannaanka loogu saaro.
- Kaadi-mareenka(Urethra): waa marin yar oo u dhexeeya ibta iyo kaadi-haysta oo shaqadiisu tahay inuu furmo marka kaadida la saarayo.
Caadiyan kaadidu waxay ku safartaa marinkaas kasoo bilaabanaya kelyaha ilaa kaadimareenka. Haddii baakteeriya kaadida soo raacdo, oo inta badan ka timaada maqaarka u dhaw habdhiiska taranka ama dabada waxaa dhacda in halkaas caabuq ka dhasho, oo habdhiska kaadimareenku bararo ama caabuqo. Waxaa laga yaabaa in kaadidii xayiranto ama ay yimaadaan isbadal ku yimaada hannaankii dabiiciga ah ee darreerka kaadida.
Carruurta yar yar 8% gabdhaha ah iyo wiilasha oo 2% ah noloshooda hal mar ayuu soo maraa caabuqa kaadimareenka ee carruurta, oo ku keena kaadida oo xanuujisa ama gubta marka ay kaadinayaan ilmaha roon-roon. Ilmaha yar yar iyaga way adag tahay inay muujiyaan calaamado tilmaamaya caabuqaan oo aan ka ahayn qandho, matag iyo cunto-xummo.
Inta badan caabuqa kaadimareenka ee carruurta waxaa keena baakteeriyada oo inta badan jirka ka soo gasha dabada marka saxarada la iska tirayo oo gasha ibta kaadidu ka imaato. Nooca baakteeriyaad ee ugu badan ee caabuqaan keena waxaa la yiraahdaa E.coli oo laga dhex helo saxarada. Waxaa kale oo keeni kara noocyo kale oo baakteeriya ah iyo fayrasyo.
Haddii caabuqu asiibo qaybta hoose ee kaadimareenka sida kaadi-haysta ama kaadimareenka waxaa la yiraahdaa cystitis, haddiise infekshinku u gubdbo lisayaasha iyo kelyaha waxaa dhaca caabuq khatar ah oo la yiraahdo Pyelonephritis.
Caabuqa kaadimareenka carruurta inta badan wuxuu ku dhacaa gabdhaha maadaama kaadi-mareenka u dhexeeya ibta iyo kaadi-haystu uu aad uga gaaban yahay kan wiilasha. Waxaa kale oo u nugul wiilasha aan gudnayn.
Calaamadha lagu garto caabuqa kaadimareenka carruurta
Calaamadaha lagu garto caabuqa kaadimareenku waxay ku xiran tahay hadba da’da ilmaha iyo sidoo kale goobta caabuqday. Ilmaha aadka u yar yar way adag tahay in la ogaado in caabuq ka jiro habdhiska kaadi-mareenka, waayo ma sheegan karaan calaamadaha. Haddii ilmuhu la yimaado qandho, cunto-xummo iyo matag ayaa laga shakin karaa in caabuq jiro.
Ilmaha waawayn oo caban karaa waxaa lagu garan karaa:
- Kaadinta oo leh xannuun iyo gubasho
- Ilmaha oo mar walba doonaya inuu kaadiyo laakiin dhigga qadar yar oo kaadi ah.
- Qandho (laga yaabo inaysan mararka qaar imaan)
- Ilmaha oo habbeenkii in badan mushqusha u orda
- ilmaha oo gogosha ku kaadsha.
- Xannuun ka jira halka ku beegan kaadi-haysta oo ah xuddunta hoosteeda.
- Kaadida ilmaha oo leh ur qurmuun.
Haddii caabuqau gaaro kelyaha wuxuu ilmuhu dareemaayaa jirro xun oo ku keenta qandho sare oo dhaxan leh, daal iyo tabardarro, matag iyo xannuun dhabarka halka ku beegan meesha kalyuhu ku yaalaan.
Sidee looga hortagaa caabuqa kaadimareenka?
Carruurta yar yar ee loo xiro baanbarka waxay u baahan yihiin in si degdeg ah looga badalo marka ay saxaroodaan ama kaadshaan si aysan fursad u helin baakteeriyadu inay fido. Carruurta gaartay inay is-maamulaan waa in la baraa inay saxarada ama kaadida si fiican isaga mayraan. Gabdhaha yar yar waa in hooyooyinku tusaan in marka saxarada la iska mayrayo loo masaxo gadaal-gadaal si looga hortago in saxaradu aysan ka tagin dhinaca dabada oo aysan aadin ibta kaadidu ka soo baxdo.
Carruurta waa in lagu adkeeyo inaysan muddo dheer kaadida isku celin si baakateeriyada aan fursad loogu siin inay ku taranto kaadi-haysta. Gabdhaha yar yar waa inaan loogu qubayn saabuunaha kiimakada cul-culus leh. Sidoo kale, hooyooyimku waa inay gabdhahooda ugu labisaan kastuumooyinka ka samaysan dunta, waayo kastuumooyinka ka samaysan nayloonka waxay kobciyaan taranka baakteeriyada iyo jeermiga candida .
Carruurta oo lagu dhiirigaliyo cabitaanka biyo badan iyana waxay ka hortagtaa imaanshaha caabuqa kaadimareenka. Cabitaanka dareerayaasha ay ku jiraan kiimikada caffeine oo laga helo shaaha iyo kafeega ayaa la xaqiijiyay inay ku keenaan kaadi-haysta xasaasiyad.
Daawaynta caabuqa kaadimareenka
Daawaynta caabuqa kaadimareenku waxay qaadataa inta badan asbuuc. Waxay ku xiran tahay hadba nooca baakteeriyaad ee keentay caabuqa . Dhaqtarkaagu wuxuu ku xaqiijiyaa in caabuq ka jiro kaadimareenka kaadida oo laga qaado ilmaha. Marka la xaqiijiyo dhaqtarkaagu wuxuu ilmaha u qorayaa daawo antibiyootig ah oo caabuqa la diriraysa. Xaqiiji in ilmuhu daawadii loo qoray sidii loogu talagaly uu u qaatay. Calaamadaha xannuunka iyo kaadida oo gubta waxay ku dhamaadaan 2 ilaa 3 beri marka daawaynta antibiotigu socoto. Sidoo kale, ilmaha ku celi dhaqtarka marka daawayntu dhamaato si markale kaadida looga baaro in weli infekshin jiro iyo inkale.
Please ilasoo xarira waxàn ubaahnahy arimo kusabsan kuwan