Xubin ahaan naaska mitajiidadu(Appendix) wuxuu ku yaalaa halka ay ku kulmaan mindhicirka wayn iyo mindhicirka yar. Waa tuubo yar oo khafiif ah oo dhererkeedu yahay 4 inch oo ka laalaada halka uu ku dhamaado mindhicirka wayn. Caadiyan mitajiidadu waxay fadhidaa qaybta midig hoose ee uur-ku-jirta.
Shaqada ay qabato mitajiidadu ilaa hadda lama yaqaan. Qaar saynisyahanadu waxay aaminsan yihiin in ay u dhaqanto sidii kayd baakteeriyada dheefshiidka ka qaybqaadata oo marka qofka shuban ku dhaco dib looga soo saaro baakteeriyada saaxiibka ah. Qaar kale khubaradu waxay aaminsan yihiin inay xubintaani tahay mid aan waxtar lahayn oo ka hartay samayskii awaliga ahaa ee mindhicirada. Hal mid baa la isku raacsan yahay oo ah in mitajiidada la’aanteed la noolaan karo. Haddii laga jaro qofka wax dhibaato caafimaad ah oo soo gaaraysa ma jirto.

Badanaa caabuqa mitajiidada wuxuu ku dhacaa caruurta iyo dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 11-20 jirka.
MAXAA KEENA MITAJIIDADA AMA APPENDICITIS
Naaska mitajiidada mararka qaar waxaa laga yaabaa inay ku leexato cunto ama saxaro adag oo halkaas ku xiranta. Waxaa dhacda markaa in baakteeriyo iyo saxaradaasi inay isku qurmaan oo mitajiidadu caabuqdo. Waxaa yimaada barar, xannuun, qandho laga yaabo inay keento in naasta mitajiidadu uur-ku-jirta ku qarxo oo ay nolosha qofku khatar gasho haddii aan qalliin degdeg ah lagu samayn. Waxyaalaha kale ee keena inay xiranto mitajiidada waxaa ka mid ah caabuqa iyo bararka nudayaasha liimfaha ee mindhicirada, baarasaytyada iyo kansarka.
CALAAMADAHA LAGU GARTO CAABUQA MITAJIIDADA
Calaamadaha ugu horeeya ee caabuqa mitajiidada waa qandho meel dhexaad ah iyo xannuun ubucda ka hoos xuddunta. Inta badan xannuunku wuu sii kordhaa isaga oo u sii gudbaya dhinaca hoose ee ubucda ama caloosha. Waxaa kale oo xannuunkan lagu gartaa inuu sii laba jibaarmo(rebound tenderness) marka la riixo dhinaca hoose ee caloosha.
Calaamadaha kale ee imanaanaya:
- Qandho meel dhexaad ah
- Appetiteka oo dhuma
- Lalabo iyo matag
- Shuban yar oo u badan axalo
- Ubucda oo bararta oo yeelata dibiro
Haddii caabuqa matiijadada aan la daawayn, waxay ku qarxi kartaa muddo 24-72 saacadood gudahood ah, taas oo keeni karta in xannuunku ku faafayo dhamaan uur-ku-jirta. Sidoo kale, qandhadu waxay gaartaa 40 Centigrade. Calaamadaha mitajiidada waxay ku xiran tahay da’da ilmaha tusaale ilmaha ka yar ama jira labo sanno waxaa lagu arkaa matag iyo dibiro iyo xannuun la socda.
Haddii ilmahaaga aad kaga shakiso caabuqa mitajiidada ula carar dhaqtarka. Ha siin wax cabitaan ama cunto ah haddii aan dhaqtarku kugula talin.
SIDEE LAGU XAQIIJIYAA CAABUQA MITAJIIDADA
Xaqiijinta mitajiidada waa dhib badan tahay maadaama ay jiraan xaalado caafimaad oo aad u shabaha sida caabuqa kaadi-haysta, kiishka xamaytida, gaastrikada iyo caabuqyada kale ee caloosha. Dhaqtarku wuxuu u diri karaa ilmaahagaa baaritaanadaan si loo xaqiijiyo caabuqa mitajiidada.
- Baaritaan jireed oo lagu xaqiijinayo meesha xannuunku ka jiro
- Baaritaanka shaybaar ee kaadida si meesha looga saaro inuu jiro caabuqa kaadi-mareenka
- Dhiigag shaybaarka lagu baaro si loo xaqiijiyo in jirku infection ka dhex jiro.
- CT scan iyo ultrasound la saro caloosha.
DAAWAYNTA CAABUQA MITAJIIDADA
Matiijada jiratay waxaa lagu daawayn karaa oo kaliya waa qalliin kaliya. Qalliinka waxaa lagu soo jarayaa naaskii mitajiidada ee caabuqay(Appendectomy).
Dhakhaatiirta qalliinku waxay sameeyaan jeexniin yar oo caloosha ah oo ay mitajiidada ku soo jarayaan. Ilaa 2 ilaa 3 beri ayuu ilmahaagu u baahanayaa inuu jiifo isbitaalka.Beryahan waxaa soo baxay hab qalliin oo qalab casri ah(Laparoscopy) lagu soo jaro mitajiidada oo dalool yar kaliya caloosha lagu samaynayo.
Waxaa la siiyaa ilmaha daawada xidididka la iska siiyo iyo daawo antibiyootig ah oo lagu dilayo baakteeriyadii caabuqa keentay.
Haddii mitajiidadu ku qaraxdo caloosha bukaanku wuxuu u baahanayaa muddo dheer oo uu isbitaalka jiifo iyo daawayn dheer oo antibiyootig ah.