Sunday, October 1
Shadow

Cagaarshoow – Hepatitis

Magaca cuddurkaan Cagaarshoow – Hepatitis  Soomaalidu waxay ka keentay marka beerku jirrado oo markaas cusbada Baylka(bile salts) ee ku kaydsan xameetida, ay jirka ku butaacdo oo raacdo dhiigga.  Dabadeedna,  jirka oo dhan sida maqaarka, cidiyaha iyo indhaha ay yeeshaan midabka jaallaha ama cagaarka. Laakiin,  halkaan waxaan magacaan ku lamaaninaynaa magac kale oo ajnabi ah oo ah marka beerku caabuqo, bararo oo jirado oo loo yaqaan Hepatitis.

 Cagaarshoowga ama Hepatitiska waxaa keena dhawr sababood oo kala ah:

  • Jeermisyada fayraska iyo baakteeriyada oo caabuq ku keena beerka 
  • Dhaawac gaaray beerka oo ay keentay Sun jirka gashay.
  • Beerka oo dhaawac ku yimaado kadib hannaanka dhiig-waraabinta beerka oo istaagta ama sahayda dhiigga oo ku yaraata.
  • Dhaawac ama jug beerka bannaanka uga timaada.

 

Jeermiska fayraska ayaa ugu badan jeermisyada keena cagaarshoowga, halka baakteeriyadu marar dhif ah ay keento cuddurkaan. Noocyada fayrasyada ah ee kala keena noocyada cagaarshoowga way kala duwan yihiin. Sidoo kale,  waxaa kala duwan marinka iyo habka jirka qofka ay u galaan noocyadaan fayraska ah.Noocyada cagaarshoowga oo fayrusku keeno waxay kala yihiin:

 

  • Hepatitis A
  • Hepatitis B
  • Hepatitis C

 

Waxaa kale oo jira labo nooc oo fayrusyo ah oo iyaguna keena cagaarshoowga laakiin,  dhif iyo naadir u dhaca oo la kala yiraahdo Hepatitis D iyo Hepatitis E.

Cagaarshoowga Hepatitis A

Noocaani waa nooca ugu badan ee cagaarshoow ee dhaca. Wuxuu caam ku yahay carruurta iyo dadka waawaynba. Noocan waxaa keena nooca fayraska ah ee la yiraahdo A ama HAV ama Hepatitis A Virus. Fayraskaan waxaa laga dhex helaa saxarada,  oo marka ilmaha gacantiisu taabato shay uu ku laran yahay fayrusku,  oo haddana ilmuhu afka gacanta gasho ama cunto ku sii cuno isagoo aan mayrin,  ayuu fayrasku calloosha tagaa ilaa uu weeraro beerka.

Ilmaha uu ku dhacay fayruskaani saxaradiisa waxaa laga heli karaa jeermiga dhawr billood,  gaar ahaan carruurta yar yar. Inta badan nooca cagaarshoowga ee A wuxuu aad ugu fidaa meelaha isku-raranta ah ama xeryaha qaxootiga ee ay ku yar yihiin biyaha iyo adeega nadaafadeed. Cagaarshowga A wuxuu qofka hayn karaa ilaa lix billood. Ilmuhu waxaa laga yaabaa inaan la ogaanba in  uu ku dhacay cagaarshoow. Inta badan cagaarshoowga hepatitis A ma noqdo mid soo noq-noqda. Calaamadaha noocan inta badan waa shuban iyo matag.

Cagaarshoowga hepatitis A wuxuu leeyahay tallaal carruurta labo jeer la siiyo oo difaaca ugu yaraan 20 sanno. Inta badan ilmaha waxaa la tallaalaa  marka da’diisu u dhexayso hal ilaa labo sanno. labada qaadasho ee tallaal waa in lix billood u dhexaysaa.

Cagaarshoowga Hepatitis B

Noocan la yiraahdo Hepatitis B waa nooca lagu kala qaado dheecaanada iyo dhiigga dadka isaga gudba sida dhiig-ku-shubida, wadaagista qalabka durmada iyo galmada. Sidoo kale hooyada uurka leh marka ay dhasho way u gudbin kartaa ilmaha dhalanaya. Noocan aad bay u adag tahay amaba suuragal maahan in hooyadu mardheerta ilmaha uga gudbiso. Noocan cagaarshoowga ee HBV waa nooc  khatar ah oo keeni kara jirro dhulyaal ah oo aakhirka horseeda in beerka uu ku dhaco kansar.

Calaamadaha lagu garto cagaarshoowga B waxaa ugu horeeya midabka jaalaha oo ku soo kordha kaadida, maqaarka, indhaha qaybta cad iyo ciddiyaha. Sidoo kale,  wuxuu leeyahay qandho aad u saraysa, cunto-qaadashada oo hoos u dhacda, tabardarro iyo matag.

Noocan Hepatitis B waxaa looga hortagaa Tallaalka cagaarshoowga B oo carruurta la siiyo.

Cagaarshoowga Hepatitis C

Noocan cagaarshoowga ahi waxaa toos loogu kala qaadaa marka dhiig ama dheecaan qof qaba hepatitis C uu ku darsamo dhiigga qofka fiyoow. Waxaa lagu kala qaadaa marka dhiig aan sifaysnayn oo leh fayruska qof kale lagu shubo. Sidoo kale dadka xubnaha jirka ee qof kale loo galiyay way u nugul yihiin inay qaadaan. Waxaa suuragal in lagu kala qaado galmada inkastoo ay yar tahay fursada nooca C la isagu gudbiyo galmada. Noocan inta badan calaamado badan ma laha oo qofka waxaa laga yaabaa inuusan ogayn inuu beerka ka jiran yahay. Wuxuu keenaa in beerka uu dhaawaco iyadoon la ogayn ilaa uu gaaro in qofka lagula taliyo in beerka laga badalo.

Carruurta yar yar waxay ka qaadi karaan haddii hooyadood lagu xaqiijiyay inay qabtay Hepatitis C intii ay uurka lahayd.

Nooca cagaarshowga ee C ma lahan wax tallaal ah.

Callamadaha Guud ee cagaarshoowga

  • Qofka oo jirrada 
  • Qandho iyo murqo-xannuun
  • Calloosha oo xannuunta gaar ahaan dhinaca midig
  • lallabo,  af-qaraar iyo cunto-qaadasho yaraan
  • Jirka oo midabka jaalaha ah yeesha
  • Matag
  • Kaadida oo jaalle noqota
  • Saxarada oo yeelata midab caddaan ah

 

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga

  • Ilmaha oo la baro joogtaynta gacmo-dhaqashada
  • Tallaalka cagaarshoowga oo ilmaha la siiyo
  • Ka hortaga irbadaha durmada oo aan nadiif ahayn ah in la isticmaalo
  • Hooyada uurka leh oo laga baaro Viruska cagaarshoowga si loo hubiyo inuu ilmaha u gudbay iyo inkale.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: