Canbaartu waa cuddur aad u faafa oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan ka wayn labo sanno. Cuddurkaan sida dad badani aaminsan yihiin ma keenaan gooryaamadu. Magaca laatiiniga ah waxaa loogu yeeraa Ringworm oo macnaheedu yahay gooryaankii wareegsanaa. Magacaasi wuxuu ku yimid marka canbaartu haleesho maqaarka ayay waxay ka samaysataa ooggada qaab goobaabin oo kale ah.
Cuddurkaan waxaa keena jeermiga il-ma-aragtayga ah ee lagu magacaabo Fungus. Jeermigaani ma weeraro ooggada jirka kaliya ee wuxuu haleelaa xubnaha kale ee maqaarka sida cidiyaha, lugaha iyo timaha iyo madaxa dushiisa.
Calaamadaha lagu garto canbaarta
Calaamada ugu horaysa ama uga wayn ee canbaarta waa iyadoo ilmahu yeesho finan ama nabaro canbaareed inta badan goobaaban oo leh qolof khafiifa, Goobaabinta canbaartu inta badan dhexda waa ka nadiif. Nabrahaani waxay u muuqan karaan kuwo qalalan ama finan qoyaan leh.

Marka fungasku ku dhaco dusha madaxa carruurta inta badan ma samaysto qaabta wareegsan, laakiin waxaad arkaysaa nabro yaryar oo tiix-tiix ah oo qolof leh oo ka duuliya timaha madaxa. Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto kurtuno timo ah oo ka soo jeeda meelaha timihu ka daateen. Waxaa maqaarka madaxu yeelan karaa nabro bararsan oo cun cun badan leh oo afka malax ku wata.
Sidee loo daaweeyaa Canbaarta
Nabar ama finan kasta oo maqaarka cunnugaaga ka soo baxa waxay astaahilaan inaad la socodsiiso dhaqtarkaaga. Daaweynta canbaarta maqaarku aad bay u sahlan tahay. Dhaqtarkaaga iyo farmashiistuhu waxay kuu qori karaan boomaato jirka la mariyo labo jeer maalintii muddo dhan 3 ama 4 asbuuc. Xaqiiji inaad ilaa asbuuc kale ah daawaynta sii wadid marka calaamadaha canbaarta qarsoomaan. Ku subkida boomaatada kadib iyo ka horba mayr gacmahaaga. Marka ugu horaysa boomaatada xooggaa yar mari maqaarka oo sug cabaar si aad u ogaato in ilmuhu boomaatadaas allerjik ku yahay iyo inkale.
Daawaynta canbaarta ee madaxa yara waxay u muuqataa inay adag tahay. Dhaqtarkaagu wuxuu kuu qori karaa daawo antifungal ah afka laga qaadanayo, boomaato madaxa lagu subkayo meelaha canbaartu heshay iyo noocyada Shaambooyinka ee loo yaqaan Anti-dandruf. Waxaa laga yaabaa daawayntaani inay dheeraato.
- Mayr gogosha iyo dharka carruurta canbaartu heshay marka daawayntu bilaabato.
- Dhar saa’id ah ha u galin ilmaha si aysan dhidid badan u samayn.
- Ha u ogolaan carruurtu sida kuwa wada dhashay ama isku meel ku nool inay isla isticmaalaan dharka sida barkimaha, shukumaanada, buraashyada timaha, shanlooyinka IWM.
- Haddii ilmuhu uu bilaabo is-xoqid ka jar ciddiyaha.
- Haddii aad awoodo maalin walba u qubee carruurta.