Indho-habeeno
Calaamadaan caafimaad ee indho-habeeno ama Night blindness wuxuu ku dhacaa dadka waawayn iyo carruurtaba. Waxay indho-habeeno timaadaa marka qofku xilliga mugdiga ah sida habeenkii uu si quman wax u arki waayo amaba gorayooy gabal kuu dhac uu noqdo. Marka ilmuhu jooggaan meel iftiin leh ama maalin wayntaba aragtidu waa mid caadi ah, laakiin haddii gabalku dhaco ayay timaadaa indho-habeeno.
Indho-habeenadu sideedaba ma ahan cuddur, laakiin waa calaamad soo baxda marka ay jirto cuddur ama jirro qarsoon oo qofka haysa. Waxay dhibtaan ka dhacdaa qaybta retiinaha isha oo si fiican u shaqayn wayday sababo badan awgood.
Carruurta yar yar ee ay haleesho indho-habeenadu waxay ka cabsadaan inay socdaan waqtiga mugdigu jiro ama habeenkii ah. Waxay neceb yihiin in habeenkii qolka ay jiifaan na...