Saturday, May 30
Shadow

Cuddurada dilaaga ah

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

Cuddurada dilaaga ah, Uncategorized
WAA MAXAY CUDURKA CORONA VIRUS . Corona fayrus waa nooc cusub oo ah noocyada fayrasyada ah ee Corona Viruses. Cudurkaan uu keeno Corona fayraska cusub markii ugu horaysay waxaa laga ogaaday gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Hay'ada Caafimaadka ee Adduunka ayaa u bixisay Corona Virus Disease 2019 ama cudurka fayruska karoona ee soo baxay 2019. Waxaa loo soo gaabshaa COVID-19. COVID-19 waa nooc cusub oo la qoys ah noocyo kale oo Corona Virus ah oo dunidu hore u taqaanay sida kuwo hargab ama nooca SARS la yiraahdo keena. Iyada oo tirada dadka uu cuddurku ku dhacayo dunida ay sii kordhayso ayaa waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin sidii ay carruurtooda kaga badbaadin lahaayeen in cuddurku ku dhaco, Laakiin arrin laab-qaboojin u ah waalidiinta ayaa jirta: in cuddurku ilaa hadda carruurta u ladi...

Kansarka carruurta ku dhaca

Cuddurada dilaaga ah
Kansarku wuxuu ka bilaabmaa unugyada jirka oo ah aasaaska nolosha binu-aadamiga. Jirka aadamigu wuxuu u baahan in la sameeyo unugyo cusub marka baahi timaado. Unugyada jirka aadamiga waxay ka kooban yihiin bilaayiin iyo bilaayiin unug oo leh cimri qiyaastii afar billood ah. Unug kasta marka uu gaboobo waa la badalaa oo waxaa la sameeyaa unug cusub. Mararka qaarkood habka samaynta unugyada cusub ayaa qaldama oo waxaa la sameeyaa unugyo aan loo baahnayn ama unugyadii gaboobay oo ay ahayd in la badalo ayaa tagi waaya.  Unugyada kansarka waxay caan ku yihiin inay u samaysmaan si qaabdaran oo xadka ka baxsan, waxay leeyihiin xajmi ka duwan kuwa caadiga, waxay baabi'iyaan oo ku fidaan unugyada fiyoow ee dariska la ah. Marka ay sii bataan unugyada kansarku waxay cunaan in badan oo nafaqadii

Qaaxada – Tuberculosis

Cuddurada dilaaga ah
Qaaxada ama TBdu waxay ka mid tahay cuddurada dilaaga ah ee ku dhaca carruurta iyo dadka waawaynba. Waxaa TBda keena nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Mycobacterium tuberculosis,  oo weerarta  Sanbabada, kelyaha, lafaha iyo maskaxda. Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, sida ay sheegtay WHO, sannad walba waxaa qaada Qaaxada hal milyan oo carruur ah, kuwaas oo 400,000 oo kamid ahi u geeriyoodaan cuddurka. Inta badan Tbdu waxay ku dhacdaa sanbabada. Cuddurkaan waa cuddur aad u fida oo la is-qaadsiiyo. Wuxuu  fidaa marka qof jiran qufaco ama hindhiso oo uu hawada galiyo jeermigii baakteeriyada ee Qaaxada keenayay. Marka qof caafimaad qaba neefsado hawada ay la socotay baakteeriyada ayaa laga yaabaa inuu qaado cudurka. Cuddurka qaaxadu wuxuu maraa labo heer oo kala ah caabuqa TBda iyo Cuddur

Gawracato – Diphtheria

Cuddurada dilaaga ah
Cuddurkaan Gawracatada waxaa af laatiinka lagu yiraahdaa Diphtheria. Wuxuu ka mid yahay cuddurada halista ah ee dilaaga ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta iyo dadka da'da ah. Waxaa keenta nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Corynebacterium diphtheriae.  Gawracatadu waxay weerartaa qaybta hore ee habdhiska neef-qaadashada sida sanka iyo hunguriga cad,  ee ay hawadu marto.   Cuddurkaan waa cuddur aad u faafa oo lagu kala qaado marka ilmo ama qof qabaa uu hindhiso ama qufaco oo uu hawada galiyo dhibco ay ku laran tahay baakteeriyadii Gawracatada keenaysay. Marka uu jirka soo galo jeermiga keena gawracatadu waxay qofka calaamadaha cuddurku uga soo bixi karaan inta u dhaxaysa maalin ama asbuuc. Soomaalidu cuddurkaan magac fiican bay u heshay, waayo sida uu u dhaco cuddurkaani waa baa

Dabaysha – Poliomyelitis

Cuddurada dilaaga ah
Cuddurka dabaysha waa cuddur la is-qaadsiiyo ah oo dilaa ah, kuna dhaca inta badan carruurta ka yar 5ta sanno. Waxaa keena nooc fayras ah oo la yiraahdo Poliovirus oo weerara habdhiska darreen-wadayaasha ee jirka. Wuxuu naafayn karaa ama dili karaa ilmaha saacado yar gudahood,  waayo wuxuu naafayn karaa  murqaha neef-mareenka ilmaha. Fayraska keena dabaysha wuxuu jirka kasoo galaa afka iyo sanka marka wasakh uu la socdo jeermigu la dheefsado ama la neefsado, dabadeed wuxuu degaa mindhicirada, oo uu halkaas ku tarmo ilaa uu gaaro lafta arxaanka ee laf-dhabarta, oo ah halka laga xukumo darreen sidayaasha ka yimaada maskaxda. Dabayshu waxay carruurta ku keentaa naafonimo abid ah. Sida ay sheegtay hay'adda WHO labadii boqol ee bukaan ee uu haleelo cuddurka dabayshu hal qof ayaa naafo

Xiiq-dheer – Whooping Cough

Cuddurada dilaaga ah
Cuddurkaan Xiiq-dheertu wuxuu ku jiraa cuddurada dilaaga ah, gaar ahaan carruurta ka yar 5 sanno. Sannad walba dunida waxaa qaada in ka badan 48 million oo qof,  halka uu dilo ku dhawaad 300,000 oo qof,  oo intooda badan ku nool dunida soo koroysa oo Soomaaliya ka midka tahay. Cuddurkaan waxaa keena baakteeriya lagu magaacabo Bordetella Pertussis, oo si degdeg ah la isagu gudbiyo marka la qufaco ama la hindhiso. Cudurkaan waxaa la helay 1906dii,  markaas oo ay labo saynisyahan oo Faransiis ahi ogaadeen. saynisyahanadaasi waxay markaas u sameeyeen tallaal lagaga hortago xiiq-dheerta. Baakteeriyada xiiq-dheerta keentaa waxay weerartaa habdhiska neefsashada oo ay ku jiraan Sanbabada iyo tuubooyinka hawadu marto. Waxay ku caan tahay nooca qufaca ah ee xiiqda oo ah marka qufacu isku xig

Teetano – Tetanus

Cuddurada dilaaga ah
Cuddurka Teetanada Soomaalidu waxay u taqaan "Todoba-ma-gaadho",  oo macnaheedu yahay in cuddurkaani dilaa yahay, weliba carruurta yar yar. Teetanada waa jirro khatar ah oo weerarta murqaha iyo neerfayaasha, laakiin laga hortagi karo. Waxay teetanadu dhacdaa marka jirka ay soo gasho nooca baakteeriyada ah ee laga helo carrada iyo saxarada xoolaha ee la yiraahdo Clostridium tetani. In ku dhaw hal milyan oo carruur ah ayay sannad walba ku galaafataa Teetanadu dunida soo koraysa oo ay Soomaaliya ka midka tahay. Baakteeriyadaani waxay muddo dheer ku noolaan kartaa carrada iyo meelaha wasaqda ah,  ee inta badan ay taalo saxarada xoolaha. Marka qofka ay mudaan ama xagtaan qodxaha ama biraha ay sumaysay baakteeriyadaasi ayay jirka soo gashaa,  oo ay weerartaa neerfayaasha iyo murqaha jirka.

Jadeecada – Measles

Cuddurada dilaaga ah
Cuddurka Jadeecada waxaa keena jeermiga Viruska. Waa cuddur dilaa ah oo ku dhaca inta badan carruurta yaryar ee jira 1-4 sanno. Waxaa laga yaabaa inuu horseedo caabuqa dhegaha, Nimooniya, menengitis iyo bararka maskaxda ama geeri. Cunnug kasta oo aan la talaalin way ku dhici kartaa jadeecadu. Marka qof qaba jadeecada uu hindhiso ama qufaco wuxuu hawada ku sii daayaa milaayiin dhico ah oo wata fayraska keena jadeecadda. Dhibcahaas waxay hawada ku jiraan iyagoo nool ugu yaraan 2 saacadood. Haddii dhibcahaas uu neefsado ilmo caafimaad qaba waxaa jirkiisa galaya fayruska keena jadeecada. Haddii ilmahaagu uusan talaalayn ama hore aysan ugu dhicin jadeecadu 90% fursad ah ayuu helayaa inuu jadeecada la jiranayo. Haddii ilmaha la talaalo ama horay ay ugu dhacday jadeecadu ma qaadayo mar kale n...